1Haddana kuwanu waa magacyadii qabiilooyinka. Xagga woqooyi tan iyo jidka Xetlon agtiisa iyo ilaa meesha Xamaad laga galo, iyo Xasar Eenaan iyo ilaa soohdinta Dimishaq xaggeeda woqooyi iyo ilaa xagga Xamaad, kuwaas oo ah dhinacyada bari iyo galbeed, waxaa jiri doonta qaybta reer Daan.
1“Šie yra giminių vardai. Nuo šiaurės einant Hetlono keliu link Hamato, Hacar Enonas, šiaurinė Damasko riba iki pat Hamato, bus Dano dalis nuo rytų iki vakarų.
2Oo waxaa soohdinta reer Daan dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Aasheer.
2Šalia Dano, nuo rytų iki vakarų, bus Ašero dalis.
3Oo waxaa soohdinta reer Aasheer dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Naftaali.
3Šalia Ašero, nuo rytų iki vakarų, bus Neftalio dalis.
4Oo waxaa soohdinta reer Naftaali dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Manaseh.
4Šalia Neftalio, nuo rytų iki vakarų, bus Manaso dalis.
5Oo waxaa soohdinta reer Manaseh dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Efrayim.
5Šalia Manaso, nuo rytų iki vakarų, bus Efraimo dalis.
6Oo waxaa soohdinta reer Efrayim dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Ruubeen.
6Šalia Efraimo, nuo rytų iki vakarų, bus Rubeno dalis.
7Oo waxaa soohdinta reer Ruubeen dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Yahuudah.
7Šalia Rubeno, nuo rytų iki vakarų, bus Judo dalis.
8Oo soohdinta reer Yahuudah dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeedna waxaa ku xigi doonta meeshaad qurbaan ahaan u bixinaysaan oo ballaadhkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna ula mid yahay sida qaybaha kale middood tan iyo dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed inta ka dhex leh, oo meesha quduuska ahuna waxay ku oolli doontaa meeshaas dhexdeeda.
8Šalia Judo, nuo rytų iki vakarų, atskirkite dvidešimt penkių tūkstančių nendrių pločio ir tokio pat ilgio, kaip vienos giminės dalis, plotą šventyklai.
9Oo meesha aad Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixinaysaan dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna toban kun.
9Viešpačiui atskirsite dalį dvidešimt penkių tūkstančių nendrių ilgio ir dešimt tūkstančių nendrių pločio.
10Oo meeshaas ah qurbaanka quduuska ah waxaa iska lahaan doona wadaaddada. Dhankeeda woqooyi dhererkiisu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo dhankeeda galbeed ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda bari ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda koonfureed dhererkiisuna shan iyo labaatan kun, oo meesha quduuska ah ee Rabbiguna waa inay dhexdeeda ku taallaa.
10Kunigams priklausys dvidešimt penki tūkstančiai nendrių į šiaurę, dešimt tūkstančių į vakarus, dešimt tūkstančių į rytus ir dvidešimt penki tūkstančiai į pietus; Viešpaties šventykla bus viduryje.
11Oo meeshaas waxaa iska lahaan doona wadaaddada quduuska laga dhigay ee reer Saadooq oo adeegiddaydii xajiyey oo aan u baadiyoobin sidii ay reer Laawi u baadiyoobeen markay reer Israa'iil baadiyoobeen.
11Ši dalis priklausys pasišventinusiems kunigams, Cadoko sūnums, kurie man ištikimai tarnavo, kai izraelitai ir levitai buvo nuklydę.
12Oo meeshaasu waxay iyaga u ahaan doontaa dal qurbaan ah oo ka mid ah dhulka qurbaan ahaan loo bixiyey, oo soohdinta reer Laawi ku xigta.
12Jiems priklausanti krašto dalis, esanti šalia levitų dalies, bus labai šventa.
13Oo meel soohdinta wadaaddada ku xigtana waxay reer Laawi ku lahaan doonaan dhul dhererkiisu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay toban kun, oo dhererka oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo ballaadhkuna waa inuu ahaadaa toban kun.
13Levitai šalia kunigų dalies gaus dvidešimt penkių tūkstančių nendrių ilgio ir dešimties tūkstančių nendrių pločio žemę. Visas plotas bus dvidešimt penkių tūkstančių ilgio ir dešimties tūkstančių pločio.
14Oo iyagu waa inayan innaba iibsan, ama ayan beddelan, ama ayan dalka midhihiisa hore innaba shisheeye u gudbin, waayo, dhulkaasu Rabbiguu quduus u yahay.
14Jie neturės teisės to ploto nei parduoti, nei iškeisti. Taip pat krašto pirmavaisių negalės perleisti į kitų rankas, nes tai yra pašvęsta Viešpačiui.
15Oo shanta kun oo ka hadhay ballaadhka ah shan iyo labaatanka kun waxay ahaan doontaa meel dadka ka dhexaysa oo ah magaalada la dego iyo agagaarkeeda, oo magaaladuna waa inay ku dhex taallaa.
15Likęs penkių tūkstančių nedrių pločio ir dvidešimt penkių tūkstančių nendrių ilgio plotas priklausys miestui namams statyti ir ganykloms. Miestas bus jo viduryje.
16Oo kuwanuna waa inay qiyaasteeda ahaadaan: dhanka woqooyi waa inuu ahaadaa afar kun iyo shan boqol, dhanka koonfureedna afar kun iyo shan boqol, dhanka barina afar kun iyo shan boqol, dhanka galbeedna afar kun iyo shan boqol.
16Žemės plotas bus keturkampis, keturių tūkstančių penkių šimtų nendrių ilgio ir keturių tūkstančių penkių šimtų nendrių pločio.
17Oo magaalada agagaarkeeduna xagga woqooyi waa inuu ahaadaa laba boqol iyo konton, xagga koonfureedna laba boqol iyo konton, xagga barina laba boqol iyo konton, xagga galbeedna laba boqol iyo konton.
17Miesto priemiesčiai bus dviejų šimtų penkiasdešimties nendrių šiaurėje, dviejų šimtų penkiasdešimties nendrių pietuose, dviejų šimtų penkiasdešimties nendrių rytuose ir dviejų šimtų penkiasdešimties nendrių vakaruose.
18Oo dhererka ka hadhay oo ku xiga dalka qurbaanka ee quduuska ah dhankiisa bari waa inuu ahaadaa toban kun, oo dhankiisa galbeedna waa inuu ahaadaa toban kun, oo waa inuu ku xigaa dalka qurbaanka ee quduuska ah; oo waxa dhulkaas ka baxaana cunto bay u ahaan doonaan kuwa magaalada ku hawshooda.
18Likusio žemės ploto, esančio prie šventojo sklypo, dešimties tūkstančių nendrių ilgio rytuose ir dešimties tūkstančių nendrių vakaruose, derlius bus maistas tiems, kurie dirba mieste.
19Oo dhulkaas waxaa beeri doona kuwa magaalada ku hawshooda ee qabiilooyinka reer binu Israa'iil ka soo baxa oo dhan.
19Miesto darbininkai bus iš visų Izraelio giminių.
20Oo dhulka qurbaanka ah oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo dherer ah iyo shan iyo labaatan kun oo ballaadh ah. Dalka qurbaanka ee quduuska ah oo aad bixinaysaan waa inuu ahaadaa afar gees iyadoo hantida magaaladu ku taal.
20Visas išskirtas plotas bus keturkampis, dvidešimt penkių tūkstančių nendrių ilgio ir dvidešimt penkių tūkstančių nendrių pločiotai bus šventoji dalis ir miesto nuosavybė.
21Oo inta hadhana waxaa iska lahaan doona amiirka, dhinacan iyo dhinacaas oo dalka qurbaanka ee quduuska ah, iyo meesha ay magaaladu ku taalloba, oo ka soo hor jeedda shan iyo labaatanka kun oo dalka qurbaanka ah oo xagga soohdinta bari, iyo dhanka galbeed oo ka soo hor jeeda shan iyo labaatanka kun oo xagga soohdinta galbeed, oo ku xiga qaybaha. Oo intaas waxaa lahaan doona amiirka, oo dalka qurbaanka ee quduuska ah iyo meesha quduuska ah ee daartana waa inay ku dhex yaallaan.
21Likusi dalis abiejose šventojo ploto ir miesto nuosavybės pusėse, būtent dvidešimt penki tūkstančiai nendrių rytų ir dvidešimt penki tūkstančiai nendrių vakarų pusėje, priklausys kunigaikščiui. Šventykla ir šventasis plotas bus jo viduryje.
22Oo weliba xagga hantida reer Laawi iyo xagga hantida magaalada oo ku dhex yaal meesha amiirka oo u dhaxaysa soohdinta reer Yahuudah iyo soohdinta reer Benyaamiinba waxaa iska lahaan doona amiirka.
22Dalis tarp levitų ir miesto nuosavybės bei Judo dalies ir Benjamino dalies priklausys kunigaikščiui.
23Oo qabiilooyinka kale oo hadhana tan iyo dhanka bari iyo ilaa dhanka galbeed reer Benyaamiin waa inay qayb ka helaan.
23Likusių giminių žemės: nuo rytų iki vakarų bus Benjamino dalis.
24Oo waxaa soohdinta reer Benyaamiin dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Simecoon.
24Šalia Benjamino, nuo rytų iki vakarų, bus Simeono dalis.
25Oo waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar.
25Šalia Simeono, nuo rytų iki vakarų, bus Isacharo dalis.
26Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.
26Šalia Isacharo, nuo rytų iki vakarų, bus Zabulono dalis.
27Oo waxaa soohdinta reer Sebulun dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Gaad.
27Šalia Zabulono, nuo rytų iki vakarų, bus Gado dalis.
28Oo xagga soohdinta reer Gaadna dhankeeda koonfureed soohdintu waa inay ahaataa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn.
28Gado dalies pietų siena eis nuo Tamaros iki Kadešo kivirčų vandens, toliau Egipto upeliu iki Didžiosios jūros.
29Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
29Tai kraštas, kurį padalysite, mesdami burtus Izraelio giminėms,sako Viešpats Dievas.
30Oo kuwanuna waa meelaha magaalada laga baxo, xagga dhanka woqooyi waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur.
30Tai yra išėjimai iš miesto. Šiaurės pusėje atmatuosite keturis tūkstančius penkis šimtus nendrių.
31Oo magaalada irdaheedana waa in lagu magacaabaa qabiilooyinka reer binu Israa'iil magacyadooda. Saddexda irdood oo xagga woqooyi irid waa in reer Ruubeen lagu magacaabaa, iridna reer Yahuudah, iridna reer Laawi.
31Miesto vartai bus vadinami Izraelio giminių vardais. Trejų vartų šiaurės pusėje vardai: Rubeno vartai, Judo vartai ir Levio vartai.
32Oo xagga dhanka barina waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo xagga barina irid waa in reer Yuusuf lagu magacaabaa, iridna reer Benyaamiin, iridna reer Daan.
32Rytų pusėje atmatuosite keturis tūkstančius penkis šimtus nendrių. Trejų vartų vardai: Juozapo vartai, Benjamino vartai ir Dano vartai.
33Oo xagga dhanka koonfureedna qiyaastiisu waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo dhanka koonfureed irid waa in reer Simecoon lagu magacaabaa, iridna reer Isaakaar, iridna reer Sebulun.
33Pietų pusėje atmatuosite keturis tūkstančius penkis šimtus nendrių. Trejų vartų vardai: Simeono vartai, Isacharo vartai ir Zabulono vartai.
34Oo xagga dhanka galbeedna waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddex irdood leh, oo irid waa in reer Gaad lagu magacaabaa, iridna reer Aasheer, iridna reer Naftaali.Oo magaalada wareeggeeduna wuxuu ahaan doonaa siddeed iyo toban kun oo cawsduur, oo maalintaas intii laga bilaabona magaalada magaceedu wuxuu ahaan doonaa, Rabbigaa halkaas jooga.
34Vakarų pusė yra keturių tūkstančių penkių šimtų nendrių ir turi trejus vartus: Gado vartus, Ašero vartus ir Neftalio vartus.
35Oo magaalada wareeggeeduna wuxuu ahaan doonaa siddeed iyo toban kun oo cawsduur, oo maalintaas intii laga bilaabona magaalada magaceedu wuxuu ahaan doonaa, Rabbigaa halkaas jooga.
35Aplinkui miestą bus aštuoniolika tūkstančių nedrių. Nuo tos dienos miesto vardas bus ‘Viešpats čia’ ”.