1Oo Besaleel wuxuu sanduuqii ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.
1Becalelis padarė iš akacijos medžio skrynią pustrečios uolekties ilgio, pusantros pločio ir pusantros aukščio.
2Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.
2Ją aptraukė grynu auksu iš vidaus ir iš išorės, auksinis apvadas buvo aplinkui.
3Kolkaasuu wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah oo afartiisa rukun ee hoose ku yaal; oo laba siddoba dhinac buu kaga dhejiyey, dhinaca kalena laba siddo buu kaga dhejiyey.
3Nuliejo keturias auksines grandis ir pritvirtino keturiuose kampuose: po dvi grandis iš kiekvienos pusės.
4Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.
4Iš akacijos medžio padarė kartis, kurias aptraukė auksu,
5Markaasuu ulihii wuxuu geliyey siddooyinkii sanduuqa dhinacyadiisa ku yiil, si sanduuqa loogu qaado.
5ir įkišo į grandis, esančias skrynios šonuose, jai nešioti.
6Markaasuu wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey dabool, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.
6Padarė dangtį iš gryno aukso pustrečios uolekties ilgio ir pusantros uolekties pločio.
7Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay.
7Iš aukso padarė du cherubus, nukaltus iš vieno gabalo, abiejuose dangčio galuose.
8Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad.
8Vieną cherubą viename gale, antrąkitame. Ant dangčio padarė cherubus abiejuose galuose
9Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.
9išskėstais sparnais, gaubiančiais dangtį. Jų veidai buvo atgręžti vienas į kitą ir žiūrėjo į dangtį.
10Miiskana qori qudhac ah ayuu ka sameeyey, oo dhererkiisu wuxuu ahaa laba dhudhun, ballaadhkiisuna dhudhun, sarajooggiisuna dhudhun iyo badh,
10Padarė dar ir stalą iš akacijos medžio: dviejų uolekčių ilgio, uolekties pločio ir pusantros uolekties aukščio.
11oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.
11Jį aptraukė grynu auksu ir padarė auksinį apvadą aplinkui
12Oo wuxuu u yeelay qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan, oo qarkiina wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan.
12ir auksinę briauną plaštakos platumo, o ant joskitą auksinį apvadą.
13Oo wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah, oo wuxuu siddooyinkii ku dhejiyey afarta gees oo afarta rukun oo hoose kaga yiil.
13Nuliejo keturias auksines grandis, kurias pritaisė keturiuose kampuose prie kiekvienos stalo kojos,
14Oo siddooyinku waxay ku dhowaayeen qarka, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.
14ir į jas įkišo kartis stalui nešioti.
15Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.
15Kartis padarė iš akacijos medžio ir aptraukė auksu.
16Oo wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey alaabtii miiska saarnayd oo dhan oo ahayd suxuuntiisii, iyo malqacadihiisii, iyo maddiibadihiisii, iyo kidhliyadiisii wax laga shubo.
16Padarė ir įvairius stalo reikmenis iš gryno aukso: dubenis, taures, smilkytuvus ir puodelius skysčiams aukoti.
17Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.
17Žvakidė buvo nukalta iš gryno aukso. Iš jos liemens ėjo šakos, taurelės, buoželės ir žiedai;
18Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen.
18šešios šakos iš abiejų šonų: trys iš vienos pusės ir trys iš kitos;
19Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen.
19po tris riešuto pavidalo taureles, po buoželę ir žiedą buvo ant kiekvienos šakos, kurios ėjo iš žibinto liemens.
20Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii,
20Ant pačios žvakidės buvo keturios riešuto pavidalo taurelės su buoželėm ir žiedais.
21oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.
21Viena buoželė po dviem iš jos išeinančiom šakom, kita po dviem iš jos išeinančiom šakom ir trečia po dviem iš žvakidės išeinančiom šakom, visoms šešioms šakoms.
22Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.
22Buoželės ir šakos buvo nukaltos iš vieno gabalo gryno aukso.
23Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.
23Iš gryno aukso buvo padarytos ir septynios lempos, gnybtuvai ir indai nuognaiboms.
24Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.
24Žvakidė ir visi jos priedai buvo padaryti iš talento gryno aukso.
25Oo meeshii allabariga ee fooxana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, oo afar geesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa laba dhudhun, oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen.
25Iš akacijos medžio padarė smilkymo aukurą. Jis buvo keturkampis, uolekties ilgio, uolekties pločio ir dviejų uolekčių aukščio. Keturiuose jo kampuose buvo po ragą.
26Oo wuxuu dahab ku dahaadhay dusheedii iyo dhinacyadeedii ku wareegsanaa, iyo geesaheedii, oo wuxuu u sameeyey wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.
26Jį aptraukė grynu auksu: viršų, šonus ir ragus, ir padarė jam auksinį apvadą aplinkui
27Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.
27ir dvi auksines grandis po apvadu dviejuose kampuose kartims įkišti, kad jį būtų galima nešti.
28Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.
28Kartis taip pat padarė iš akacijos medžio ir aptraukė auksu.
29Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.
29Patepimo aliejus ir smilkalai buvo pagaminti vaistininkų būdu iš tyriausių kvepalų.