Somali

Lithuanian

Isaiah

25

1Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talo gashay.
1Viešpatie, Tu esi mano Dievas, aš aukštinsiu Tave ir girsiu Tavo vardą, nes Tu padarei nuostabių dalykų, ištikimai įvykdei, ką seniai buvai pažadėjęs.
2Waayo, waxaad magaalo ka dhigtay meel tuulan, oo magaalo deyr lehna burbur, oo daartii weynayd ee shisheeyahana waxaad ka dhigtay wax aan magaalo ahayn, oo mar dambena lama dhisi doono.
2Tu pavertei miestą akmenų krūva, tvirtoves­griuvėsiais; svetimųjų rūmų nebėra ir jie niekad nebebus atstatyti.
3Sidaas daraaddeed dadka xoogga badanu way ku ammaani doonaan, oo magaalada quruumaha laga cabsadona way ka cabsan doontaa.
3Stipri tauta šlovins Tave; galingų tautų miestai bijos Tavęs.
4Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya.
4Tu buvai stiprybė beturčiui, apsauga vargšui nelaimėje, priebėga nuo audros, ūksmė karštyje; baisiųjų rūstybė atsimušė kaip audra į sieną.
5Waxaad hoos u ridi doontaa buuqa shisheeyayaasha sida kulaylka meesha engegan oo kale. Sida hooska daruurtu kulaylka u rida ayaa kuwa laga cabsado gabaygooda hoos loo ridi doonaa.
5Kaip karštis sausoje vietoje, taip Tu sudrausi svetimųjų siautimą; kaip kaitra, nuslopinama debesų šešėliu, taip baisiųjų pergalės bus nutildytos.
6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.
6Kareivijų Viešpats šitame kalne suruoš pokylį visoms tautoms; pokylį su geriausiu maistu ir senu bei nusistovėjusiu vynu.
7Oo isagu wuxuu buurtan ku baabbi'in doonaa daboolka dadyowga oo dhan la dul saaray iyo indhashareerta quruumaha oo dhan lagu dul fidiyey.
7Jis pašalins šitame kalne šydą, kuris gaubia visas tautas ir gimines.
8Oo dhimashadana weligeed buu liqay, Sayidka Rabbiga ahuna weji kastaba ilmada wuu ka tirtiri doonaa, oo ceebta dadkiisana dhulka oo dhan wuu ka qaadi doonaa, waayo, sidaasuu Rabbigu ku hadlay.
8Jis sunaikins mirtį amžiams. Viešpats Dievas visiems nušluostys ašaras ir pašalins panieką nuo savo tautos visoje žemėje, nes taip pasakė Viešpats.
9Oo waxaa maalintaas la odhan doonaa, Bal eega, waa kan Ilaahayagu. Isagaannu sugaynay, wuuna na badbaadin doonaa. Kanu waa Rabbiga, isagaannu sugaynay, oo waxaannu ku farxi oo ku rayrayn doonnaa badbaadintiisa.
9Tuomet jie sakys: “Štai Jis, mūsų Dievas; mes laukėme Jo, ir Jis išgelbės mus. Jis yra Viešpats, kurio laukėme; džiaukimės ir džiūgaukime dėl Jo išgelbėjimo!”
10Waayo, Rabbiga gacantiisu waxay saarnaan doontaa buurtan, oo Moo'aabna meeshiisaa lagula tuman doonaa sida cawska meesha digada lagula tunto.
10Viešpaties ranka ilsėsis šitame kalne, o Moabas bus sumintas, kaip suminami šiaudai duobėje.
11Oo isna gacmihiisuu ku dhex kala fidin doonaa sida mid dabaalanaya gacmihiisa u kala fidiyo inuu dabaasho aawadeed, laakiinse Rabbigu wuxuu hoos u ridi doonaa kibirkooda iyo shuqulkii gacmahoodaba.Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.
11Jis išties savo rankas, kaip plaukikas ištiesia plaukti, ir Jis pažemins jų išdidumą kartu su jų rankų grobiu.
12Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.
12Aukštas tvirtovių sienas Jis pažemins, sugriaus ir pavers dulkėmis.