Somali

Lithuanian

Isaiah

23

1Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.
1Pranašavimas apie Tyrą. Raudokite Taršišo laivai, nes sunaikintas jūsų miestas, į kurį galėtumėte grįžti. Tą žinią gavome iš Kitimų.
2Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa.
2Nutilkite, gyventojai jūros pakraščių, kuriuos buvo pripildę Sidono pirkliai, plaukiojantys po jūrą.
3Biyaha badan waxaa laga keenay sarreenkii Shiixoor iyo waxa beerihii Webi Niil laga goostay oo faa'iidadeedii ahaa, oo iyadu waxay noqotay suuqii quruumaha.
3Per plačius vandenis atgabendavo Sichoro grūdus, derlių nuo upės, ir jūs buvote tautų prekyvietė.
4Siidoonay, ceebow, waayo, baddii way hadashay, oo qalcaddii baddu waxay tidhi, Anigu ma foolan, carruurna ma dhalin, barbaarrona ma korin, gabdhona ma korin.
4Susigėsk, Sidone, nes jūra kalba, jūros stiprybė sako: “Aš nebuvau nėščia ir negimdžiau, neauginau nei jaunikaičių, nei mergaičių”.
5Markii warku Masar soo gaadho aad bay warka Turos uga xanuunsan doonaan.
5Kai žinia apie Tyrą pasieks Egiptą, jie išsigandę drebės.
6Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.
6Jūros pakraščių gyventojai, plaukite į Taršišą ir raudokite!
7Tanu ma magaaladiinnii waa hore jirtay oo faraxsanayd baa oo cagaheeda meel fog u waday inay dal shisheeye degto aawadeed?
7Ar tai ne linksmasis senų senovėje įkurtas miestas? Jo kojos nuneš jį į tolimą šalį būti ateiviu.
8Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa?
8Kas tą padarė Tyrui? Jis juk buvo karališkas miestas, jo pirkliai buvo kunigaikščiai, visoje žemėje gerbiami.
9Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qastiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.
9Kareivijų Viešpats taip nusprendė, kad suvaldytų jo puikybę ir visą jo garbę, kad sugėdintų visus žemės garbinguosius.
10Reer Tarshiishow, bal dalkaaga dhex mar sida Webi Niil oo kale. Innaba wax ku celiya oo dambe ma jiraan.
10Taršišo dukterie, vaikščiok savo žemėje lyg upė, užliejanti kraštą; niekas tavęs nebevaržo.
11Isagu wuxuu gacantiisa ku fidiyey badda korkeeda, oo boqortooyooyinkiina wuu gariiriyey. Rabbigu wuxuu amar ku bixiyey in la dumiyo qalcadaha Kancaan.
11Viešpats ištiesė savo ranką virš jūros, Jis drebino karalystes. Viešpats davė įsakymą sunaikinti Kanaano tvirtoves.
12Oo isagu wuxuu yidhi, Dadka Siidoon oo ah sida bikrad la nijaaseeyeyow, mar dambe ma farxi doontid. Kac, oo xagga Kitiim u gudub, oo xataa halkaasna nasasho kama heli doontid.
12Jis sakė: “Nebesidžiauk, prispausta mergaite, Sidono dukterie! Pakilk ir plauk į Kitimus! Ir ten nerasi ramybės”.
13Bal dalka reer Kaldayiin fiiriya, dadkaasu ma jirin. Kii reer Ashuur kuwii cidlada degganaa ayuu u aasaasay, munaaradaa la dhisay, daaraheedii waaweynaana waa la dumiyey, oo baabba' buu ka dhigay.
13Štai chaldėjų šalis. Šitos tautos anksčiau nebuvo, asirai įkūrė ją dykumos gyventojams. Jie stato savo bokštus, griauna jo rūmus, paverčia jį griuvėsiais.
14Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, qalcaddiinnii waa la baabbi'iyey.
14Vaitokite, Taršišo laivai, nes jūsų tvirtovė sunaikinta.
15Oo waxay wakhtigaas noqon doontaa in Turos la illoobi doono toddobaatan sannadood, oo ah sida boqor wakhtigiis. Oo toddobaatankaas sannadood markay dhammaadaan ayaa Turos waxaa laga heesi doonaa sida dhillada oo kale.
15Tyras bus užmirštas septyniasdešimt metų. Toks yra žmogaus amžius. Po septyniasdešimties metų atsitiks Tyrui kaip dainoje apie paleistuvę:
16Dhilladii la illoobayay, kataarad qaado, oo magaalada ku dhex wareeg, oo luuq macaan luuqee, oo heeso badan hees, si lagugu soo xusuusto aawadeed.
16“Pasiimk arfą, vaikščiok po miestą, užmiršta paleistuve, dainuok meiliai ir gražiai, kad tave atsimintų”.
17Oo toddobaatanka sannadood markay dhammaadaan ayaa Rabbigu Turos soo booqan doonaa, oo waxay ku soo noqon doontaa kiradeedii, oo waxay dhulka kaga dhillaysan doontaa boqortooyooyinka dunida oo dhan.Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.
17Po septyniasdešimties metų Viešpats aplankys Tyrą. Miestas vėl grįš prie savo pelno, ištvirkaus su visomis pasaulio karalystėmis visoje žemėje.
18Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.
18Jo prekyba ir pelnas bus pašvęsta Viešpačiui. Jie nekraus atsargų sandėliuose, bet jas atiduos tarnaujantiems Viešpačiui, kad jie valgytų ir apsirengtų.