Somali

Lithuanian

Isaiah

24

1Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.
1Štai Viešpats daro žemę tuščią lyg dykumą, pakeičia jos paviršių, išsklaido jos gyventojus.
2Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan.
2Taip bus ir tautai, ir kunigui; ir vergui, ir šeimininkui; ir tarnaitei, ir jos šeimininkei; ir perkančiam, ir parduodančiam; ir skolininkui, ir skolintojui.
3Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay.
3Kraštas bus nušluotas ir nualintas, nes taip Viešpats patvarkė.
4Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan.
4Žemė liūdi ir nyksta, pasaulis visiškai sumenkėjo ir nyksta; žemės išdidieji nusilpsta.
5Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.
5Žemė suteršta jos gyventojų, nes jie nesilaikė įstatymų, iškreipė teisingumą ir sulaužė amžinąją sandorą.
6Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay.
6Todėl prakeikimas ryja žemę ir naikina jos gyventojus, todėl žemės gyventojai sudeginti ir žmonių mažai belikę.
7Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.
7Vynas gedi, vynuogės nyksta, visi, kieno buvo linksmos širdys, dūsauja.
8Farxaddii dafku way joogsatay, oo kuwii rayraynayay buuqoodiina waa dhammaaday, farxaddii kataaradduna way joogsatay.
8Linksmybės su būgneliais liovėsi, linksmųjų triukšmas pasibaigė, švelnūs arfos garsai nutilo.
9Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.
9Nebeskamba vyną geriančiųjų dainos, stiprus gėrimas apkarto jo gėrėjams.
10Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin.
10Tuštybės miestas bus sugriautas, namai užrakinti, niekas durų nebevarstys.
11Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.
11Verkia dėl vyno gatvėse; išnyko įvairios linksmybės, džiaugsmas žemėje dingo.
12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.
12Miestas ištuštėjo, vartai guli griuvėsiuose.
13Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.
13Visas kraštas bus kaip alyvmedis po vaisių nurinkimo, kaip vynuogynas po vynuogių nurinkimo.
14Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan.
14Jie pakels balsus, giedos apie Viešpaties didybę vakaruose,
15Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.
15šlovins Viešpatį rytuose ir jūros pakraščiuose Izraelio Dievo vardą.
16Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.
16Nuo žemės pakraščių girdime giedant: “Šlovė Teisiajam”. Bet aš sakau: “Vargas man, aš nebepakelsiu! Išdavikai be sąžinės­apgaudinėja, suvedžioja”.
17Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yaamays iyo dabin.
17Siaubas, duobė ir žabangai tau, žemės gyventojau!
18Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yaamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yaamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.
18Kas bėgs nuo siaubo garso, įkris į duobę; išlipęs iš duobės, pateks į žabangus; debesys atsivėrę, žemės pamatai dreba.
19Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay.
19Žemė draskyte draskoma, trinte trinama, kratyte kratoma.
20Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.
20Žemė svyruote svyruos kaip girtas, siūbuos kaip palapinė. Ją slėgs jos nusikaltimas, ji grius ir nebeatsikels.
21Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.
21Tą dieną Viešpats baus dangaus kareiviją aukštybėse ir žemės karalius žemėje.
22Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa.Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.
22Jie bus surinkti kaip belaisviai į duobę ir užrakinti; po daugelio dienų jie bus aplankyti.
23Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.
23Mėnulis paraus ir saulė susigės, nes kareivijų Viešpats šlovingai viešpataus Siono kalne, Jeruzalėje ir savo vyresniųjų akivaizdoje.