Somali

Lithuanian

Isaiah

14

1Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.
1Nes Viešpats pasigailės Jokūbo ir vėl išsirinks Izraelį, apgyvendins juos jų pačių krašte. Prie jų jungsis ateiviai ir glausis prie Jokūbo.
2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.
2Pagonys paims juos ir parves į jų vietą. Izraelitai Viešpaties žemėje juos apgyvendins kaip tarnus ir tarnaites. Jie padarys belaisvius tuos, kurių belaisviai jie buvo, ir pavergs savo prispaudėjus.
3Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,
3Kai Viešpats po visų vargų, baimės ir kietos vergijos, kurioje vargote, jums suteiks ramybę,
4ayaad boqorka Baabuloon ku soo maadsan doontaa, oo waxaad ka odhan doontaa, Kii wax dulmi jiray sidee buu u dhammaaday! Magaalada gabbaro qaadan jirtay sidee bay u idlaatay!
4tada dainuosite pasityčiojimo dainą apie Babilono karalių, sakydami: “Kaip nurimo prispaudėjas, auksinio miesto nebeliko!
5Rabbigu wuxuu jebiyey hangoolkii kuwa sharka leh, iyo ushii taliyayaasha.
5Viešpats sulaužė nedorėlio lazdą, jo valdovo skeptrą,
6Kii isagoo cadhaysan dadka ku dhufan jiray darbado joogta ah, oo quruumaha u talin jiray isagoo xanaaqsan waa la silciyaa iyadoo aan ciduna ka hor joogsan.
6kuris be paliovos įtūžęs plakė tautas, jas pavergė ir žiauriai persekiojo.
7Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa.
7Visa žemė nurimo ir ilsisi, linksmai dainuoja.
8Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto.
8Džiaugiasi kiparisai ir Libano kedrai, sakydami: ‘Kai tu kritai, kirtėjai nebeateina kirsti mūsų’.
9She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii.
9Pragaras sujudo pasitikti tavęs ateinančio; dėl tavęs pažadino mirusiuosius, visus žemės valdovus, pakėlė nuo sostų visus tautų karalius.
10Oo iyana dhammaantood waxay kugu odhan doonaan, War adiguna ma sidayadoo kalaad u taag gabtay? Oo ma annagoo kalaad noqotay?
10Visi jie kalbės tau: ‘Tu nusilpai kaip ir mes, tapai mums lygus!’
11Sarrayntaadii iyo dhawaaqii shareeradahaagaba waxaa hoos loogu soo dejiyey She'ool, waxaa hoos lagaaga goglay dixiri, korkana waxaa lagaa huwiyey dixiri.
11Tavo didybė nugarmėjo į pragarą su tavo styginių skambesiu. Kandys yra tavo paklodė ir kirminai užklojo tave.
12Xiddigta waaberiyow, Inanka arooryadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday!
12Kaip tu iškritai iš dangaus, Liuciferi, ryto aušros sūnau? Kaip tu kritai žemėn, kuris buvai pamynęs tautas?
13Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal.
13Tu sakei savo širdyje: ‘Aš pakilsiu į dangų, iškelsiu savo sostą aukščiau Dievo žvaigždžių, sėdėsiu dievų kalne tolimiausioje šiaurėje.
14Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale.
14Aš pakilsiu aukščiau debesų, būsiu lygus Aukščiausiajam!’
15Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yaamayska.
15Bet tu esi nublokštas į pragarą, į giliausią bedugnę.
16Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay,
16Kurie tave mato, įsižiūri ir galvoja: ‘Ar tai žmogus, prieš kurį drebėjo žemė ir karalystės?
17oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa?
17Kuris pavertė pasaulį dykuma, sugriovė miestus ir nepaleido savo belaisvių?’
18Boqorradii quruumaha oo dhammu dhammaantood sharaf bay ku jiifaan iyagoo mid kastaaba qabrigiisa ku jiro.
18Visų tautų karaliai garbingai guli savo kapuose.
19Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yaamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay.
19Tu gi išmestas iš karsto kaip bjauri šaka. Esi apdengtas kardu nužudytųjų kūnais, guli duobėje tarp akmenų, kojomis mindomas.
20Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono.
20Tu nebūsi palaidotas su kitais, nes sunaikinai savo kraštą, išžudei tautą. Niekada nebus minimi piktadario palikuonys.
21Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin.
21Išžudykite jo vaikus už tėvo nusikaltimus, kad jie nebepakiltų, neapgyvendintų krašto ir nepripildytų žemės savo miestų”.
22Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.
22“Aš eisiu prieš juos,­sako kareivijų Viešpats,­sunaikinsiu Babilono vardą ir likutį­sūnų ir vaikaitį”,­sako Viešpats.
23Oo weliba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa hantida caanaqubta iyo balliyo biyo ah, oo waxaan ku xaaqi doonaa xaaqinka baabbi'inta.
23“Paversiu jį ežių buveine ir vandens liūnu; visa iššluosiu sunaikinimo šluota”,­sako kareivijų Viešpats.
24Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qastiyey,
24Kareivijų Viešpats prisiekė: “Kaip Aš sumaniau, taip įvyks, kaip nusprendžiau, taip ir bus.
25taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.
25Aš sutraiškysiu asirus savo žemėje ir sumindžiosiu juos kalnuose. Jų jungas bus pašalintas ir jų našta nuimta nuo Izraelio pečių.
26Kanu waa qastigii loola qastiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan.
26Tai Aš sumaniau padaryti visoje žemėje ir pakėliau ranką prieš visas tautas”.
27Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qastiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?
27Kareivijų Viešpats taip nusprendė, kas tai pakeis? Jis ranką pakėlė, kas ją sulaikys?
28Sannaddii Boqor Aaxaas dhintay ayaa warkan culus la yidhi.
28Karaliaus Ahazo mirties metais buvo paskelbta:
29Reer Falastiin oo dhammow, ha ku farxin in ushii lagugu garaacay jabtay, maxaa yeelay, abeesada xididkeeda waxaa ka soo bixi doona jilbis, oo farcankiisuna wuxuu noqon doonaa masduulaa dab leh.
29“Nedžiūgauk, filistinų žeme, kad rykštė, kuri tave plakė, yra sulaužyta. Iš gyvatės šaknų augs angis, o iš angies kiaušinių­drakonas.
30Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.
30Beturčių pirmagimiai bus maitinami, neturtingieji gulės saugiai. Tavo šaknį pražudysiu badu, jis išžudys tavo likutį.
31Iriddow, barooro. Magaaladaay, ooy! Reer Falastiin oo dhammow, kulligaa cabsi la dhalaal, waayo, waxaa woqooyi ka iman doona qiiq, oo midna saaxiibbadiis kama hadhi doono.Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magan geli doonaan.
31Vartai, dejuokite! Mieste, šauk! Išsigąskite visi filistinai! Iš šiaurės atslenka dūmai, jų gretose nėra nė vieno atsiliekančio”.
32Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magan geli doonaan.
32Ką atsakyti tautos pasiuntiniams? Viešpats įkūrė Sioną, Jo tautos vargšai ras čia prieglaudą.