Somali

Lithuanian

Isaiah

13

1Kanu waa warka culus ee Baabuloon ku saabsan oo uu Ishacyaah ina Aamoos arkay.
1Regėjimas apie Babiloną, kurį matė Izaijas, Amoco sūnus.
2Buurta dheer calan ka taaga, codkana iyaga kor ugu qaada, oo u gacanhaadiya inay irdaha kuwa gobta ah galaan.
2Iškelkite vėliavą kalno viršūnėje, šaukite garsiai, mokite ranka, kad jie įeitų pro kilmingųjų vartus.
3Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.
3Aš įsakiau savo pašvęstiesiems ir pašaukiau savo karžygius, kad įvykdytų mano rūstybę,­tuos, kurie džiaugiasi mano išaukštinimu.
4Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.
4Kalnuose minios triukšmas tarsi gausios tautos. Tai sujudimas karalysčių ir susirinkusių tautų. Kareivijų Viešpats ruošia kariuomenę kovai.
5Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.
5Jie ateina iš tolimos šalies, nuo padangių pakraščių; tai Viešpaties rūstybės įrankiai žemei sunaikinti.
6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.
6Verkite, nes Viešpaties diena arti; ji ateina kaip sunaikinimas nuo Visagalio.
7Haddaba sidaas daraaddeed gacmo oo dhammu way taag gabi doonaan, oo nin kastaba qalbigiisu wuu dhalaali doonaa.
7Dėl to visos rankos nusvirs, kiekvieno žmogaus širdis sutirps.
8Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale.
8Jie išsigąs, juos apims skausmai ir kentėjimai. Juos suims skausmai kaip gimdyves. Jie apstulbę žiūrės vienas į kitą: jų veidai degs ugnimi.
9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.
9Artėja Viešpaties diena, žiauri ir pilna rūstybės bei keršto, kad paverstų žemę tyrlaukiais ir sunaikintų jos nusidėjėlius.
10Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.
10Dangaus žvaigždės ir žvaigždynai nebešvies, saulė, tik patekėjus, aptems ir mėnulis nebešvies.
11Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.
11Aš bausiu pasaulį dėl jo piktybės, nedorėlius­dėl jų kalčių. Aš sustabdysiu puikuolių pasipūtimą ir pažeminsiu baisiųjų išdidumą.
12Waxaan dadka ka dhigi doonaa wax dhif ah oo ka qaalisan dahabka wanaagsan, oo binu-aadmigana waxaan ka dhigi doonaa wax aan badnayn sida dahabka saafiga ah ee Oofir.
12Aš padarysiu, kad žmogus bus brangesnis už auksą, o vyras­už gryną Ofyro auksą.
13Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.
13Aš supurtysiu dangus, o žemė pajudės iš savo vietos dėl kareivijų Viešpaties rūstybės Jo degančio pykčio dieną.
14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.
14Kaip išgąsdintos stirnos arba avys, kurių niekas nebegano, kiekvienas grįš prie savo tautos, į savo kraštą.
15Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa.
15Ką suras, perdurs, ką sugaus, nužudys.
16Oo dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa iyagoo arkaya, guryahoodana waa la dhici doonaa, naagahoodana waa la kufsan doonaa.
16Jų kūdikius sutraiškys jų pačių akivaizdoje, išplėš namus ir moteris išprievartaus.
17Bal eega, waxaan iyaga ku soo kicin doonaa reer Maaday oo aan innaba lacag ka fikirayn oo aan dahabkana ku farxin.
17Aš sukurstysiu prieš Babiloną medus, kurie nevertina sidabro ir negeidžia aukso.
18Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan.
18Jie strėlėmis žudys jaunuolius, nepagailės nėščių moterų nei jų kūdikių.
19Oo Baabuloon oo ah sharaftii boqortooyooyinka iyo quruxdii kibirka reer Kaldayiin waxay noqon doontaa sidii markii Ilaah Sodom iyo Gomora afgembiyey.
19Babilonas, karalysčių šlovė, chaldėjų pasididžiavimas, taps kaip Sodoma ir Gomora, kai Viešpats jas sunaikino.
20Oo weligeed innaba lama degi doono oo tan iyo ab ka ab laguma dhex hoyan doono, oo Carabkuna halkaas teendho kama dhisan doono, oo adhijirraduna halkaas adhigooda ma daajin doonaan.
20Jis niekad nebebus apgyvendintas ir niekas jame negyvens per kartų kartas. Arabas ten nebeties savo palapinės ir piemenys nebeganys savo bandos.
21Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumayso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh.Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
21Laukiniai žvėrys ten šeimininkaus, jų namai bus pilni pelėdų. Stručiai ten bėgios ir šokinės satyrai.
22Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
22Hienos kauks bokštuose ir šakalai puikiuose rūmuose. Babilono galas arti, jo dienos suskaitytos.