Somali

Lithuanian

Ezekiel

26

1Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisha maalinteedii kowaad Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Vienuoliktųjų metų pirmą mėnesio dieną Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, Reer Turos wuxuu Yeruusaalem ku yidhi, Ahaa, tii dadyowgii iriddiisa ahaan jirtay way jabtay, oo anigay ii soo jeedday, oo haddana waan buuxsanaan doonaa, waayo, iyadu haatan waa cidla.
2“Žmogaus sūnau! Kadangi Tyras sakė apie Jeruzalę: ‘Tautų vartai sulaužyti, jie yra atdari; aš turėsiu apsčiai, o ji liks tuščia!’
3Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Turosow, bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waxaan ka dhigi doonaa inay quruumo badanu kuugu soo kacaan siday baddu hirarkeeda u soo kiciso oo kale.
3Todėl taip sako Viešpats Dievas: ‘Štai Aš esu prieš tave, Tyre, ir sukelsiu daugybę tautų prieš tave, kaip jūra sukelia savo bangas.
4Oo iyagu derbiyada Turos way baabbi'in doonaan, oo munaaradaheedana way dumin doonaan, oo ciiddeedana waan ka xoqi doonaa, oo dhagax diiran oo kale baan ka dhigi doonaa.
4Jos sunaikins Tyro sienas ir nugriaus bokštus. Aš nušluosiu dulkes jame ir paliksiu jį kaip pliką uolą.
5Oo waxay noqon doontaa meel shabagyo lagu wadho oo badda dhexdeeda ku taal, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay, oo booli bay quruumaha u noqon doontaa.
5Jis bus vieta jūros tinklams džiovinti, nes Aš tai pasakiau,­sako Viešpats Dievas.­Ir jis taps grobiu tautoms.
6Oo gabdhaheeda berrinka joogana seef baa lagu wada layn doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
6Jo dukterys laukuose kris nuo kardo, ir jie žinos, kad Aš esu Viešpats’.
7Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.
7Nes taip sako Viešpats Dievas: ‘Aš atvesiu prieš Tyrą Babilono karalių Nebukadnecarą, karalių karalių, su žirgais, kovos vežimais, raiteliais ir daugybe karių.
8Oo isagu gabdhahaaga berrinka jooga seef buu ku wada layn doonaa, oo qalcado buu kuu samaysan doonaa, oo tuulmo buu kuu tuulan doonaa, oo gaashaan weyn ayuu kor kuugu qaadan doonaa.
8Tavo dukteris laukuose jis sunaikins kardu, supils prieš tave pylimą, pastatys įtvirtinimus ir pakels prieš tave skydą.
9Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.
9Puolimo įtaisus jis atkreips prieš tavo sienas ir tavo bokštus nugriaus kirviais.
10Oo fardihiisa badan aawadood ayaa boodhkoodu ku qarin doonaa, oo derbiyadaaduna waxay la gariiri doonaan ragga fardooleyda buuqooda, iyo giraangiraha iyo gaadhifardoodyada gurdankooda, markuu irdahaaga u soo galo sida rag u soo galo magaalo dhinac laga faruuray oo kale.
10Jo daugybės žirgų sukeltos dulkės apdengs tave. Raitelių, ratų bei kovos vežimų bildesys drebins tavo sienas, kai jis įsiverš pro vartus, lyg būtų įsiveržęs pro miesto pralaužtą sieną.
11Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan.
11Jo žirgų kanopos mindžios visas tavo gatves. Jo kariai kardu žudys tavo žmones ir tavo stiprios kolonos grius žemėn.
12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.
12Jie pagrobs tavo prekes ir išplėš tavo turtus, nugriaus sienas ir brangius namus; tavo akmenis, rąstus ir žemes sumes į vandenį.
13Oo waxaan joojin doonaa qaylada heesahaaga, oo kataaradahaaga sanqadhoodana mar dambe lama maqli doono.
13Aš nutildysiu tavo dainas ir tavo arfų skambėjimą.
14Waxaanan kaa dhigi doonaa sida dhagax diiran oo kale, oo waxaad noqon doontaa meel shabagyada lagu dul wadho, oo mar dambena dib laguuma dhisi doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga Ilaaha ah ayaa saas ku hadlay.
14Taip Aš padarysiu tave plika uola, tinklų džiovinimo vieta. Tu nebebūsi atstatytas, nes Aš tai pasakiau,­sako Viešpats Dievas’.
15Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan?
15Taip sako Viešpats Dievas Tyrui: ‘Ar nuo tavo griuvimo triukšmo nedrebės salos, kai šauks sužeistieji ir skerdynės vyks tavyje?
16Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan.
16Visi salų kunigaikščiai nulips nuo sostų, nusimes apsiaustus ir nusivilks įvairiaspalvius drabužius. Jie apsisiaus drebėjimu ir sėdės ant žemės, krūpčiodami ir pasibaisėję tavo žuvimu.
17Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day!
17Jie apraudos tave: ‘Kaip tu sunaikintas, garsusis jūros mieste! Tu buvai galingas jūroje, tu ir tavo gyventojai, kurie kėlė siaubą visiems joje gyvenantiems’.
18Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.
18Salos drebės tavo kritimo dieną. Jūros salos bus apstulbintos tavo žlugimo’.
19Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan magaalo cidla ah kaa dhigo sida magaalooyinka aan ciduna degganayn oo kale iyo markaan moolka korkaaga ku soo daayo, oo ay biyo badanu ku daboolaan,
19Nes taip sako Viešpats Dievas: ‘Kai Aš tave padarysiu sunaikintu, nebegyvenamu, gelmėje paskandintu ir vandens apdengtu miestu,
20markaasaan kula dejin doonaa kuwa yaamayska ku dhaadhaca, kuwaasoo ah dadkii waayihii hore jiri jiray, oo waxaan dhulka meesha ugu hoosaysa, oo ah meelo waa hore cidloobay, kula fadhiisin doonaa kuwa yaamayska ku dhaadhaca, si aan ciduna kuu degin, oo dalka kuwa noolna waxaan dhex dhigi doonaa sharaf.Waxaan kaa dhigi doonaa cabsi, oo innaba mar dambe siima aad jiri doontid. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo lagu doondoono kol dambe laguma heli doono.
20tada pasiųsiu tave į duobę, pas senų laikų žmones, apgyvendinsiu žemės gilumoje, mirusiųjų karalystėje. Tavo miestai nebebus apgyvendinti, ir tu neturėsi vietos žemės paviršiuje.
21Waxaan kaa dhigi doonaa cabsi, oo innaba mar dambe siima aad jiri doontid. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo lagu doondoono kol dambe laguma heli doono.
21Padarysiu tave pasibaisėjimu, ir tavęs nebebus. Kas ieškos tavęs, neberas,­sako Viešpats Dievas’ ”.