Somali

Lithuanian

Ezekiel

9

1Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.
1Jis šaukė garsiu balsu: “Ateikite, sprendimo miestui vykdytojai! Kiekvienas atsineškite naikinimo įrankį!”
2Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.
2Atėjo šeši vyrai nuo šiaurės aukštutinių vartų. Kiekvienas atsinešė naikinimo įrankį; tarp jų buvo vyras, apsivilkęs drobiniais. Jis laikė dešinėje rankoje rašymo priemones. Atėję jie sustojo prie varinio aukuro.
3Kolkaasaa ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil kor bay uga kacday keruubkii ay kor saarnayd, oo waxay tagtay guriga marinkiisii, oo wuxuu u yeedhay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo dhiniciisa ku sitay geeskii khadka kan wax qora.
3Izraelio Dievo šlovė pasitraukė nuo cherubo, ant kurio ji būdavo, prie šventyklos slenksčio. Jis šaukė drobiniais apsivilkusiam, kuris turėjo rašymo priemonių:
4Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magaalada Yeruusaalem dhexdeeda mar, oo waxaad calaamad ku dhigtaa jaaha dadka u taahaya oo u qaylinaya waxyaalaha karaahiyada ah oo dhexdeeda lagu sameeyo oo dhan.
4“Pereik Jeruzalės miesto viduriu ir paženklink kaktoje tuos žmones, kurie dejuoja ir šaukia dėl mieste daromų bjaurysčių”.
5Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina.
5Kitiems, man girdint, Jis įsakė: “Eikite paskui jį ir žudykite! Nesigailėkite nieko.
6Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.
6Žudykite senius, jaunuolius, mergaites, vaikus ir moteris, bet nelieskite turinčių ženklą. Pradėkite nuo mano šventyklos!” Jie pradėjo nuo vyresniųjų, buvusių prie šventyklos.
7Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Guriga nijaaseeya, oo barxadahana meydad ka buuxiya, oo haddana baxa. Markaasay bexeen oo magaaladii dad bay ku dhex laayeen.
7Jis jiems dar įsakė: “Sutepkite šventyklą, pripildykite kiemus užmuštų. Pradėkite!” Jie ėjo ir žudė mieste esančius.
8Oo intay dadka laynayeen oo aan anigu hadhay ayaan wejiga u dhacay, oo intaan qayliyey ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad kuwa reer binu Israa'iil ku hadha oo dhan ku wada baabbi'isid cadhadaada aad Yeruusaalem ku dul shubayso?
8Kai jie juos žudė, aš, likęs vienas, kritau veidu į žemę ir šaukiau: “Viešpatie Dieve, argi sunaikinsi Izraelio likutį, išliedamas savo rūstybę ant Jeruzalės?”
9Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.
9Jis atsakė: “Izraelio ir Judo nusikaltimas yra labai didelis; kraštas ir miestas pilnas nekalto kraujo ir pasileidimo. Jie sako: ‘Viešpats paliko žemę ir nemato mūsų’.
10Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaal marin doonaa.Oo bal eeg, ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo geeska khadka dhinaciisa ku sitay ayaa war keenay, oo wuxuu yidhi, Wixii aad igu amartay ayaan sameeyey.
10Todėl Aš nesigailėsiu jų ir nebūsiu jiems nuolaidus. Aš jų kelius sugrąžinsiu jiems patiems”.
11Oo bal eeg, ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo geeska khadka dhinaciisa ku sitay ayaa war keenay, oo wuxuu yidhi, Wixii aad igu amartay ayaan sameeyey.
11Vyras, apsirengęs drobiniais, laikantis rašymo priemones, pranešė: “Padariau, kaip įsakei”.