Somali

Lithuanian

Ezekiel

31

1Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii saddexaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
1Vienuoliktaisiais metais, trečio mėnesio pirmą dieną, Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar iyo dadkiisa badanba waxaad ku tidhaahdaa, Bal yaad weynaanta kala mid tahay?
2“Žmogaus sūnau, sakyk faraonui, Egipto karaliui, ir jo tautai: ‘Į ką tu panašus savo didybe?
3Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.
3Štai Asirija buvo panaši į Libano kedrą: gražiomis šakomis, teikiančiomis pavėsį, aukštai išaugusį. Jo viršūnė buvo tarp storų šakų.
4Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan.
4Vanduo augino jį ir gelmė išaukštino jį, kai jos upės tekėjo apie jo šaknis ir upeliai drėkino visus krašto medžius.
5Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood.
5Todėl jis išaugo aukštesnis už kitus krašto medžius. Jo šakos buvo ilgos ir jų padaugėjo dėl vandenų gausybės jam beaugant.
6Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen.
6Ant šakų krovėsi lizdus padangių paukščiai, po jo šakomis laukiniai gyvuliai augino vaikus. Jo ūksmėje gyveno didelės tautos.
7Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.
7Jis buvo puikus savo dydžiu ir šakomis, nes jo šaknys buvo prie gausių vandenų.
8Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn.
8Kedrai Dievo sode negalėjo lygintis su juo, eglės neprilygo jo šakoms ir kaštonai­jo šakelėms. Nė vienas medis Dievo sode nebuvo lygus jam savo grožiu.
9Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.
9Aš papuošiau jį šakų daugybe taip, kad visi Edeno medžiai, kurie buvo Dievo sode, pavydėjo jam’.
10Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,
10Todėl taip sako Viešpats: ‘Kadangi jis pasikėlė į aukštybes ir jo viršūnė apsupta storų šakų, ir jo širdis išpuiko dėl aukštumo,
11sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaal marin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.
11todėl Aš atidaviau jį į stipriausio tarp tautų rankas. Jis tinkamai pasielgs su juo, nes Aš išvariau jį dėl jo nedorybių.
12Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.
12Žiaurūs svetimšaliai nukirto jį ir paliko. Kalnuose ir slėniuose krito jo šakos, sulūžusios šakelės guli prie uolų ir krašto vandenų. Visos žemės tautos pasitraukė iš jo pavėsio ir paliko jį.
13Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan.
13Ant jo kritusio kamieno nusileis padangių paukščiai, o per jo šakas lips krašto žvėrys.
14Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yaamayska ku dhaadhaca.
14Kad ateityje nė vienas medis nebesididžiuotų dėl savo aukštumo ir nebekeltų savo šakomis apsuptos viršūnės, nes visi turi mirti ir eiti į žemės gelmes kartu su žmonių vaikais, einančiais į duobę.
15Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu She'ool galay waxaan ka dhigay in loo baroorto. Oo moolkii baan aawadiis u daboolay, oo webiyaashiisiina waan celiyey, oo biyihii badnaana waa la joojiyey, oo dadka Lubnaanna waxaan ka dhigay inay isaga u baroortaan, oo dhirtii duurka oo dhammuna isaga aawadiis bay u taag darnaadeen.
15Tą dieną, kai jis nuėjo į mirusiųjų buveinę, sukėliau gedulą dėl jo, sulaikiau upes ir sustabdžiau vandenis. Libanas liūdėjo dėl jo ir krašto medžiai alpo.
16Oo markaan isaga She'ool kula dhex tuuray kuwa yaamayska ku dhaadhaca waxaan ka dhigay inay quruumuhu sanqadha dhiciddiisa la wada gariiraan, oo geedaha Ceeden ku yaal oo dhan, oo ah kuwa la doortay oo dhirta Lubnaan ugu wada fiican, kuwaasoo ah inta biyaha cabta oo dhanba, dhulka meelaha ugu hooseeya ayaa loogu wada tacsiyeeyey.
16Man jį nustūmus į mirusiųjų buveinę, nuo jo kritimo trenksmo sudrebėjo tautos. Žemės gelmėse bus paguosti visi Edeno medžiai, Libano geriausi ir rinktiniai, kurie geria vandenį.
17Oo iyagiina She'ool bay kula dhaadheceen isagii, oo waxay u wada tageen kuwii seefta lagu laayay. Iyagu gacantiisay ahaayeen oo hooskiisay quruumaha dhexdooda ku degganaan jireen.Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
17Jie kartu su juo nuėjo į mirusiųjų buveinę, pas kardu nužudytuosius, taip pat ir jo sąjungininkai, kurie gyveno jo ūksmėje tarp tautų.
18Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
18Kas tau prilygsta šlove ir didybe tarp Edeno medžių? Tačiau su jais tu būsi nustumtas į mirusiųjų buveinę, gulėsi tarp neapipjaustytųjų kartu su nužudytaisiais. Taip bus faraonui ir visai jo daugybei,­sako Viešpats Dievas’ ”.