Somali

Lithuanian

Ezekiel

47

1Oo haddana wuxuu mar kale i geeyey daarta albaabkeedii, oo bal eeg, biyaa ka soo hoos baxayay marinkii daarta dhankeeda bari, waayo, daarta horteedu waxay u sii jeedday xagga bari, oo biyuhuna waxay ka soo hoos baxayeen daarta dhankeeda midigta oo ah meesha allabariga dhinaceeda koonfureed.
1Jis atvedė mane atgal prie namų durų, ir štai vanduo tekėjo iš po namų slenksčio rytų pusėje, nes jų priekis buvo rytų pusėje. Vanduo tekėjo iš po namo sienos dešinėje pusėje, į pietus nuo aukuro.
2Markaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay.
2Po to jis išvedė mane pro šiaurės vartus ir nuvedė prie išorinių vartų rytų pusėje. Dešinėje pusėje tekėjo vanduo.
3Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga.
3Vyras laikė rankoje matuojamąją virvę ir, eidamas rytų link, atmatavo tūkstantį uolekčių. Jis įvedė mane į vandenį, kuris siekė man iki kulkšnių.
4Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda.
4Jis vėl atmatavo tūkstantį uolekčių ir vedė mane per vandenį. Dabar vanduo man siekė iki kelių. Dar kartą atmatavęs tūkstantį uolekčių, vėl vedė mane per vandenį. Vanduo man buvo iki juosmens.
5Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo markan waxay ahaayeen webi aanan lug kaga gudbi karin, waayo, biyihii kor bay u keceen, oo waxay noqdeen biyo lagu dabaasho iyo webi aan lug lagaga gudbi karin.
5Jis ketvirtą kartą atmatavo tūkstantį uolekčių. Čia jau buvo gili upė, kurios nebegalėjau perbristi. Buvo taip gilu, kad reikėjo plaukti.
6Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii.
6Jis klausė manęs: “Žmogaus sūnau, ar tu matei?” Tada jis išvedė mane į upės krantą.
7Haddaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal.
7Grįžęs mačiau labai daug medžių abiejuose upės krantuose.
8Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.
8Jis man sakė: “Šitas vanduo teka į rytus, pasieks slėnį ir įtekės į jūrą. Įtekėjęs į jūrą, jis išgydys jos vandenis.
9Oo meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba wax kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqaaba way noolaan doonaan, oo waxaa jiri doona kalluun aad iyo aad u faro badan, maxaa yeelay, biyahaasu halkaasay u tagaan inay biyaha baddu bogsadaan aawadeed iyo in wax kastaaba ay soo noolaadaan meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba.
9Kur šios upės vanduo įtekės, bus gausu žuvies ir kitų vandens gyvių. Vandenys bus išgydyti ir visa atgis, kai įtekės upės vanduo.
10Oo kalluumaystayaashuna waxay istaagi doonaan badda qarkeeda, oo tan iyo Ceyn Gedii iyo ilaa Ceyn Ceglayim inta ka dhex leh waxay ahaan doontaa meel shabagyo lagu wadho, oo kalluunkooduna wuxuu ahaan doonaa cayn badan oo sida kalluunka badda weyn aad iyo aad u tiro badan.
10Nuo En Gedžio iki En Eglaimų stovės žvejai ir džiovins tinklus. Čia bus taip gausu įvairių rūšių žuvies, kaip Didžiojoje jūroje.
11Laakiinse meelaheeda dhoobada iyo biyagaleenka ahuba ma ay bogsan doonaan, illowse waxay ahaan doonaan cusbo miidhan.
11Balose ir pelkėse vanduo nepasikeis, jis liks sūrus.
12Oo webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo.
12Abiejuose upės krantuose augs vaisiniai medžiai. Jų lapai nenuvys, medžiai neš vaisius visą laiką, kiekvieną mėnesį, nes vanduo iš šventyklos juos drėkins. Jų vaisius vartos maistui, o lapus vaistams”.
13Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.
13Taip sako Viešpats Dievas: “Kraštą paveldės dvylika Izraelio giminių. Jis bus padalintas, o Juozapas gaus dvi dalis.
14Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.
14Jūs paveldėsite kraštą lygiomis dalimis. Aš prisiekiau jį duoti jūsų tėvams, ir jis bus jūsų nuosavybė.
15Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad,
15Krašto ribos šiaurėje bus nuo Didžiosios jūros Hetlono link iki Cedado,
16iyo Xamaad, iyo Beerotaah, iyo Sibrayim oo u dhaxaysa soohdinta Dimishaq iyo soohdinta Xamaad, iyo Xasar Hatiikoon oo ku ag taal soohdinta Xawraan.
16Hamato, Berotajo ir Sibraimų, kuris yra tarp Damasko ir Hamato, ir iki Hacer Tikono prie Haurano.
17Oo soohdinta tan iyo badduna waxay ahaan doontaa Xasar Eenaan oo ah soohdinta Dimishaq, oo xagga woqooyina waa soohdinta Xamaad. Taasu waa soohdinta dhanka woqooyi.
17Riba nuo jūros bus Hacar Enonas, Damasko riba ir į šiaurę iki Hamato ribos. Tai bus šiaurinė riba.
18Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari.
18Rytuose riba eis tarp Haurano ir Damasko, tarp Gileado ir Izraelio, Jordano upe iki Rytų jūros. Tai bus rytinė riba.
19Oo dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed.
19Pietuose riba eis nuo Tamaros iki Kadešo kivirčų vandens, toliau Egipto upeliu iki Didžiosios jūros. Tai bus pietinė riba.
20Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed.
20Vakarinė riba bus Didžioji jūra iki Hamato. Tai bus vakarinė riba.
21Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.
21Jūs padalinsite šį kraštą Izraelio giminėms.
22Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda.Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.
22Paveldą paskirstysite, mesdami burtus sau ir tarp jūsų gyvenantiems ateiviams, kuriems gimė vaikų, gyvenant tarp jūsų. Jie bus kaip ir gimę Izraelyje, ir jiems burtų keliu paskirsite nuosavybę tarp Izraelio giminių.
23Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.
23Kurioje giminėje gyvens ateivis, ten duosite jam nuosavybę,­sako Viešpats Dievas”.