1Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.
1Izaijo, Amoco sūnaus, regėjimas, kurį jis matė apie Judą ir Jeruzalę Judo karalių Uzijo, Jotamo, Ahazo ir Ezekijo dienomis.
2Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen.
2Dangūs, klausykite, žeme, išgirsk! Viešpats kalba: “Aš užauginau ir išaukštinau vaikus, bet jie sukilo prieš mane.
3Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan.
3Jautis pažįsta savo savininką ir asilassavo šeimininko ėdžias, bet Izraelis nepažįsta, mano tauta nesupranta”.
4Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen.
4Vargas nuodėmingai giminei, nuo nedorybių apsunkusiai tautai, piktadarių palikuonims, nepaklusniems vaikams! Jie paliko Viešpatį, supykdė Izraelio Šventąjį, nusigręžė nuo Jo.
5Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay.
5Ar verta jus dar daugiau bausti, kurie ir toliau maištaujate? Jau visa galva nesveika, širdis alpsta.
6Madaxa iyo minjaha inta ka dhex leh innaba caafimaad ma leh, laakiinse waxaa ku yaal nabro, iyo burbur, iyo boogo cusub, lama awdin, lamana duubin, oo saliidna laguma dhayin.
6Nuo kojų padų iki viršugalvio nebėra nieko sveiko: sumušimai, randai, pūliuojančios žaizdosnevalytos, neaprištos, aliejumi nepateptos.
7Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.
7Jūsų šalis ištuštėjusi, miestai sudeginti, laukų vaisius svetimieji ryja jūsų akivaizdoje. Visa yra sunaikinta svetimųjų.
8Oo magaalada Siyoonna waxaa looga tegey sidii waab beercanab ku dhex yaal, iyo sidii buul beer khijaar ah ku dhex yaal, iyo sidii magaalo cadow hareereeyey.
8Siono dukra palikta kaip palapinė vynuogyne, kaip sargo būda agurkyne, kaip apgultas miestas.
9Haddaan Rabbiga ciidammadu dad aad u yar inoo reebin, sida Sodom baan noqon lahayn, oo sida Gomorana baan noqon lahayn.
9Jei kareivijų Viešpats nebūtų palikęs mums mažo likučio, mes būtume kaip Sodoma, panašūs į Gomorą.
10Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga.
10Klausykite Viešpaties žodžio, jūs Sodomos valdovai! Išgirsk mūsų Dievo įstatymą, Gomoros tauta!
11Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona.
11“Kam man daugybė jūsų aukų?sako Viešpats.Man jau užtenka jūsų avinų deginamųjų aukų ir penimų gyvulių taukų. Aš nemėgstu jaučių, avių ir ožių kraujo.
12Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan?
12Kas reikalauja iš jūsų viso to, kai ateinate pasirodyti man ir mindote mano kiemus?
13Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi.
13Neaukokite man tuščių aukų, smilkalai man yra pasibjaurėjimas. Aš negaliu pakęsti jauno mėnulio, sabatų ir kitų švenčių. Netgi jūsų iškilmingi susirinkimai yra nedorybė.
14Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay.
14Jūsų jauno mėnulio ir kitų iškilmių mano siela nekenčia. Jos mane slegia ir Aš pavargau nuo jų.
15Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.
15Kai jūs iškeliate rankas, Aš nusisuku nuo jūsų, kai kalbate daug maldų, neklausau, nes jūsų rankos kruvinos.
16Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.
16Nusiplaukite, apsivalykite; pašalinkite savo piktus darbus iš mano akių, liaukitės darę pikta!
17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
17Mokykitės daryti gera, ieškokite teisingumo, padėkite prispaustiesiems, apginkite našlaičius, užstokite našles.
18Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.
18Tada ateikite ir kartu pasvarstysime,sako Viešpats.Nors jūsų nuodėmės būtų skaisčiai raudonos, taps baltos kaip sniegas; nors būtų raudonos kaip purpuras, taps kaip vilna.
19Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa,
19Jei jūs noriai klausysite manęs, valgysite krašto gėrybes.
20haddiise aad diiddaan oo aad caasiyowdaan, waxaa idin wada baabbi'in doonta seef, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
20Bet jei jūs priešinsitės ir maištausite, jus praris kardas”. Taip kalbėjo Viešpats.
21Magaaladii aaminka ahayd oo caddaaladdu ka buuxday, sidee bay dhillo u noqotay! Waxaa ku jiri jirtay xaqnimo! haatanse waxaa jooga gacankudhiiglayaal.
21Kaip ištikimas miestas tapo paleistuve? Jis buvo pilnas teisingumo, teisumas gyveno jame, o dabaržmogžudžiai.
22Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo.
22Tavo sidabras pavirto nuodegomis, vynas sumaišytas su vandeniu.
23Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
23Tavo kunigaikščiai tapo maištininkais ir vagių draugais; visi mėgsta kyšius ir laukia dovanų. Jie nebegina našlaičių, našlės byla nepasiekia jų.
24Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.
24Taip sako Viešpats, kareivijų Dievas, Izraelio Galingasis: “Aš atlyginsiu ir atkeršysiu savo priešams!
25Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa.
25Aš pakelsiu savo ranką prieš tave, visiškai nuvalysiu nuo tavęs nuodegas, pašalinsiu iš tavęs priemaišas.
26Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah.
26Aš grąžinsiu tau teisėjus, kokie jie buvo, ir patarėjus kaip pradžioje. Tuomet tu būsi teisumo ir ištikimybės miestas.
27Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo.
27Sionas bus išgelbėtas teisingumu ir jo atgailaujantysteisumu.
28Laakiinse kuwa xadgudba iyo dembilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabbi'in doonaa.
28Nusikaltėliai ir nusidėjėliai bus sunaikinti, kurie apleidžia Viešpatį, pražus.
29Waayo, way ku ceeboobi doonaan geedihii aad jeclaateen, oo beerihii aad doorateenna waad ku qasmi doontaan.
29Jūs gėdysitės ąžuolų, kuriais džiaugėtės, ir jūs raudonuosite dėl sodų, kuriuos buvote pasirinkę.
30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.
30Jūs būsite kaip ąžuolas suvytusiais lapais, kaip sodas be vandens.
31Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.
31Stiprusis taps lyg pakulos, jo darbas lyg kibirkštis; jie sudegs kartu, ir niekas jų neužgesins”.