1Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.
1Visi žemės gyventojai kal bėjo viena kalba.
2Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.
2Besikeldami toliau į rytus, jie rado lygumą Šinaro krašte ir ten apsigyveno.
3Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.
3Jie kalbėjosi: “Pasidirbinkime plytų ir gerai jas išdekime”. Plytas jie naudojo vietoje akmenų, o dervąvietoje kalkių.
4Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.
4Jie tarėsi: “Pasistatykime miestą ir bokštą, kurio viršūnė siektų dangų. Išgarsinkime savo vardą prieš išsiskirstydami į visus kraštus!”
5Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.
5Viešpats nužengė pasižiūrėti miesto ir bokšto, kurį žmonės statė,
6Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.
6ir tarė: “Jie yra viena tauta ir visi kalba viena kalba. Jie pradėjo tai daryti ir nėra nieko, ko jie negalėtų pasiekti, jeigu nusprendžia.
7Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.
7Nusileiskime ir sumaišykime jų kalbą, kad jie nebesuprastų vienas kito!”
8Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.
8Viešpats juos išsklaidė po visą žemės paviršių, ir jie nustojo statę miestą.
9Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.
9Todėl tą miestą praminė Babele, nes ten Viešpats sumaišė jų kalbą ir iš ten Viešpats išsklaidė juos į visus žemės kraštus.
10Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.
10Šitie yra Semo palikuonys: Semas, būdamas šimto metų, dvejiems metams praėjus po tvano, susilaukė sūnaus Arfaksado.
11Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
11Semas, gimus Arfaksadui, dar gyveno penkis šimtus metų ir susilaukė sūnų bei dukterų.
12Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah:
12Kai Arfaksadui buvo trisdešimt penkeri metai, gimė sūnus Sala.
13Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
13Po to Arfaksadas dar gyveno keturis šimtus trejus metus ir susilaukė sūnų bei dukterų.
14Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.
14Kai Salai buvo trisdešimt metų, gimė Eberas.
15Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
15Po to Sala dar gyveno keturis šimtus trejus metus ir susilaukė sūnų bei dukterų.
16Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:
16Kai Eberui buvo trisdešimt ketveri metai, gimė Falekas.
17Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
17Po to Eberas dar gyveno keturis šimtus trisdešimt metų ir susilaukė sūnų bei dukterų.
18Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:
18Kai Falekui buvo trisdešimt metų, gimė Ragaujas.
19Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
19Po to Falekas dar gyveno du šimtus devynerius metus ir susilaukė sūnų bei dukterų.
20Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug.
20Kai Ragaujui buvo trisdešimt dveji metai, gimė Seruchas.
21Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
21Po to Ragaujas dar gyveno du šimtus septynerius metus ir susilaukė sūnų bei dukterų.
22Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor:
22Kai Seruchui buvo trisdešimt metų, gimė Nachoras.
23Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
23Po to Seruchas dar gyveno du šimtus metų ir susilaukė sūnų bei dukterų.
24Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax;
24Kai Nachorui buvo dvidešimt devyneri metai, gimė Tara.
25Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
25Po to Nachoras dar gyveno šimtą devyniolika metų ir susilaukė sūnų bei dukterų.
26Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan.
26Kai Tarai buvo septyniasdešimt metų, gimė Abromas, Nahoras ir Haranas.
27Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud.
27Šitie yra Taros palikuonys: Abromas, Nahoras ir Haranas, o Harano sūnusLotas.
28Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.
28Haranas mirė, jo tėvui Tarai dar gyvam tebeesant, savo gimtoje šalyje, Chaldėjos Ūre.
29Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.
29Abromas ir Nahoras vedė. Abromo žmonos vardas buvo Saraja, o NahoroMilka; ji buvo duktė Harano, Milkos ir Iskos tėvo.
30Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn.
30Saraja buvo nevaisinga: ji neturėjo vaikų.
31Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.
31Tara ėmė savo sūnų Abromą ir savo sūnaus Harano sūnų Lotą, marčią Sarają, sūnaus Abromo žmoną, ir jie iškeliavo iš Chaldėjos Ūro į Kanaano šalį. Atėję ligi Charano, jie ten įsikūrė.
32Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.
32Taros amžius buvo du šimtai penkeri metai, ir jis mirė Charane.