Somali

Lithuanian

Ezekiel

29

1Oo haddana sannaddii tobnaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii laba iyo tobnaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
1Dešimtų metų dešimto mėnesio dvyliktą dieną Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Fircoon oo ah boqorka Masar, oo waxaad wax ka sii sheegtaa isaga iyo dalka Masar oo dhan.
2“Žmogaus sūnau, pranašauk prieš faraoną, Egipto karalių, ir Egiptą.
3La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
3Kalbėk ir sakyk: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Faraone, Egipto karaliau, Aš esu prieš tave. Didysis slibine, kuris guli tarp savo upių ir sakai: ‘Upė yra mano, aš ją padariau’.
4Laakiinse qabatooyin baan camanka kaa soo sudhi doonaa, oo kalluunka webiyaashaadana waxaan ka dhigi doonaa inuu qolfahaaga ku dhego, oo webiyaashaadaan kaa soo bixin doonaa adiga iyo kalluunka webiyaashaada ee qolfahaaga ku wada dhegi doona oo dhan.
4Aš įdėsiu kablį į tavo nasrus, prikabinsiu tavo upių žuvis prie tavo žvynų, ištrauksiu tave iš upės su visomis prikibusiomis žuvimis.
5Oo adiga iyo kalluunka webiyaashaada oo dhanba cidladaan ku tuuri doonaa. Waxaad ku dhici doontaa berrin bannaan, oo innaba layskuma soo kaa ururin doono, lagumana aasi doono, oo waxaan cunto kaaga dhigay dugaagga dhulka iyo haadka samada.
5Ir Aš paliksiu tave ir upių žuvis dykumoje. Tu gulėsi atvirame lauke, nebūsi nei pakeltas, nei palaidotas. Aš tave atiduosiu laukiniams žvėrims ir padangių paukščiams.
6Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah.
6Visi Egipto gyventojai žinos, kad Aš esu Viešpats, nes tu buvai nendrinė lazda Izraeliui.
7Markay gacanta kugu qaateen waad jabtay, oo waxaad murkicisay garbahoodii oo dhan, oo markay ku cuskadeenna waad kala jabtay, oo dhexdoodii oo dhanna waad gariirisay.
7Kai jie įsikibo į tavo ranką, tu sulūžai ir sužeidei jiems pečius. O kai jie atsirėmė į tave, jų strėnos susvyravo.
8Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, waxaan dushaada ku soo dayn doonaa seef, oo dad iyo duunyaba waan kaa dhex baabbi'in doonaa.
8Todėl Aš siųsiu tau kardą ir sunaikinsiu tavo žmones ir gyvulius.
9Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
9Egipto žemė bus tuščia ir apleista. Tada jie žinos, kad Aš esu Viešpats. Kadangi tu sakei: ‘Upė yra mano, aš ją padariau’,
10Haddaba sidaas daraaddeed bal ogow, anigu col baan kugu ahay adiga iyo webiyaashaadaba, oo dalka Masarna waxaan ka dhigi doonaa baabba' iyo cidla, tan iyo munaaradda. Migdol iyo ilaa Seweeneeh, iyo xataa ilaa soohdinta Itoobiya.
10todėl Aš esu prieš tave ir tavo upes. Aš padarysiu Egipto žemę visiškai tuščią ir apleistą nuo Migdolo iki Sienės ir Etiopijos sienos.
11Innaba binu-aadmi cagtiis ma dhex mari doonto, oo xayawaan cagtiisna ma dhex mari doonto, oo intii afartan sannadood ah ciduna dhexdiisa ma degi doonto.
11Per ją nevaikščios nei žmogus, nei gyvulys. Ji bus negyvenama keturiasdešimt metų.
12Dalka Masar ayaan waddammada cidlada ah dhexdooda cidla kaga dhigi doonaa, oo magaalooyinkiisuna afartan sannadood ayay magaalooyinka baabba'ay cidla ku dhex ahaan doonaan, oo Masriyiintana quruumaha dhexdooda ayaan ku kala dhex eryi doonaa, oo waxaan ku dhex firdhin doonaa waddammada.
12Aš paversiu Egipto žemę dykyne, kaip padariau su kitais kraštais. Jo miestai bus tušti, kaip ir kitų kraštų miestai, ir jie bus apleisti keturiasdešimt metų. Aš išsklaidysiu egiptiečius tarp tautų ir išblaškysiu juos svetimuose kraštuose’.
13Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay afartan sannadood dhammaadaan ayaan Masriyiinta dadyowgii ay ku kala dhex firidhsanaayeen ka soo ururin doonaa.
13Tačiau taip sako Viešpats Dievas: ‘Po keturiasdešimties metų Aš surinksiu egiptiečius iš tautų, kuriose jie buvo išsklaidyti,
14Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.
14parvesiu Egipto ištremtuosius ir sugrąžinsiu juos į Patroso kraštą, į jų gimtąją šalį. Jie ten bus menka karalystė,
15Oo waxay ahaan doontaa tan boqortooyooyinka ugu wada hoosaysa, oo mar dambena quruumaha kale iskama ay kor marin doonto. Iyagaan u dhimi doonaa si ayan innaba mar dambe quruumaha ugu talin.
15menkiausia iš visų karalysčių. Jie nebesiaukštins virš kitų tautų, nes Aš sumažinsiu juos, kad jie niekad nebeviešpatautų kitoms tautoms.
16Oo mar dambena siima ay ahaan doonto kalsoonidii reer binu Israa'iil taasoo xumaantoodii soo xusuusisa markay xaggooda fiiriyaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
16Jie nebebus Izraelio namų pasitikėjimas, bet primins jiems, kaip jie nusikalto, kreipdamiesi pagalbos į juos. Ir jie žinos, kad Aš­ Viešpats Dievas’ ”.
17Oo haddana sannaddii toddoba iyo labaatanaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,
17Dvidešimt septintaisiais metais, pirmo mėnesio pirmą dieną, Viešpats kalbėjo man:
18Wiilka Aadamow, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ciidankiisuu hawl weyn oo Turos ka gees ah ka shaqaysiiyey. Madax kasta wuu bidaaroobay, oo garab kastana wuu diirmay, laakiinse isaga iyo ciidankiisii toona Turos mushahaaro uu hawshii iyada ka gees ahayd ka shaqeeyey kama ay helin.
18“Žmogaus sūnau! Nebukadnecaras, Babilono karalius, ir jo kariuomenė atliko sunkų darbą prieš Tyrą. Jų galvos nupliko ir pečiai buvo nutrinti, bet nei karalius, nei jo kariuomenė negavo jokio atlyginimo už darbą prieš Tyrą.
19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.
19Todėl Aš duosiu Nebukadnecarui, Babilono karaliui, Egipto kraštą. Jis paims jo turtus, tai bus atlyginimas jo kariuomenei.
20Dalka Masar ayaan isaga u siiyey hawshiisii uu hawshooday aawadeed, maxaa yeelay, aniga ayay ii shaqeeyeen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.Oo maalintaas ayaan reer binu Israa'iil gees u soo bixin doonaa, oo iyaga dhexdooda ayaan kaaga hadlin doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
20Už darbą, kurį jis atliko, daviau jam Egipto kraštą, nes jie man dirbo,­sako Viešpats Dievas.­
21Oo maalintaas ayaan reer binu Israa'iil gees u soo bixin doonaa, oo iyaga dhexdooda ayaan kaaga hadlin doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
21Tada Izraelio ragas vėl iškils, ir Aš atversiu tau burną tarp jų. Ir jie žinos, kad Aš esu Viešpats”.