1Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.
1“Nepatikėk melagingu skundu ir neprisidėk prie piktadario neteisingai liudyti.
2Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,
2Nesek paskui minią daryti pikta ir neprisidėk teisme prie daugumos iškreipti teisingumo.
3waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.
3Nepataikauk beturčiui jo byloje.
4Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.
4Jei sutinki beklaidžiojantį savo priešo jautį ar asilą, privalai jį nuvesti jam.
5Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.
5Jei matai tavęs nekenčiančio žmogaus asilą, parkritusį po našta, nepraeik, bet padėk jį pakelti.
6Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.
6Neiškraipyk teisingumo beturčio byloje.
7Wax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala.
7Šalinkis neteisybės, nekalto bei teisaus nežudyk, nes Aš neišteisinsiu piktadario.
8Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.
8Kyšių nepriimk, nes kyšiai apakina net išmintinguosius ir iškraipo teisiųjų žodžius.
9Oo qariib waa inaadan dulmin; waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan, maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen.
9Neskriausk ateivio. Jūs žinote, kaip jaučiasi ateivis, nes buvote ateiviai Egipto šalyje.
10Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,
10Šešerius metus sėsi savo žemėje ir surinksi jos vaisius,
11laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.
11o septintaisiais metais leisi jai pailsėti, paliksi ją neapsėtą, kad tavo tautos beturčiai iš jos maitintųsi, ir tai, ką jie paliks, ėstų laukiniai žvėrys. Taip pat pasielgsi su savo vynuogynu ir alyvmedžiais.
12Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.
12Šešias dienas dirbk savo darbą, o septintąją dieną ilsėkis, kad pailsėtų tavo jautis bei asilas ir atsikvėptų vergės sūnus bei ateivis.
13Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.
13Laikykitės viso, ką jums įsakiau. Neminėkite kitų dievų vardo, tenesigirdi to iš jūsų lūpų.
14Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.
14Tris kartus per metus švęsi man šventes.
15Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.
15Švęsk Neraugintos duonos šventę. Septynias dienas valgyk neraugintą duoną, kaip įsakiau nustatytu laiku, Abibo mėnesį, nes jį išėjai iš Egipto. Nepasirodyk mano akyse tuščiomis rankomis.
16Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.
16Švęsk Pirmųjų vaisių derliaus šventę ir metų pabaigoje, kai nuimsi laukų derlių, Derliaus nuėmimo šventę.
17Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.
17Tris sykius per metus kiekvienas vyras tepasirodo Viešpaties akivaizdoje.
18Oo waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda.
18Neaukok mano aukos kraujo drauge su rauginta duona ir nelaikyk iki ryto mano aukos riebalų.
19Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.
19Pirmuosius savo dirvos vaisius atgabenk į Viešpaties, tavo Dievo, namus. Nevirk ožiuko jo motinos piene.
20Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.
20Aš siunčiu angelą pirma tavęs, kad saugotų tave kelyje ir nuvestų į vietą, kurią tau paruošiau.
21Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.
21Saugokis jo ir klausyk jo balso, nesipriešink jam, nes jis neatleis jūsų nusižengimų, kadangi jame yra mano vardas.
22Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.
22Bet jei tu iš tiesų paklusi jo balsui ir vykdysi visa, ką kalbu, tai Aš būsiu priešas tavo priešams ir prispaudėjas tavo prispaudėjams.
23Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.
23Mano angelas eis pirma tavęs ir tave nuves pas amoritus, hetitus, perizus, kanaaniečius, hivus ir jebusiečius, ir Aš juos sunaikinsiu.
24Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.
24Nesilenk prieš jų dievus ir netarnauk jiems. Nesielk, kaip jie elgiasi, bet visiškai sunaikink juos ir sudaužyk jų atvaizdus.
25Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.
25Jūs tarnausite Viešpačiui, savo Dievui, ir Jis laimins tavo duoną bei vandenį; ir Aš pašalinsiu jų ligas.
26Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.
26Nebus nelaiku gimdančios ir nevaisingos tavo šalyje, ir išpildysiu tavo dienų skaičių.
27Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.
27Sukelsiu baimę tarp tavo priešų ir sąmyšį tautoje, su kuria kariausi, ir priversiu visus tavo priešus bėgti.
28Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.
28Aš siųsiu pirma tavęs širšes, kad jos nuvytų nuo tavęs hivus, kanaaniečius ir hetitus.
29Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.
29Aš nenuvarysiu jų nuo tavo veido per vienerius metus, kad žemė netaptų dykuma ir nepadaugėtų laukinių žvėrių.
30In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.
30Pamažu juos išvarysiu iš krašto, kol tu išsiplėsi ir užvaldysi žemę.
31Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.
31Aš nustatysiu tavo krašto ribas nuo Raudonosios jūros iki filistinų jūros ir nuo dykumos iki upės. Atiduosiu tos šalies gyventojus į tavo rankas, ir tu juos išvarysi iš krašto.
32Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.
32Nedaryk sandoros nei su jais, nei su jų dievais.
33Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.
33Jie neturi gyventi tavo šalyje, kad tavęs nesugundytų nusidėti prieš mane. Jei tarnausi jų dievams, tai taps tau spąstais”.