1Haddaba sannaddii soddonaad, bisheedii afraad, maalinteedii shanaad, anigoo maxaabiistii Webi Kebaar ag joogtay ku dhex jira ayaa samooyinkii furmeen, oo waxaan arkay wax layga tusay xagga Ilaah.
1Tai buvo trisdešimtaisiais metais, ketvirto mėnesio penktą dieną, man esant tarp tremtinių prie Kebaro upės. Atsivėrė dangūs, ir aš mačiau Dievo regėjimus.
2Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad
2Penktaisiais karaliaus Joachino tremties metais, penktą mėnesio dieną,
3ayaa eraygii Rabbigu dalkii reer Kaldayiin ugu yimid wadaadkii Yexesqeel ina Buusii, isagoo Webi Kebaar ag jooga, oo halkaasay gacantii Rabbigu isagii ku kor saarnayd.
3Viešpats kalbėjo kunigui Ezechieliui, Buzio sūnui, chaldėjų krašte prie Kebaro upės. Viešpaties ranka buvo ten ant jo.
4Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa.
4Aš mačiau iš šiaurės kylantį viesulą ir debesis, aplinkui liepsnojo ugnis. Ugnies vidurys spindėjo lyg žėrintis gintaras.
5Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.
5Liepsnų viduryje mačiau keturias būtybes. Jų išvaizda buvo panaši į žmogaus.
6Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal.
6Kiekviena jų turėjo keturis veidus ir keturis sparnus.
7Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey.
7Jų kojos buvo tiesios, o kojų pėdos panašios į veršio kanopas. Būtybės žibėjo kaip išlydytas varis.
8Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba.
8Po jų sparnais keturiuose šonuose buvo žmogaus rankos. Veidus ir sparnus jos turėjo keturiose pusėse.
9Oo baalashooduna midba midka kaluu ku dhegganaa, oo markay socdeenna ma ay leexleexan ee midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay.
9Sparnai lietė vienas kitą. Eidamos jos nesisuko, kiekviena ėjo tiesiai.
10Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.
10Visų keturių veidai atrodė taip: priekyje buvo žmogaus veidas, dešinėjeliūto veidas, kairėjeveršio veidas ir užpakalyjeerelio veidas.
11Wejiyadoodu saasay ahaayeen, oo baalashooduna kor bay u kala fidsanaayeen, oo midkood kastaaba laba baal ayuu midka kan kale kula dhegganaa, oo labana waxay ku daboolnaayeen jidhkooda.
11Jų sparnai buvo ištiesti ir pakelti į viršų. Du sparnai lietė vienas kitą, kiti dudengė jų kūnus.
12Oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay, oo waxay tageen meel alla meeshuu ruuxu tegayoba, oo markay socdeenna ma ay leexleexan.
12Jos ėjo kiekviena tiesiai pirmyn. Kur dvasia norėjo eiti, ten jos ir ėjo, ir eidamos nepasisukdavo.
13Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.
13Būtybės atrodė kaip degančios anglys, kaip žibintai. Ugnis judėjo tarp būtybių. Ji buvo labai šviesi, o iš jos žybčiojo žaibai.
14Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.
14Būtybės judėjo pirmyn ir atgal tarsi žaibai.
15Haddaba intii aan xayawaanka fiirinayay waxaan arkay giraangir dhulka korkiisa iyo xayawaanka dhinacooda taal, oo mid kastaaba wuxuu u yiil afarta weji.
15Žiūrėdamas į būtybes, mačiau ant žemės prie kiekvienos iš jų po ratą.
16Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
16Ratai atrodė lyg berilis. Visi keturi buvo vienodi ir taip pat padaryti. Kiekvienas iš jų atrodė lyg būtų ratas rate.
17Oo markay tageenna waxay ku socdeen afartooda dhinac, oo mana ay leexleexan markay socdeen.
17Jie judėdavo į keturias puses nepasisukdami.
18Oo wareegyadooduna aad bay u dheeraayeen, waxayna ahaayeen wax aad iyo aad looga cabsado, oo afartoodaba wareegyadooda waxaa ka buuxay indho miidhan.
18Jų ratlankiai buvo aukšti ir keliantys baimę. Visi keturi ratlankiai buvo pilni akių.
19Oo markay xayawaanku socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo xayawaankii markii dhulka kor looga qaadayba giraangirihiina kor baa loo qaaday.
19Einant būtybėms, drauge ėjo ir ratai; pakilus būtybėms aukštyn, pakildavo ir ratai.
20Oo meel alla meeshii ruuxu tegeyba iyaguna way tageen, oo giraangirihiina iyagay la sara keceen, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
20Kur dvasia ėjo, ir jie ėjo; pakilus dvasiai, ir ratai pakildavo, nes būtybių dvasia ir buvo ratuose.
21Markii kuwaasu tageen, kuwanuna way tageen, oo markii kuwaasu istaageenna, kuwanuna way istaageen, oo markii kuwaas dhulka kor looga qaadayna giraangirihiina dhinacoodaa kor loola qaaday, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
21Jei jos ėjo, ir jie ėjo drauge, jei jos sustodavo, sustodavo ir jie; jei jos pakildavo nuo žemės, pakildavo ir ratai, nes būtybių dvasia buvo ratuose.
22Xayawaanka madaxoodana waxaa ka korreeyey cir ekaantiisa la moodo baraf aad looga cabsado oo ku dul fidsan.
22Virš būtybių galvų buvo kažkas panašaus į dangaus skliautą, kuris žėrėjo kaip krištolas ir gaubė jas.
23Oo cirka hoostiisa ayaa baalashoodu ku toosnaayeen, oo midba kan kale xaggiisuu u sii jeeday. Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa laba baal oo dhinacan uga daboolan iyo laba baal oo jidhkiisa dhinacaas ugu daboolan.
23Po skliautu kiekviena būtybė dviem sparnais dengė savo kūną, o kiti du sparnai buvo ištiesti.
24Oo markay socdeenba waxaan maqlay sanqadhii baalashooda oo la moodo sida biyo badan guuxood, iyo sida Ilaaha Qaadirka ah codkiisii, iyo buuq sanqadhiis la moodo sidii ciidan hugunkiis oo kale. Oo markay istaageenna baalashoodii bay dejiyeen.
24Joms judant, girdėjau jų sparnų ūžimą lyg galingo vandenyno, lyg Visagalio balsą, lyg didelės kariuomenės stovyklos triukšmą. Joms sustojus, sparnai nusileisdavo.
25Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen.
25Nuo skliauto, esančio virš jų galvų, aidėjo balsas. Kai jos stovėjo, sparnai buvo nuleisti.
26Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg.
26Virš skliauto, kuris buvo virš jų galvų, mačiau lyg sostą iš safyro ir ant jo sėdinčią į žmogų panašią būtybę.
27Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya.Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.
27Būtybė nuo juosmens aukštyn ir žemyn spindėjo lyg gintaras, lyg ugnies liepsnos,
28Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.
28lyg lankas, kuris pasirodo debesyse lyjant, Jį supo spindėjimas. Tai buvo Viešpaties šlovės pasirodymas. Pamatęs tai, kritau veidu žemėn ir išgirdau balsą.