Somali

Lithuanian

Ezekiel

30

1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hoogga maalinta u baroorta!
2“Žmogaus sūnau, pranašauk ir sakyk: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Dejuokite: ‘Vargas tai dienai’.
3Waayo, maalintii waa soo dhow dahay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waana maalin daruuro madow leh, oo waxay noqon doontaa wakhtigii quruumaha.
3Viešpaties diena arti, tai diena tamsos, sunaikinimo metas tautoms.
4Oo seef baa Masar ku dul dhici doonta, oo Itoobiyana waxaa jiri doona xanuun weyn, markii kuwa la laayay ay Masar ku dhex dhacaan, oo markaasaa maalkeeda badan la qaadan doonaa oo aasaaskeedana waa la dumin doonaa.
4Kardas užpuls Egiptą ir didelis siaubas apims Etiopiją, kai Egipte kris užmuštieji, jų turtas bus išplėštas ir Egipto pamatai bus sugriauti.
5Oo waxaa iyaga seef kula dhiman doona Itoobiya, iyo Fuud, iyo Luud, iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo Kuub, iyo dadka dalka iyaga axdiga la dhigtay.
5Etiopija, Libija, Lidija ir kitos tautos, Kubas ir sandoros krašto vyrai kris kartu su jais nuo kardo.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
6Egipto rėmėjai žus ir bus pažemintas jų jėgos išdidumas. Nuo Migdolo iki Sienės kris užmuštieji,­sako Viešpats.­
7Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.
7Egipto kraštas bus paverstas dykyne, miestai ištuštės.
8Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
8Kai Aš užkursiu ugnį Egipte ir visi jo padėjėjai bus sunaikinti, tada jie žinos, kad Aš esu Viešpats.
9Oo maalintaas waxaa iga ambabbixi doona wargeeysyo doonniyo fuushan inay cabsiiyaan kuwa reer Itoobiya oo aan waxba tuhunsanayn, oo waxaa iyaga ku soo kor degi doona xanuun weyn sidii wakhtigii Masar oo kale, waayo, bal eeg, waxyaalahaasu way imanayaan.
9Tą dieną mano pasiuntiniai skubės laivais į Etiopiją, ją išgąsdins ir didelis siaubas apims juos kaip Egipto dieną. Nes štai ji ateina’.
10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.
10Taip sako Viešpats Dievas: ‘Aš padarysiu galą Egipto daugybei Babilono karaliaus Nebukadnecaro ranka.
11Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.
11Jis ir jo žmonės, baisiausia tauta, bus atvesti sunaikinti kraštą. Jie išsitrauks kardus prieš Egiptą, ir kraštas bus pilnas užmuštųjų.
12Oo webiyaashana waan wada engejin doonaa, oo dalkana gacanta sharrowyada waan ka iibin doonaa, oo dalka iyo kuwa dhex degganba waxaan ku wada baabbi'in doonaa gacanta shisheeyayaasha. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
12Aš išdžiovinsiu upes, kraštą atiduosiu į nedorėlių rankas ir viską sunaikinsiu svetimšalių rankomis. Aš, Viešpats, taip pasakiau’.
13Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.
13Taip sako Viešpats Dievas: ‘Aš sunaikinsiu stabus ir padarysiu galą atvaizdams Nofe. Egipto žemėje nebebus kunigaikščio, ir Aš užleisiu baimę Egiptui.
14Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.
14Aš paversiu Patrosą dykyne, uždegsiu ugnį Coane ir teisiu Noją.
15Oo waxaan cadhadayda ku dul shubi doonaa Siin oo ah qalcadda Masar, oo dadka badan oo Noona waan baabbi'in doonaa.
15Savo įtūžį išliesiu ant Sino, Egipto stiprybės, sunaikinsiu Nojo minias.
16Oo Masarna dab baan ka dhex shidi doonaa. Siin xanuun weyn bay heli doontaa, Noona waa la wada burburin doonaa, oo Nofna maalinta oo dhan waa la cidhiidhin doonaa.
16Ir uždegsiu ugnį Egipte, Sinas kentės ir vaitos, Nojas bus draskomas ir Nofas bus varginamas kas dieną.
17Barbaarrada Aawen iyo Fiibesed seef bay ku le'an doonaan, oo magaalooyinkaasna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
17Ono ir Pi Beseto jaunuoliai kris nuo kardo, o moterys bus išvestos nelaisvėn.
18Oo Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
18Tachpanheso diena bus tamsi, kai Aš sulaužysiu Egipto jungą ir padarysiu galą jo išdidumui. Debesys apdengs miestą, kai jo dukros bus varomos nelaisvėn.
19Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
19Aš įvykdysiu teismus Egipte, ir jie žinos, kad Aš esu Viešpats’ ”.
20Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii kowaad, maalinteedii toddobaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
20Vienuoliktaisiais metais, pirmo mėnesio septintą dieną, Viešpats kalbėjo man:
21Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar gacantiisaan jebiyey, oo bal eeg, lama kabin si ay u bogsato, oo waxba laguma duubin in xoog loo yeelo si ay seef u qaaddo aawadeed.
21“Žmogaus sūnau, Aš sulaužiau faraono, Egipto karaliaus, ranką. Niekas jos neaptvarstė, neaprišo ir negydė, kad pasveiktų, taptų stipri ir vėl galėtų laikyti kardą.
22Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan ku ahay Fircoon oo ah boqorka Masar, oo gacmihiisana waan jejebin doonaa, tan xoogga leh iyo tii jabtayba, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa in seeftu gacantiisa ka dhacdo.
22Todėl taip sako Viešpats Dievas: ‘Štai Aš prieš faraoną, Egipto karalių. Aš sulaužysiu jo rankas­sveikąją bei tą, kuri buvo sulaužyta, ir kardas iškris iš jo rankų.
23Oo Masriyiintana waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa.
23Aš išsklaidysiu egiptiečius tautose ir išblaškysiu juos kraštuose.
24Oo xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale.
24Babilono karaliaus rankas sustiprinsiu ir įdėsiu jam į ranką savo kardą. Bet faraono rankas sulaužysiu, ir jis vaitos kaip mirtinai sužeistas.
25Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
25Jie žinos, kad Aš esu Viešpats, kai įdėsiu savo kardą į Babilono karaliaus ranką ir jis pakels jį prieš Egipto žemę.
26Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
26Aš išsklaidysiu egiptiečius tautose ir išblaškysiu juos kraštuose. Tada jie žinos, kad Aš esu Viešpats’ ”.