Somali

Lithuanian

Ezekiel

28

1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay.
2“Žmogaus sūnau, sakyk Tyro kunigaikščiui: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Tavo širdis išpuiko ir tu tarei: ‘Aš esu Dievas, sėdintis Dievo soste jūros vidury’. Tačiau tu esi žmogus, ne Dievas, nors save laikai lygiu Dievui.
3Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan.
3Štai tu esi išmintingesnis už Danielių ir žinai visas paslaptis,
4Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag.
4savo išmintimi ir sumanumu tu įsigijai turtų, surinkai aukso ir sidabro į savo iždą,
5Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.
5išmintingai prekiaudamas, padauginai turtų ir tavo širdis išpuiko nuo jų’.
6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagii sidii qalbigii Ilaah oo kale ayaad ka dhigtay,
6Todėl taip sako Viešpats Dievas: ‘Kadangi laikai save lygiu Dievui,
7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.
7Aš atvesiu prieš tave svetimšalius, žiaurią tautą. Jie išsitrauks kardus prieš tavo išminties puikumą ir suterš tavo spindesį.
8Yaamayskay kugu ridi doonaan, oo waxaad u dhiman doontaa sida dhimashadii kuwii badaha dhexdooda lagu laayay oo kale.
8Jie nustums tave į duobę, ir tu mirsi jūroje nužudytųjų mirtimi.
9Kan ku dilaya weli ma hortiisaad ka odhan doontaa, Anigu Ilaah baan ahay, in kastoo aad binu-aadmi tahay, Ilaahse ma tihid, adoo gacanta kan ku dilaya ku jira?
9Ar ir tada sakysi: ‘Aš­Dievas’, savo žudytojų akivaizdoje? Tu esi ne Dievas, o žmogus, patekęs į žudytojų rankas.
10Waxaad shisheeyayaal gacantooda ugu dhiman doontaa sida dhimashadii buuryaqabka, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.
10Tu mirsi neapipjaustytųjų mirtimi nuo svetimųjų rankos, nes Aš taip pasakiau,­sako Viešpats Dievas’ ”.
11Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
11Viešpats vėl kalbėjo man:
12Wiilka Aadamow, boqorka Turos baroor u qaad, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ahayd dhammaystirkii kaamilnimada, oo waxaa kaa buuxday xigmad, quruxdaaduna kaamil bay ahayd.
12“Žmogaus sūnau, apraudok Tyro karalių ir sakyk jam: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Tu buvai tobulumo antspaudas, pilnas išminties ir tobulo grožio.
13Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey.
13Gyvenai Edene, Dievo sode, tave puošė įvairiausi brangakmeniai: sardis, topazas, jaspis, chrizolitas, oniksas, berilis, safyras, rubinas, smaragdas. Tą dieną, kai buvai sukurtas, tau buvo paruošti meistriškai padaryti būgneliai ir vamzdeliai.
14Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah.
14Tu buvai pateptas cherubas, kuris dengia, Aš tave tokiu paskyriau. Tu buvai šventame Dievo kalne, vaikščiojai tarp ugninių akmenų.
15Maalintii lagu abuuray iyo ilaa markii xaqdarro lagaa helay jidadkaagaad kaamil ku ahayd.
15Tu buvai tobulas savo keliuose nuo savo sukūrimo dienos, kol buvo atrasta tavyje nedorybės.
16Baayacmushtarigaaga badan aawadiis waxaa dhexdaada laga buuxiyey dulmi, waanad dembaabtay, oo sidaas daraaddeed ayaan adiga sida wax nijaas ah oo kale buurta Ilaah kaaga xooray. Keruubkii wax dabooli jirayow, waan ku halligay oo dhagxanta dabka ah dhexdooda waan kaa baabbi'iyey.
16Tau plačiai beprekiaujant, jie pripildė tave smurto, ir tu nusidėjai. Todėl Aš išmesiu tave iš Dievo kalno kaip nešvarų ir pašalinsiu tave, o dengiantis cherube, iš ugninių akmenų tarpo.
17Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.
17Tavo širdis išpuiko dėl tavo grožio, tu praradai išmintį per savo spindesį. Aš parblokšiu tave ant žemės, priešais karalius, kad jie galėtų matyti tave.
18Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.
18Savo daugybe neteisybių ir apgaule prekyboje tu sutepei savo šventyklas. Todėl iš tavo vidaus Aš pažadinsiu ugnį, kuri sunaikins tave, visų akivaizdoje pavers tave pelenais žemėje.
19Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
19Visi, kurie pažino tave, baisėsis tavimi. Tu būsi pasibaisėjimas, ir tavęs nebebus’ ”.
20Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
20Viešpats kalbėjo man:
21Wiilka Aadamow, wejigaaga Siidoon u jeedi oo iyada wax ka sii sheeg,
21“Žmogaus sūnau, pranašauk prieš Sidoną
22oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa.
22ir sakyk: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Sidone, Aš esu prieš tave. Kai padarysiu tavyje teismą ir apreikšiu savo šventumą, tu šlovinsi mane ir žinosi, jog Aš esu Viešpats.
23Belaayo iyo dhiig baan jidadkeeda ku soo dayn doonaa, oo kuwa dhaawaca ahna dhexdeedaa lagu xukumi doonaa iyadoo seefu dhinac kastaba kaga taagan tahay, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
23Aš užleisiu tau marą, ir kraujas liesis tavo gatvėse. Visur gulės lavonai, kritę nuo kardo. Tada tu žinosi, kad Aš esuViešpats.
24Oo mar dambe ma ay jiri doonaan yamaarug reer binu Israa'iil muda, amase qodax iyaga xanuujisa oo ka mid ah kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsaday oo dhan; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
24Ir nebebus daugiau badančių usnių ir duriančių erškėčių Izraelio namams tarp jų kaimynų, kurie juos niekino. Ir jie žinos, kad Aš esu Viešpats Dievas’.
25Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
25Taip sako Viešpats Dievas: ‘Aš surinksiu izraelitus iš tautų, kuriose juos buvau išblaškęs ir būsiu pašventintas juose tautų akivaizdoje. Izraelitai tada gyvens krašte, kurį Aš daviau savo tarnui Jokūbui.
26Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
26Jie gyvens saugiai, statysis namus, sodins vynuogynus. Jie bus saugūs, kai Aš nuteisiu jų kaimynus, kurie niekino juos. Tada jie žinos, kad Aš esu Viešpats, jų Dievas’ ”.