Somali

Lithuanian

Exodus

24

1Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;
1Viešpats sakė Mozei: “Tu, Aaronas, Nadabas ir Abi-huvas bei septyniasdešimt Izraelio vyresniųjų užlipkite ant kalno ir pagarbinkite mane iš tolo.
2oo Muuse oo keliyahu waa inuu Rabbiga u soo dhowaada, laakiinse iyagu waa inayan soo dhowaan, dadkuna yuusan la soo fuulin.
2Mozė vienas priartės prie Viešpaties, o jie tegul nesiartina, ir tauta tegu neina su juo”.
3Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa.
3Mozė atėjo ir pranešė tautai visus Viešpaties žodžius ir nuostatus. Tada visa tauta atsakė vienu balsu: “Visus žodžius, kuriuos Viešpats kalbėjo, vykdysime”.
4Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen.
4Mozė surašė visus Viešpaties žodžius. Anksti rytą atsikėlęs, jis pastatė aukurą kalno papėdėje ir dvylika stulpų pagal dvylika Izraelio giminių.
5Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.
5Ir jis pasiuntė jaunus vyrus iš Izraelio vaikų, kurie aukojo deginamąsias aukas ir jaučius kaip padėkos auką Viešpačiui.
6Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii badhkiis oo wuxuu ku shubay xeedhooyin; oo dhiiggii badhkiisna wuxuu ku rusheeyey meeshii allabariga.
6Mozė ėmė pusę aukojamųjų gyvulių kraujo ir supylė į dubenis, o kitą pusę iššlakstė ant aukuro.
7Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa.
7Po to jis, paėmęs sandoros knygą, tautai girdint, perskaitė. Jie sakė: “Visa, ką Viešpats įsakė, vykdysime ir būsime klusnūs”.
8Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan.
8Tada Mozė ėmė kraujo ir, šlakstydamas jį ant tautos, tarė: “Štai kraujas sandoros, kurią Viešpats padarė su jumis šiais žodžiais”.
9Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.
9Tada užkopė Mozė, Aaronas, Nadabas, Abihuvas ir septyniasdešimt Izraelio vyresniųjų.
10Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan.
10Ir jie matė Izraelio Dievą: po Jo kojomis buvo tarsi grindinys iš safyro akmens, tarsi skaidrus dangus.
11Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.
11Ir Jis nekėlė savo rankos prieš Izraelio vaikų vyresniuosius. Jie matė Dievą, valgė ir gėrė.
12Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.
12Viešpats tarė Mozei: “Užkopk pas mane ant kalno ir būk čia. Aš duosiu tau akmenines plokštes, įstatymą ir įsakymus, kuriuos surašiau, kad galėtum juos pamokyti”.
13Kolkaasaa Muuse sara kacay, isaga iyo midiidinkiisii Yashuuca, oo Muuse wuxuu fuulay buurtii Ilaah.
13Tai pakilo Mozė ir jo tarnas Jozuė, ir Mozė užlipo į Dievo kalną.
14Oo wuxuu odayaashii ku yidhi, Idinku halkan noo jooga, ilaa aan mar kale idiin nimaadno, oo bal eega, waxaa idinla jooga Haaruun iyo Xuur; ku alla kii dacwo qaba, iyaga ha u yimaado.
14Mozė tarė vyresniesiems: “Palaukite čia mūsų, kol sugrįšime. Aaronas ir Hūras yra su jumis; kas turi kokią bylą, kreipkitės į juos”.
15Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur.
15Mozė užkopė į kalną, ir debesis apdengė kalną.
16Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.
16Viešpaties šlovė nusileido ant Sinajaus kalno ir pasiliko šešias dienas. Septintą dieną Jis pašaukė Mozę iš debesies.
17Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda.Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.
17Viešpaties šlovė atrodė izraelitams lyg deganti ugnis kalno viršūnėje.
18Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.
18Mozė įėjo į debesį ir užlipo į kalną. Jis pasiliko kalne keturiasdešimt parų.