Somali

Lithuanian

Exodus

32

1Oo markii dadkii arkay in Muuse raagay oo uusan buurtii ka soo degin, ayaa dadkii iyagoo urursan Haaruun u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Kac, oo inoo samee ilaahyo ina hor socda; waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.
1Tauta, nesulaukdama Mozės grįžtant, susirinko apie Aaroną ir sakė jam: “Padaryk mums dievą, kuris eitų pirma mūsų, nes mes nežinome, kas atsitiko tam žmogui Mozei, kuris mus išvedė iš Egipto žemės”.
2Markaasaa Haaruun wuxuu iyagii ku yidhi, Soo bixiya hilqadaha dahabka ah oo dhegaha ugu jira naagihiinna, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, oo ii keena.
2Aaronas jiems atsakė: “Imkite iš savo žmonų, sūnų ir dukterų auksinius auskarus ir atneškite man”.
3Markaasaa dadkii oo dhammu waxay soo bixiyeen hilqadihii dahabka ahaa oo dhegaha ugu jiray oo waxay u keeneen Haaruun.
3Visi žmonės išsiėmė auksinius auskarus iš savo ausų ir atnešė juos Aaronui.
4Kolkaasuu gacmahooda ka guddoomay, oo wuxuu ku xardhay alaabta wax lagu xardho, wuxuuna ka sameeyey weyl dahab la shubay ah; oo waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.
4Tas juos išlydė ir nuliedino veršį. Žmonės tarė: “Izraeli, štai tavo dievas, kuris tave išvedė iš Egipto žemės”.
5Oo Haaruun markuu arkay ayuu meel allabari ka hor dhisay, markaasaa Haaruun ogeysiis ku dhawaaqay, oo wuxuu yidhi, Berri waa iiddii Rabbiga.
5Aaronas, matydamas tai, pastatė aukurą ir paskelbė: “Rytoj Viešpaties šventė!”
6Markaasay subaxdii dambe aroor hore keceen, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo, oo waxay keeneen qurbaanno nabaadiino, markaasay dadkii u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo ay u keceen inay cayaaraan.
6Atsikėlę anksti rytą, jie aukojo deginamąsias ir padėkos aukas, sėdo valgyti ir gerti, ir kėlėsi žaisti.
7Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Kac oo hoos u deg, waayo, dadkaagii aad dalkii Masar ka soo bixisay, way iskharribeen,
7Ir Viešpats pasakė Mozei: “Eik, nusileisk žemyn, nes tavo tauta, kurią išvedei iš Egipto žemės, nusidėjo.
8oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.
8Jie greitai nuklydo nuo kelio, kurį jiems nurodžiau. Nusiliedinę veršį, jį garbina, jam aukoja aukas ir sako: ‘Šitas yra tavo dievas, Izraeli, kuris tave išvedė iš Egipto žemės’.
9Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo waa dad madax adag,
9Matau, kad tai kietasprandė tauta.
10haddaba iska kay daa, aan aad ugu cadhoodee, oo aan kulligood baabbi'iyee, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun weyn.
10Palik mane, kad mano rūstybė užsidegtų prieš juos ir juos sunaikinčiau, o iš tavęs padarysiu didelę tautą”.
11Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh?
11Mozė maldavo Viešpatį, savo Dievą, sakydamas: “Kodėl, Viešpatie, Tavo rūstybė užsidega prieš Tavo tautą, kurią išvedei iš Egipto žemės didžia jėga ir galinga ranka?
12Bal Masriyiintu maxay u odhan doonaan, Wuxuu iyaga u saaray xumaan inuu buuraha ku laayo iyo inuu dhulka iyaga ka baabbi'iyo? Rabbiyow, ka leexo cadhadaada kulul oo ka noqo xumaantan aad damacsan tahay inaad dadkaaga ku samaysid.
12Kodėl egiptiečiai turėtų sakyti: ‘Išvedė juos į pražūtį, kad nužudytų kalnuose ir išnaikintų nuo žemės paviršiaus’. Liaukis rūstavęs ir nesielk piktai su šia tauta.
13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.
13Atsimink savo tarnus: Abraomą, Izaoką ir Izraelį, kuriems prisiekei: ‘Padauginsiu jūsų palikuonis kaip dangaus žvaigždes ir visą šitą žemę, apie kurią kalbėjau, duosiu jūsų palikuonims, kad jie paveldėtų ją amžiams’ ”.
14Markaasaa Rabbigu ka noqday xumaantii uu damacsanaa inuu dadkiisa ku sameeyo.
14Ir Viešpats nepasielgė piktai su savo tauta, kaip buvo sumanęs.
15Markaasuu Muuse jeestay, oo buurtii hoos uga degay, isagoo labadii loox oo maragga ahaa gacanta ku sita, looxyadana wax baa kaga qornaa labadooda dhinacba; oo dhankan iyo dhankaasba wax qoran baa kaga yiil.
15Mozė sugrįžo nuo kalno, nešdamas rankoje dvi liudijimo plokštes, abiejose pusėse prirašytas.
16Oo looxyadu waxay ahaayeen shuqulkii Ilaah, oo farta ku qoranuna waxay ahayd fartii Ilaah oo looxyada ku xardhan.
16Plokštės ir jose įrėžtas raštas buvo Dievo darbas.
17Oo markii Yashuuca maqlay qayladii ay dadku ku qaylinayeen ayuu Muuse ku yidhi, War xeradii qaylo colaadeed baa ka yeedhaysa.
17Jozuė, išgirdęs šūkaujančios tautos triukšmą, tarė Mozei: “Karo šauksmas girdisi stovykloje”.
18Markaasuu ku yidhi, Kaasu ma aha codka kuwa guulaysta, mana aha codka kuwa laga adkaado, laakiinse waxaan maqlayaa kuwa gabyaya codkood.
18O Mozė atsakė: “Tai ne nugalėtojų šauksmas ir ne pralaimėjusiųjų balsai, bet dainuojančių balsus aš girdžiu”.
19Oo markuu xeradii ku soo dhowaaday wuxuu arkay weyshii iyo cayaartii; markaasaa Muuse aad u cadhooday, looxyadiina gacmihiisa wuu ka tuuray, oo wuxuu ku jejebiyey buurta hoosteedii.
19Prisiartinęs prie stovyklos, jis išvydo veršį ir šokius. Mozė užsidegė pykčiu ir išmetė iš rankų abi plokštes, ir jas sudaužė kalno papėdėje.
20Markaasuu weyshii ay samaysteen qaaday, dab buuna ku gubay oo daqiijiyey, oo intuu biyaha ku dul daadiyey ayuu reer binu Israa'iil cabsiiyey.
20Paėmęs veršį, kurį jie buvo pasidarę, sudegino jį ir sutrynė į dulkes; jas subėrė į vandenį ir davė gerti Izraelio vaikams.
21Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War maxaa dadkanu kugu sameeyey oo aad dembi weyn ugu keentay?
21Mozė klausė Aaroną: “Ką tau padarė šita tauta, kad užtraukei jiems tokią didelę nuodėmę?”
22Markaasaa Haaruun wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, bal ha ii cadhoon; waayo, adiguba waad og tahay inay dadkanu sharka jecel yihiin.
22Aaronas atsakė: “Tenesirūstina mano valdovas. Tu žinai šitą tautą, kad jie greit nusikalsta.
23Waayo, waxay igu yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda, waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.
23Nes jie man sakė: ‘Padirbk mums dievą, kuris eitų pirma mūsų, nes mes nežinome, kas atsitiko tam žmogui Mozei, kuris mus išvedė iš Egipto žemės’.
24Markaasaan ku idhi, Ku alla kii dahab haystaa, ha siibo. Kolkaasay i siiyeen, anna dabkaan ku tuuray, oo waxaa ka soo baxday weyshan.
24Aš jiems sakiau: ‘Kas iš jūsų turi aukso, suneškite!’ Jie atidavė man auksą, aš įmečiau jį į ugnį ir išėjo šitas veršis”.
25Oo markii Muuse arkay in dadkii layska sii daayay, waayo, Haaruun baa sii daayay oo ku kashifay cadaawayaashooda hortooda,
25Mozė matė, kad tauta yra apnuoginta, nes Aaronas buvo ją apnuoginęs ir pastatęs priešų pajuokai.
26ayuu Muuse istaagay xerada iriddeedii, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii Rabbiga la gees ahow, ii kaalay. Markaasay reer Laawi oo dhammu agtiisa ku soo urureen.
26Tada Mozė, stovėdamas stovyklos vartuose, sakė: “Kas esate Viešpaties, susirinkite prie manęs!” Prie jo susirinko visi Levio sūnūs.
27Markaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Nin waluba seeftiisa dhinaca ha ku xidho, oo kulligiin irid ilaa irid xerada hore iyo dib u dhex qaada, oo nin waluba ha dilo walaalkiis, iyo saaxiibkiis, iyo deriskiisaba.
27Jis tarė: “Taip sako Viešpats: ‘Kiekvienas prisijuoskite kardą prie juosmens. Eikite per stovyklą išilgai nuo vartų ligi vartų ir nužudykite savo brolį, draugą ir artimą’ ”.
28Oo reer Laawi waxay yeeleen hadalkii Muuse, oo maalintaas dadkii waxaa ka dhintay qiyaastii saddex kun oo nin.
28Levitai padarė, kaip Mozė įsakė. Tą dieną krito maždaug trys tūkstančiai žmonių.
29Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Inuu maanta barako idinku soo dejiyo aawadeed, Rabbiga quduus isaga dhiga oo nin waluba ha ka gees noqdo wiilkiisa iyo walaalkiisba.
29Nes Mozė sakė: “Pasišvęskite šiandien Viešpačiui, nesigailėkite savo sūnaus nė brolio, kad jums tektų palaiminimas”.
30Oo waxaa dhacday, in Muuse maalintii dambe dadkii ku yidhi, Idinku dembi weyn baad samayseen, oo haatan waxaan kor ugu tegayaa Rabbiga; mindhaa dembigiinna aawadiis ayaan u kafaaro gudi doonaaye.
30Kitą dieną Mozė kalbėjo tautai: “Labai nusidėjote: eisiu pas Viešpatį, gal kaip nors sutaikinsiu jus dėl jūsų nusikaltimo”.
31Markaasaa Muuse wuxuu ku noqday Rabbiga xaggiisa, oo wuxuu yidhi, Bal dadkanu dembi weyn bay sameeyeen, oo waxay samaysteen ilaahyo dahab ah.
31Sugrįžęs pas Viešpatį, tarė: “Šita tauta, pasidarydama auksinį dievą, labai nusidėjo.
32Laakiin hadda haddaad dembigooda cafidid; haddii kalese waan ku baryayaaye, kitaabkaaga aad qortay iga tir.
32Bet aš maldauju, atleisk jiems tą kaltę: jei ne, išbrauk mane iš knygos, kurion įrašei”.
33Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ku alla kii igu dembaabay weeye kan aan kitaabkayga ka tirayaa.
33Viešpats jam atsakė: “Kas man nusideda, tą išbrauksiu iš savo knygos.
34Ee haddaba tag, oo meeshii aan kaala hadlay dadka u hor kac, oo bal eeg, malaa'igtayda ayaa ku hor kici doontee; habase yeeshee maalinta aan soo booqdo ayaan dembigooda u ciqaabi doonaa.Markaasaa Rabbigu dadkii belaayo ku riday, waayo, waxay sameeyeen weyshii taasoo tii Haaruun sameeyey ahayd.
34Todėl eik ir vesk tautą, kur tau įsakiau. Mano angelas eis pirma tavęs. O kai laikas ateis, Aš juos nubausiu už jų nuodėmę”.
35Markaasaa Rabbigu dadkii belaayo ku riday, waayo, waxay sameeyeen weyshii taasoo tii Haaruun sameeyey ahayd.
35Viešpats baudė tautą dėl veršio, kurį Aaronas buvo padaręs.