Somali

Lithuanian

Ezekiel

8

1Oo sannaddii lixaad, bisheedii lixaad maalinteedii shanaad intii aan gurigaygii dhex fadhiyeyey, oo ay odayaashii dalka Yahuudah i hor fadhiyeyeen ayaa gacantii Sayidka Rabbiga ahu igu soo kor degtay.
1Šeštaisiais metais, šešto mėnesio penktą dieną, kai aš sėdėjau savo namuose su Judo vyresniaisiais, Viešpaties ranka palietė mane.
2Markaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa.
2Aš pamačiau prieš save lyg žmogaus pavidalą; nuo juosmens žemyn atrodė lyg liepsnojanti ugnis, o nuo juosmens aukštyn­tarsi žėrintis gintaras.
3Oo isna wax gacan u eg buu igu soo taagay, oo wuxuu igu dhegay timahayga, oo ruuxii ayaa dhulka iyo samada dhexdooda kor iigu qaaday, oo waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu iigu keenay Yeruusaalem, iyo iridda gudaha ku taal albaabkeeda xagga woqooyi u sii jeeda, oo halkaas waxaa yiil kursigii sanamkii hinaasada, kaasoo hinaasada kiciya.
3Jis ištiesė ranką ir nutvėrė mane už galvos plaukų. Dvasia pakėlė mane tarp dangaus ir žemės ir nunešė mane Dievo regėjime į Jeruzalę prie vidaus kiemo vartų šiaurės pusėje, kur stovėjo pavydo stabas, kuris kėlė pavydą.
4Oo bal eeg, ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa halkaas joogtay, oo waxay u ekayd sidii muuqashadii aan bannaanka ku arkay oo kale.
4Ir ten aš pamačiau Izraelio Dievo šlovę, kaip ją buvau matęs regėjime lygumoje.
5Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haatan indhaha xagga woqooyi ku taag. Markaasaan indhaha kor ugu taagay jidkii xagga woqooyi, oo waxaan xaggii woqooyi iriddii meeshii allabariga ku arkay sanamkan hinaasada ee iridda ka taagan.
5Jis man sakė: “Žmogaus sūnau, pažvelk į šiaurės pusę”. Aš žiūrėjau, ir štai prie pat aukuro, prie vartų, stovėjo pavydo stabas.
6Oo wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn.
6Jis man kalbėjo toliau: “Žmogaus sūnau, ar matai, ką jie daro? Izraelio namai daro dideles bjaurystes, kad Aš pasitraukčiau iš savo šventyklos. Bet apsisuk, ir pamatysi dar didesnių bjaurysčių!”
7Oo haddana wuxuu i geeyey albaabkii barxadda, oo markaan wax fiiriyey waxaan arkay god derbiga ku dhex yaal.
7Jis atvedė mane prie šventyklos vartų ir parodė man sienoje skylę.
8Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haddana derbiga qod, oo markaan derbigii qoday waxaan arkay albaab.
8Jis liepė man: “Žmogaus sūnau, kask po siena!” Prakasęs sieną, radau duris.
9Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan.
9Jis liepė įeiti ir pažiūrėti, kas čia vyksta.
10Sidaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan.
10Įėjęs mačiau ant sienų roplių, nešvarių gyvūnų ir Izraelio stabų piešinius.
11Oo waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa.
11Prieš juos stovėjo septyniasdešimt Izraelio vyresniųjų su Jaazaniju, Šafano sūnumi. Kiekvienas laikė rankoje po smilkytuvą, iš kurių kilo aukštyn tirštas smilkalų debesis.
12Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, ma aragtay waxa odayaashii reer binu Israa'iil ay gudcurka ku sameeyaan, oo ninkood kastaaba uu qolladihiisa taswiirta ku sameeyo? Waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu inooma jeedo, waayo, Rabbigu dhulkuu ka tegey.
12Jis klausė: “Žmogaus sūnau, ar matai, ką Izraelio vyresnieji tamsoje daro prie stabų piešinių? Jie sako: ‘Viešpats paliko kraštą, Jis nemato mūsų’ ”.
13Oo weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
13Jis vėl man tarė: “Apsisuk, ir pamatysi dar didesnių bjaurysčių”.
14Markaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya.
14Jis įvedė mane į Viešpaties namus pro šiaurinius vartus. Čia sėdėjo moterys ir apraudojo Tamūzą.
15Markaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
15Jis tarė man: “Žmogaus sūnau, ar matai, kas čia vyksta? Apsisuk ir pamatysi bjaurysčių, didesnių už šitas”.
16Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta.
16Jis įvedė mane į Viešpaties namų kiemą. Tarp Viešpaties šventyklos durų ir aukuro stovėjo maždaug dvidešimt penki vyrai, nusigręžę nuo Viešpaties šventyklos į rytus, ir garbino saulę.
17Markaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen.Oo sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
17Jis tarė: “Žmogaus sūnau, ar matai, kas čia vyksta? Ar negana to, kas yra Jude! Šitie nusikaltimai bei smurtas vėl užtrauks mano bausmę.
18Oo sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
18Aš išliesiu ant jų savo įtūžį, nesigailėsiu jų ir nebūsiu jiems nuolaidus. Nors jie garsiai šauksis mano pagalbos, neišklausysiu jų”.