Somali

Lithuanian

Exodus

38

1Oo meeshii allabariga lagu gubi lahaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, afargeesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun.
1Padarė deginamųjų aukų aukurą iš akacijos medžio: penkių uolekčių ilgio, tiek pat pločio, keturkampį ir trijų uolekčių aukščio,
2Oo geesaheediina wuxuu ugu sameeyey afarteeda rukun; oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen, naxaas buuna ku dahaadhay.
2su ragais kampuose, ir aptraukė jį variu.
3Oo wuxuu kaloo sameeyey alaabtii meesha allabariga oo dhan, kuwaasoo ah dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii, iyo mudacyadii, iyo dabqaadayaashii; oo alaabteeda oo dhan wuxuu ka sameeyey naxaas.
3Jo reikalams padarė iš vario: puodus, semtuvėlius, dubenis, šakutes ir indus anglims.
4Oo wuxuu meeshii allabariga u sameeyey shabag naxaas ah oo gaadha qarka hoostiisa ilaa kalabadhka.
4Aukurui padarė iš vario išpintas groteles aplinkui jį nuo apačios iki pusės.
5Afarta daraf oo shabaggii naxaasta ahaa ayuu u yeelay afar siddo si ay u ahaadaan meelihii ulaha laga gelin lahaa.
5Nuliejo keturias varines grandis grotelių kampuose kartims įkišti.
6Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay.
6Padarė kartis iš akacijos medžio ir aptraukė jas variu.
7Oo ulihiina wuxuu ka geliyey siddooyinkii meesha allabariga si loogu qaado; oo wuxuu meeshii allabariga ka sameeyey looxyo sida sanduuq madhan oo kale.
7Kartis įkišo į grandis aukuro šonuose, kad būtų galima nešti. Aukuras buvo sukaltas iš lentų, vidurys buvo tuščias.
8Oo berkeddii weysada iyo salkeedii wuxuu ka sameeyey naxaas, taasoo laga helay muraayadihii dumarka ka adeegi jiray teendhada shirka iriddeeda.
8Padarė ir praustuvę su stovu iš vario, kurį paėmė iš budėjusių ties palapinės įėjimu moterų veidrodžių.
9Oo wuxuu sameeyey barxaddii; oo barxadda xaggeeda koonfureed waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay boqol dhudhun oo ah maro wanaagsan.
9Padarė ir kiemą. Jo pietų pusėje buvo šimto uolekčių ilgio užkabos, padarytos iš plonos suktų siūlų drobės,
10Oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.
10ir dvidešimt stulpų su jų variniais pakojais; taip pat kablius ir skersinius iš sidabro.
11Oo xaggeeda woqooyina waxaa ka lushay daahyo boqol dhudhun ah, oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.
11Šiaurės pusėje buvo šimto uolekčių ilgio užkabos, dvidešimt stulpų, dvidešimt varinių pakojų ir sidabriniai kabliai bei skersiniai.
12Oo dhinaca galbeed daahyadiisu waxay ahaayeen konton dhudhun, tiirarkoodu waxay ahaayeen toban, saldhigyadooduna toban, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag.
12Vakarų pusėje buvo penkiasdešimties uolekčių ilgio užkabos, dešimt stulpų su variniais pakojais; jų kabliai ir skersiniai buvo padaryti iš sidabro.
13Oo xagga bari daahyadiisuna waxay ahaayeen konton dhudhun.
13Rytinė pusė buvo taip pat penkiasdešimties uolekčių pločio;
14Oo iridda daahyadeedu dhinac waxay ka ahaayeen shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna saddex bay ahaayeen, saldhigyadooduna saddex,
14viename krašte buvo penkiolikos uolekčių ilgio užkaba su trimis stulpais ir jų pakojais
15oo dhinaca kalena sidaas oo kalay ahaayeen, oo barxadda iriddeeda xaggan iyo xaggaasba waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna waxay ahaayeen saddex, saldhigyadooduna saddex.
15ir kitame krašte taip pat penkiolikos uolekčių užkaba, trys stulpai ir tiek pat pakojų.
16Daahyadii barxadda ku wareegsanaa oo dhammu waxay ahaayeen maro wanaagsan.
16Visos užkabos aplinkui kiemą buvo iš plonos suktų siūlų drobės.
17Oo tiirarka saldhigyadoodu waxay ahaayeen naxaas; qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag; tiirarka madaxyadooda waxaa lagu dahaadhay lacag, oo tiirarka barxadda oo dhanna waxaa laysugu wada xidhay lacag.
17Stulpų pakojai buvo variniai, o jų kabliai ir skersiniai­iš sidabro; stulpus aptraukė sidabru ir sujungė juos sidabriniais skersiniais.
18Oo daaha barxadda iriddeeda wuxuu ahaa wax daabacan oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun oo u dhigma barxadda daahyadeeda.
18Įėjimui į kiemą padarė iš mėlynų, raudonų, violetinių ir plonų suktų siūlų išsiuvinėtą užkabą, kuri buvo dvidešimties uolekčių ilgio, penkių uolekčių pločio pagal visų kiemo užkabų aukštį.
19Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag.
19Užkabai padarė keturis stulpus su variniais pakojais ir sidabriniais kabliais bei skersiniais.
20Oo musmaarrada taambuugga iyo barxadda ku wareegsanba kulligood waxay ahaayeen naxaas.
20Palapinės ir kiemo kuoleliai buvo variniai.
21Waa tan tiradii alaabtii taambuugga, kaas oo ah taambuuggii maragga, markii la tiriyey sidii Muuse ku amray adeegidda reer Laawi, oo uu tilmaamay Iitaamaar kii wadaadkii Haaruun ahaa dhalay.
21Tai sąrašas to, kas buvo sunaudota Susitikimo palapinei, kaip suskaičiavo Mozei įsakius kunigo Aarono sūnus Itamaras, padedamas levitų.
22Oo kulli wixii Rabbigu ku amray Muuse waxaa sameeyey Besaleel oo ahaa ina Uurii oo ahaa ina Xuur, oo qabiilkiisu ahaa Yahuudah.
22Hūro sūnaus Ūrio sūnus Becalelis iš Judo giminės padarė viską, ką Viešpats įsakė Mozei.
23Oo waxaa isaga la jiray Aaholii'aab oo ahaa ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu ahaa Daan, oo wuxuu ahaa mid wax xardha, oo aad iyo aad u farsamo badan, iyo mid yaqaan sida loo daabaco buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
23Su juo buvo Ahisamako sūnus Oholiabas iš Dano giminės. Jis buvo sumanus raižytojas, audėjas bei siuvinėtojas iš mėlynų, raudonų, violetinių ir plonų lininių siūlų.
24Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
24Šventyklai iš viso buvo sunaudota dvidešimt devyni talentai ir septyni šimtai trisdešimt šekelių aukso pagal šventyklos šekelį.
25Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
25Sidabro, kurį davė visi tautoje suskaičiuoti vyrai, buvo šimtas talentų ir tūkstantis septyni šimtai septyniasdešimt penki šekeliai pagal šventyklos šekelį.
26Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin.
26Nuo kiekvieno, kuris buvo dvidešimties metų amžiaus arba vyresnis, buvo surinkta po pusę šekelio pagal šventyklos šekelį. Iš viso jų buvo šeši šimtai trys tūkstančiai penki šimtai penkiasdešimt.
27Oo saldhigyada meesha quduuska ah iyo saldhigyada ilxidhku waxay ka samaysmeen boqolkii talanti oo lacagta ahaa, boqol saldhig baa laga sameeyey boqolkii talanti, saldhigba talanti baa laga sameeyey.
27Iš šimto talentų sidabro nuliejo šimtą pakojų šventyklai ir uždangai, kiekvienam pakojui sunaudojo po vieną talentą.
28Kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatanka sheqel ayuu tiirarka qabsatooyinkoodii ka sameeyey, oo wuxuuna ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii, wuxuuna ka sameeyey waxyaalihii tiirarka laysugu wada xidhay.
28Iš tūkstančio septynių šimtų septyniasdešimt penkių šekelių padarė kablius stulpams, aptraukė stulpus sidabru ir sujungė juos skersiniais.
29Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.
29Dar buvo paaukota septyniasdešimt talentų ir du tūkstančiai keturi šimtai šekelių vario.
30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.
30Iš jo padarė pakojus Susitikimo palapinės įėjimui, varinį aukurą su grotelėmis ir visus aukuro reikmenis,
31iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.
31kiemo ir įėjimo pakojus ir palapinės bei kiemo kuolelius.