Somali

Lithuanian

Exodus

36

1Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan.
1Tai ėmėsi darbo Becalelis, Oholiabas ir kiti sumanūs vyrai, kuriems Viešpats davė išminties ir supratimo, kaip padaryti įvairius reikmenis šventyklai pagal visus Viešpaties nurodymus.
2Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.
2Mozė pasišaukė Becalelį, Oholiabą ir visus sumanius vyrus, kurie savo noru sutiko dirbti prie šventyklos darbų.
3Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.
3Mozė atidavė jiems visas aukas, kurias Izraelio vaikai atnešė šventyklos darbams. Tauta kas rytą vis dar nešė laisvos valios aukas.
4Oo raggii xigmadda lahaa oo dhan, oo ahaa kuwii shuqulka ka qabtay meesha quduuska ah, way wada yimaadeen, oo waxaa nin waluba ka soo kacay shuqulkii uu samaynayay.
4Visi sumanūs vyrai, kurie darė šventyklos darbus, atėjo nuo savo darbų ir kalbėjo Mozei:
5Oo intay Muuse la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Dadku waxay keeneen in ka sii badan intii ku filnayd in lagu qabto shuqulkii Rabbigu amray in la sameeyo.
5“Tauta aukoja daugiau negu reikia, kad įvykdytume šį Viešpaties įsakytą darbą”.
6Markaasaa Muuse amar bixiyey, oo waxaa xeradii oo dhan laga naadiyey inaan nin iyo naag toona wax dambe u bixin shuqulka meesha quduuska ah. Sidaas daraaddeed baa dadkii looga joojiyey si aanay wax kale u keenin.
6Tada Mozė liepė paskelbti, kad nei vyras, nei moteris nieko daugiau nebeaukotų šventyklos statybai. Tada žmonės nustojo aukoti,
7Waayo, alaabtii ay haysteen waa ku filnayd in shuqulka oo dhan lagu sameeyo, wayna ka sii badnayd weliba.
7nes visko, kas buvo sunešta, užteko visiems darbams padaryti ir dar liko.
8Oo nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay.
8Sumanūs vyrai, kurie darė palapinę, padarė iš plonos suktų siūlų drobės ir mėlynų, raudonų ir violetinių siūlų dešimt uždangalų su išsiuvinėtais cherubų vaizdais.
9Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna isku wada qiyaas bay ahaayeen.
9Kiekvienas jų buvo dvidešimt aštuonių uolekčių ilgio ir keturių uolekčių pločio­visi uždangalai buvo vienodo dydžio.
10Oo shan daah ayuu mid kasta midka kale ku xidhay, oo shantii daah oo kalena ayuu mid kasta midka kale ku xidhay.
10Jie sujungė penkis uždangalus vieną su kitu ir likusius penkis sujungė vieną su kitu.
11Oo daahyada midkii darafta ugu xigay qarkiisa ayuu wuxuu u yeelay siddooyin buluug ah; oo sidaasoo kalena wuxuu u yeelay daahii dibadda ugu xigay intii labaad.
11Be to, padarė mėlynas kilpas vienam ir antram uždangalui,
12Konton siddo ayuu daahba u yeelay, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daaha dibadda u xiga ee intii labaad; oo siddooyinkuna midba mid buu ku toosnaa.
12po penkiasdešimt kilpų, kad kilpos būtų viena prieš kitą ir uždangalai galėtų būti sukabinti.
13Oo wuxuu sameeyey konton qabsato oo dahab ah, oo daahyadiina wuxuu midba midka kale kula lammaaneeyey qabsatooyinkii; sidaasuu taambuuggu mid u noqday.
13Nuliejo taip pat penkiasdešimt auksinių kabių, kuriomis sukabino abu uždangalus taip, kad pasidarė viena palapinė.
14Markaasuu daahyo ka sameeyey dhogor riyaad, inay ahaadaan teendho ka sarrayso taambuugga, oo wuxuu iyaga ka dhigay kow iyo toban daah.
14Padarė ir vienuolika uždangalų iš ožkų plaukų palapinės viršui apdengti.
15Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo kow iyo tobanka daah isku wada qiyaas bay ahaayeen.
15Kiekvienas uždangalas buvo trisdešimties uolekčių ilgio ir keturių uolekčių pločio­visi vienuolika uždangalų buvo vienodo dydžio.
16Markaasuu shan daah gooni-ahaantooda isugu xidhay, lix daahna gooni-ahaan.
16Penkis jų sujungė į vieną, kitus šešis taip pat sujungė.
17Markaasuu qarkii daahii dibadda u xigay intii kowaad u yeelay konton siddo, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daahii dibadda u xigay intii labaad.
17Padarė penkiasdešimt kilpų vieno sujungto uždangalo šone ir penkiasdešimt kito šone, kad abu būtų galima sukabinti.
18Oo haddana wuxuu sameeyey konton qabsato oo naxaas ah inuu teendhada iskula dhejiyo oo ay mid noqoto.
18Taip pat padarė ir penkiasdešimt varinių kabių, kuriomis būtų sukabinti abu sujungti uždangalai, kad susidarytų vienas uždangalas.
19Oo teendhadana wuxuu ded uga sameeyey wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.
19Dar padarė palapinės uždangalą iš raudonai dažytų avinų kailių ir uždangalą iš opšrų kailių.
20Oo taambuugga looxyadiisii taagtaagnaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah.
20Iš akacijos medžio padarė lentas palapinei, kad jas būtų galima pastatyti.
21Oo loox kasta dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.
21Kiekviena lenta buvo dešimties uolekčių ilgio ir pusantros uolekties pločio.
22Oo loox kastaaba wuxuu lahaa laba caaro, oo looxyaduna dhinacyaday isku hayeen, oo looxyadii taambuugga oo dhan sidaasuu u sameeyey.
22Jos turėjo po du išsikišimus, kad vieną lentą su kita būtų galima sukabinti. Taip buvo padarytos visos palapinės lentos.
23Oo looxyada ayuu Taambuugga u sameeyey, oo waxay ahaayeen labaatan loox dhinaca koonfureed.
23Ir padarė lentas palapinei: dvidešimt lentų šonui, atgręžtam į pietus,
24Oo wuxuu sameeyey afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatan loox, oo laba saldhigba waxay ka hooseeyeen loox, oo waxay saldhig u ahaayeen labadiisii caaro, oo laba kale oo saldhigna waxay saldhig u ahaayeen loox kale labadiisii caaro.
24su keturiasdešimt sidabrinių pakojų­kiekviena lenta turėjo po du pakojus savo apačioje.
25Oo taambuugga dhankiisa labaadna oo woqooyi xiga, wuxuu u sameeyey labaatan loox,
25Taip pat į šiaurę atgręžtam šonui buvo padaryta dvidešimt lentų
26iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba loox bay ka hooseeyeen, oo laba saldhig oo kalena waxay ka hooseeyeen loox kale.
26su keturiasdešimt sidabrinių pakojų, po du pakojus kiekvienai lentai.
27Oo taambuugga xaggiisa dambe oo galbeed xigtana wuxuu u sameeyey lix loox.
27Palapinės šonui, atgręžtam į vakarus, padarė šešias lentas
28Oo labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambena wuxuu u sameeyey laba loox.
28ir dvi lentas palapinės kampams iš abiejų pusių.
29Oo hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.
29Jos buvo sujungtos apačioje ir viršuje ir sudarė vieną sunėrimą. Taip jis padarė abiejuose kampuose.
30Waxaana jiray siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahaa. Kuwaasu waxay ahaayeen lix iyo toban saldhig, oo lababa loox ka hoosayso.
30Ir buvo iš viso aštuonios lentos ir šešiolika sidabrinių pakojų, po du pakojus kiekvienai lentai.
31Oo wuxuu ulo gudban ka sameeyey qori qudhac ah, oo shan buu u sameeyey looxyada taambuugga dhinac kaga jira,
31Ir padarė užkaiščius iš akacijos medžio. Penkis užkaiščius vienos palapinės pusės lentoms,
32oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada dhinaca kale kaga jira taambuugga, oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada taambuugga kaga jira xaggiisa dambe oo galbeed xigta.
32penkis užkaiščius kitos palapinės pusės lentoms ir penkis užkaiščius palapinės galui vakarų pusėje.
33Oo uldhexaaddii ayuu looxyadii ku gudbay gees ilaa gees.
33Ir padarė vidinį užkaištį, kuris eitų per lentas nuo vieno galo iki kito.
34Oo looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.
34Aptraukė lentas auksu, nuliejo auksines grandis užkaiščiams ir užkaiščius aptraukė auksu.
35Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.
35Padarė uždangą iš mėlynų, raudonų, violetinių siūlų ir plonos suktų siūlų drobės ir ant jos išsiuvinėjo cherubus.
36Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.
36Jai pakabinti padarė keturis stulpus iš akacijos medžio, aptrauktus auksu, su auksiniais kabliais ir sidabriniais pakojais.
37Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.
37Palapinės įėjimui padarė užuolaidą iš mėlynų, raudonų, violetinių siūlų ir plonos suktų siūlų drobės, visą išsiuvinėtą,
38Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.
38ir penkis stulpus su jų kabliais. Jų pagrindus ir skersinius aptraukė auksu, bet jų penki pakojai buvo variniai.