Somali

Lithuanian

Isaiah

2

1Kanu waa eraygii uu Ishacyaah ina Aamoos ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem.
1Regėjimas, kurį matė Amoco sūnus Izaijas, apie Judą ir Jeruzalę.
2Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.
2Paskutinėmis dienomis Viešpaties namų kalnas iškils aukščiau už visus kalnus ir kalnelius. Į jį plūs visos tautos.
3Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
3Daug tautų ateis ir sakys: “Eikime prie Viešpaties kalno, į Jokūbo Dievo namus, kad Jis mokytų mus savo kelių ir mes vaikščiotume Jo takais”. Nes iš Siono išeis įstatymas, o iš Jeruzalės­Viešpaties žodis.
4Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
4Jis teis tautas ir sudraus daugelį tautų. Jie perkals savo kardus į noragus ir ietis į pjautuvus. Tautos nebekariaus tarpusavyje ir nebesimokys kariauti.
5Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
5Jokūbo namai, ateikite ir visi vaikščiokime Viešpaties šviesoje!
6Waad ka tagtay dadkaagii reer Yacquub, maxaa yeelay, waxay ka buuxsameen waxyaalihii bariga, oo waa faaliyayaal sida reer Falastiin, oo waxay la heshiiyaan dad shisheeyayaal ah.
6Todėl Tu atmetei savo tautą, Jokūbo namus, kad jie pasidarė kaip rytiečiai, jie turi burtininkų kaip filistinai. Jie susideda su svetimaisiais.
7Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa lacag iyo dahab, oo khasnadahooduna dhammaad ma leh, oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa fardo, oo gaadhifardoodyadooduna innaba dhammaad ma leh.
7Jų kraštas yra pilnas sidabro ir aukso, ir nėra galo jų turtams. Jų šalis pilna žirgų ir kovos vežimų be skaičiaus.
8Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.
8Jų kraštas taip pat pilnas stabų; jie garbina savo rankų darbus, kuriuos pagamino jų pačių pirštai.
9Oo ninka hoose waa u foororsadaa, oo ninka weynuna waa isu hoosaysiiyaa, haddaba dembigooda ha ka cafiyin.
9Ten lenkiasi žmogus, žeminasi vyras. Neatleisk jiems!
10Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.
10Eik į uolą ir slėpkis dulkėse nuo Viešpaties baimės ir Jo didingumo šlovės.
11Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
11Išdidūs žmonių žvilgsniai bus pažeminti ir jų puikybė palaužta. Tik vienas Viešpats bus išaukštintas tą dieną.
12Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,
12Nes kareivijų Viešpaties diena užgrius kiekvieną, kuris išdidus ir pasipūtęs, tą kuris didžiuojasi, ir jie bus pažeminti:
13iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan,
13visi Libano kedrai, aukšti ir išdidūs, ir visi Bašano ąžuolai;
14iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan,
14visi aukšti kalnai ir visos aukštai iškilusios kalvos;
15iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh,
15kiekvienas aukštas bokštas ir kiekviena sustiprinta siena;
16iyo doonniyaha Tarshiish oo dhan, iyo taswiiro la jecel yahay oo dhan.
16visi Taršišo laivai ir visa, kas gražiai atrodo.
17Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
17Žmogaus išdidumas bus pažemintas, žmonių puikybė bus palaužta. Tik vienas Viešpats bus išaukštintas tą dieną.
18Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
18Stabus Jis visai sunaikins.
19Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.
19Jie slėpsis uolų plyšiuose ir žemės urvuose nuo Viešpaties baimės ir Jo didingumo šlovės, kai Jis pakils sudrebinti žemės.
20Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha,
20Tą dieną žmogus išmes savo sidabrinius ir auksinius stabus, kuriuos pasidaręs garbino, kurmiams ir šikšnosparniams,
21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.Ka joogsada binu-aadmiga ay neeftiisu ku jirto dulalka sankiisa, waayo, bal maxaa isaga lagu tiriyaa?
21kad pasislėptų uolų urvuose ir akmenų plyšiuose nuo Viešpaties baimės ir Jo didingumo šlovės, kai Jis pakils sudrebinti žemės.
22Ka joogsada binu-aadmiga ay neeftiisu ku jirto dulalka sankiisa, waayo, bal maxaa isaga lagu tiriyaa?
22Atsitraukite nuo žmogaus, kurio kvėpavimas šnervėse; kokia yra jo vertė?