Somali

Lithuanian

Ezekiel

25

1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg,
2“Žmogaus sūnau, pranašauk prieš amonitus.
3oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen,
3Sakyk amonitams: ‘Išgirskite Viešpaties Dievo žodį! Taip sako Viešpats Dievas: ‘Kadangi jūs džiūgavote dėl to, kad mano šventykla išniekinta, Izraelio šalis sunaikinta ir Judo namai išvesti nelaisvėn,
4sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan.
4atiduosiu jus rytų šalies gyventojams. Jie išties savo palapines tarp jūsų ir įrengs stovyklas, jie valgys jūsų vaisius ir gers jūsų pieną.
5Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
5Aš padarysiu Rabą vieta kupranugariams ir amonitų kraštą­gardais avims. Tada jūs žinosite, kad Aš esu Viešpats’.
6Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya,
6Nes taip sako Viešpats: ‘Kadangi jūs plojote rankomis, trypėte kojomis ir nuoširdžiai džiaugėtės niekindami Izraelio žemę,
7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.
7todėl Aš ištiesiu savo ranką prieš jus ir atiduosiu jus tautoms kaip grobį. Aš išnaikinsiu jus tarp tautų ir pražudysiu jus visose šalyse. Aš sunaikinsiu jus, ir tada žinosite, kad Aš esu Viešpats’ ”.
8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin.
8Viešpats Dievas sako: “Kadangi Moabas ir Seyras sako, kad Judo namai yra kaip visos kitos tautos,
9Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim,
9Aš atversiu Moabo šoną, pradėdamas nuo gražiausių miestų, krašto pasididžiavimo: Bet Ješimotų, Baal Meono ir Kirjataimų,
10oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan,
10Aš juos atiduosiu kartu su amonitais rytų šalies gyventojams, ir amonitai nebebus minimi tarp tautų.
11oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
11Taip Aš įvykdysiu teismą Moabui, ir jis žinos, kad Aš esu Viešpats”.
12Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay,
12Taip sako Viešpats Dievas: “Kadangi edomitai kerštingai elgėsi su Judo namais ir tuo sunkiai nusikalto,
13sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.
13Aš išnaikinsiu edomitus ir jų gyvulius, padarysiu kraštą dykuma; nuo Temano iki Dedano visi kris nuo kardo.
14Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
14Aš bausiu edomitus per savo tautą Izraelį. Jie pasielgs su edomitais pagal mano nutarimą. Ir jie pažins mano kerštą,­sako Viešpats Dievas”.
15Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan,
15Viešpats Dievas sako: “Kadangi filistinai keršijo be jokio pasigailėjimo ir naikino izraelitus dėl senos neapykantos,
16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa.Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
16Aš ištiesiu savo ranką prieš filistinus, sunaikinsiu keretus ir pajūrio gyventojus.
17Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
17Aš žiauriai atkeršysiu jiems ir nubausiu juos. Tada jie žinos, kad Aš esu Viešpats”.