1Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tag, oo halkan ka socda, adiga iyo dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisayba, oo waxaad u kacdaan dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo aan mid walba ku idhi, Farcankaagaan siin doonaa.
1Viešpats kalbėjo Mozei: “Eik ir keliauk iš šitos vietos su tauta, kurią išvedei iš Egipto, į šalį, apie kurią prisiekiau Abraomui, Izaokui ir Jokūbui, sakydamas: ‘Aš ją duosiu tavo palikuonims’.
2Oo waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
2Aš siųsiu pirma tavęs angelą ir išstumsiu kanaaniečius, amoritus, hetitus, perizus, hivus ir jebusiečius.
3U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.
3Eik į žemę, plūstančią pienu ir medumi; tačiau Aš pats neisiu su jumis, kadangi esate kietasprandė tauta, kad kartais nesunaikinčiau jūsų kelyje”.
4Oo markii dadkii warkaas xun maqlay, ayay wada calool xumaadeen, oo midkoodna ma xidhan wixii uu isku sharrixi jiray.
4Tauta, išgirdusi tokią blogą žinią, nuliūdo, nė vienas nesipuošė papuošalais.
5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinku waxaad tihiin dad madax adag, oo haddii aan daqiiqad qudh ah dhexdiinna imaado, waan idin baabbi'in; haddaba wixii aad isku sharrixi jirteen, iska fura, bal inaan ogaado waxaan idinku sameeyo.
5Nes Viešpats sakė Mozei: “Kalbėk Izraelio tautai: ‘Jūs esate kietasprandė tauta: jei įeičiau pas jus nors trumpam, sunaikinčiau jus. Todėl nusiimkite savo papuošalus, kad žinočiau, ką su jumis daryti’ ”.
6Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Buur Xoreeb ka bilaabeen inay iska furaan wixii ay isku sharrixi jireen.
6Izraelitai nusiėmė nuo savęs papuošalus prie Horebo kalno.
7Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa.
7Mozė ištiesė palapinę toli už stovyklos ir pavadino ją Susitikimo palapine. Visi žmonės, kurie ieškojo Viešpaties, eidavo iš stovyklos prie Susitikimo palapinės.
8Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay.
8Kai Mozė eidavo į palapinę, visi žmonės pakildavo ir stovėdavo savo palapinių angose, sekdami jį akimis, kol jis įeidavo palapinėn.
9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.
9Mozei įėjus į Susitikimo palapinę, debesies stulpas nusileisdavo ir stovėdavo prie palapinės įėjimo ir Viešpats kalbėdavosi su Moze.
10Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.
10Visa tauta matė debesies stulpą prie palapinės įėjimo, ir visi žmonės pakildavo ir pagarbindavo savo palapinių angose.
11Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday; laakiinse midiidinkiisii ahaa Yashuuca ina Nuun oo nin dhallinyar ahaa ayaan Taambuuggii ka bixin.
11Viešpats kalbėdavo su Moze veidas į veidą, kaip žmogus kalbasi su savo draugu. Jam grįžtant į stovyklą, jo tarnas Jozuė, Nūno sūnus, jaunas vyras, nepasitraukdavo nuo palapinės.
12Muusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay.
12Mozė tarė Viešpačiui: “Liepei išvesti šitą tautą ir nepasakei, ką siųsi su manimi, tačiau sakei: ‘Aš tave pažįstu ir žinau tavo vardą, tu radai malonę mano akyse’.
13Haddaba waan ku baryayaaye, haddaad raalli iga tahay, jidadkaaga i tus, inaan ku ogaado aawadeed, oo aad raalli iga ahaato, oo bal fiiri in quruuntanu tahay dadkaaga.
13Jei tad radau malonę Tavo akyse, apreikšk man savo kelius, kad Tave pažinčiau ir galėčiau atrasti malonę Tavo akyse, nes tie žmonės yra Tavo tauta”.
14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.
14Viešpats atsakė: “Mano artumas eis su tavimi, ir Aš įvesiu tave į poilsį”.
15Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.
15Mozė atsakė: “Jei Tavo artumas neis, nevesk mūsų niekur iš šitos vietos.
16Waayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan?
16Nes kaip man sužinoti, kad aš ir Tavo tauta atradome malonę Tavo akyse? Ar ne iš to, kad Tu eisi su mumis? Taip aš ir Tavo tauta būsime išskirti iš visų žemės tautų”.
17Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weliba waxan aad ku hadashay waan kuu samayn doonaa; waayo, raalli baan kaa ahay, oo magacaagana waan kugu aqaan.
17Viešpats atsakė Mozei: “Ir šį prašymą patenkinsiu, nes radai malonę mano akyse ir Aš žinau tavo vardą”.
18Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, ammaantaada i tus.
18Mozė prašė: “Parodyk man savo šlovę”.
19Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto.
19Viešpats atsakė: “Aš leisiu visai savo šlovei praeiti pro tave ir paskelbsiu tau Viešpaties vardą, ir būsiu maloningas tam, kam būsiu maloningas, ir pasigailėsiu to, ko pasigailėsiu.
20Oo wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo.
20Mano veido negalėsi matyti, nes žmogus, mane pamatęs, negali išlikti gyvas.
21Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn,
21Štai vieta šalia manęs! Atsistok ant šios uolos.
22oo markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo;oo haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.
22Kai mano šlovė eis pro šalį, tave pastatysiu uolos plyšyje ir pridengsiu savo ranka, kol praeisiu.
23oo haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.
23Po to atitrauksiu ranką ir matysi mane iš užpakalio, mano gi veido nematysi”.