Somali

Lithuanian

Isaiah

3

1Waayo, bal eega, Sayidka ciidammada ahu wuxuu Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ka qaadayaa tiirka iyo waxa la cuskado, xataa tiirka cuntada oo dhan, iyo tiirka biyaha oo dhan,
1Štai Viešpats, kareivijų Dievas, atims iš Jeruzalės ir Judo ramstį ir lazdą, duonos ir vandens atsargas,
2iyo ninka xoogga badan, iyo ninka dagaalyahanka ah, iyo xaakinka, iyo nebiga, iyo waxsheegaha, iyo odayga,
2karžygį ir karį, teisėją ir pranašą, žynį ir vyresnįjį,
3iyo sirkaalka konton u taliya, iyo ninka sharafta leh, iyo lataliyaha, iyo saanaca, iyo saaxirka.
3penkiasdešimtininką ir kilmingąjį, patarėją, įgudusį amatininką ir iškalbingą kalbėtoją.
4Oo waxaan amiirro uga dhigi doonaa carruur, oo dhallaan baa iyaga u talin doona.
4Vaikai bus jų kunigaikščiai, juos valdys kūdikiai.
5Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.
5Žmonės skriaus vienas kitą, net savo artimą. Vaikai bus pasipūtę prieš vyresniuosius, niekam tikę prieš kilminguosius.
6Oo markaas nin wuxuu soo qaban doonaa walaalkiis oo jooga gurigii aabbihiis, oo wuxuu ku odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay dhar, haddaba taliye noo noqo oo waxan burburka ahuna ha kaa hooseeyo.
6Tada žmogus, nutvėręs savo brolį iš tėvo namų, sakys: “Tu dar turi apsiaustą, būk mūsų vadas. Šie griuvėsiai tebūna tavo valdžioje”.
7Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina.
7Jis atsakys: “Aš nesu gydytojas, mano namuose nėra nei duonos, nei drabužių. Nedarykite manęs tautos vadu”.
8Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan.
8Jeruzalė ir Judas kris, nes jų žodžiai ir darbai priešingi Viešpačiui; jie erzina Jo šlovės akis.
9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.
9Jų veido išraiška liudija prieš juos. Jie nesislėpdami nuodėmiauja kaip Sodomos gyventojai. Vargas jiems! Jie patys sau užtraukia nelaimę.
10Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda.
10Sakykite teisiesiems, kad jiems bus gerai, nes jie naudosis savo darbų vaisiais.
11Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale.
11Vargas nedorėliui! Jam bus atlyginta pagal jo darbus.
12Laakiinse waxaa dulma dadkayga carruur, oo dumar baa iyaga u taliya. Dadkaygow, hoggaamiyayaashaadu way ku qaldaan, oo waxay kharribaan jidkaaga aad ku socoto.
12Mano tauta! Vaikai juos spaudžia, moterys jiems viešpatauja. O mano tauta! Tavo vedliai tave suvedžioja ir veda klaidingu taku.
13Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo.
13Viešpats keliasi daryti teismo ir teisti tautas.
14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.
14Viešpats teis vyresniuosius ir savo tautos kunigaikščius. “Jūs jau prarijote vynuogyną. Beturčių nuosavybė yra jūsų namuose.
15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?
15Ką galvojate, skriausdami mano tautą ir daužydami beturčiams per veidus?”­klausia Viešpats, kareivijų Dievas.
16Oo weliba Rabbigu wuxuu yidhi, Gabdhaha Siyoon waa kibirsan yihiin, oo waxay socdaan iyagoo madax taagan oo indhaha ku baaqaya, oo qaadaya tallaabooyin yaryar oo degdeg ah, dugaagadaha cagahana way ka shanqadhiyaan,
16Viešpats sako: “Kadangi Siono dukterys išdidžiai vaikščioja, ištiesusios kaklus, mėto geidulingus žvilgsnius, eidamos mažais žingsneliais, skambina kojų žiedais,
17haddaba sidaas daraaddeed gabdhaha Siyoon madaxooda dhaladiisa Sayidku wuxuu u yeeli doonaa canbaar, oo wuxuu muujin doonaa cawradooda.
17Viešpats apdengs Siono dukterų galvas šašais ir apnuogins jas”.
18Oo maalintaas Sayidku wuxuu iyaga ka qaadi doonaa quruxda dugaagadaha cagahooda, iyo shabagyada timaha, iyo bilaha,
18Tą dieną Viešpats nuplėš jų papuošalus: kojų grandinėles, kaktos juosteles ir mėnuliukus;
19iyo waxa dhegaha la sudho, iyo sindiyada, iyo indhashareeryada,
19grandinėles, apyrankes ir šydus;
20iyo waxa madaxa lagu sharraxo, iyo silsiladaha lugaha, iyo waxa madaxa lagu xidho, iyo weelasha cadarka, iyo qardhaasaha,
20vainikėlius, kojų papuošalus, puošnias juostas, kvepalų dėžutes ir auskarus;
21iyo kaatummada, iyo sangelisyada,
21pirštų ir nosies žiedus,
22iyo dharka lagu iido, iyo shaadirrada, iyo go'yaasha, iyo boorsooyinka,
22išeiginius rūbus ir apsiaustus; skareles ir pinigines,
23iyo muraayadaha, iyo dharka wanaagsan, iyo garbasaarrada, iyo gambooyinka.
23veidrodėlius, plono lino drabužius, galvos kaspinus ir skraistes.
24Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa.
24Vietoje kvepalų bus smarvė, vietoje juostos­virvė; vietoje gražios šukuosenos­plikė, vietoje apsiausto­ašutinė; vietoje grožio­įdeginta žymė.
25Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka.Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.
25Tavo vyrai kris nuo kardo, o tavo karžygiai­kovoje.
26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.
26Jos vartai aimanuos ir gedės, apleista ji sėdės ant žemės.