1Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira.
1Tą dieną Viešpats nubaus kietu, dideliu ir stipriu kardu leviataną, šliaužiančią ir besiraitančią gyvatę, ir nukaus jūros slibiną.
2Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.
2Tą dieną giedokite apie vynuogyną:
3Aniga Rabbiga ah ayaa ilaaliya, oo daqiiqad kastana waan waraabin doonaa. Si aan ciduna wax u yeelin ayaan habeen iyo maalinba dhawri doonaa.
3“Aš, Viešpats, esu jo sargas. Aš nuolatos laistau jį; kad jam kas nepakenktų, saugau jį dieną ir naktį.
4Aniga cadho iguma jirto. Haddii yamaarugga iyo qodxantu ay dagaal igu soo kicin lahaayeen, intaan iyaga ku kaco ayaan dhammaantood wada gubi lahaa.
4Nėra manyje rūstybės. Jei kas jame pasėtų erškėčių ir usnių, Aš įeičiau, kovočiau ir sudeginčiau juos.
5Haddii kalese xooggayga ha la qabsado, ha layla nabdo, ha layla nabdo.
5Tegu jie laikosi mano stiprybės, kad galėtų susitaikyti su manimi; ir tada jie susitaikys su manimi”.
6Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.
6Ateityje Jokūbas vėl įsišaknys, o Izraelis žaliuos ir žydės; jie pripildys visą pasaulį savo vaisių.
7Miyuu isaga wax ugu dhuftay siduu wax ugu dhuftay kuwii isaga wax ku dhuftay oo kale? Amase isaga ma la dilay sidii layntii kuwuu laayay oo kale?
7Ar Jis baudė juos, kaip jų priešai buvo baudžiami? Ar jų krito tiek, kiek jų priešų?
8Markaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay.
8Tu baudei juos nuosaikiai, kai atmetei. Jis pašalino juos savo stipriu pūstelėjimu rytų vėjo dieną.
9Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.
9Jokūbo kaltė bus atleista ir nuodėmė pašalinta, kai Jis aukurų akmenis sutrupins kaip kalkakmenius, giraičių bei atvaizdų nebeliks.
10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.
10Sustiprintas miestas bus tuščias, be gyventojų, kaip dykuma. Galvijai ganysis jame, gulės ir apgrauš jo šakas.
11Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.
11Kai jo šakos nudžius, atėjusios moterys jas nulauš ir sudegins. Tai tauta, neturinti supratimo. Todėl jos Kūrėjas nepasigailės ir nesuteiks jai malonės.
12Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa.Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.
12Tomis dienomis Viešpats kuls nuo Eufrato upės iki Egipto upelio, o jūs, izraelitai, būsite surinkti kaip grūdai.
13Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.
13Tą dieną pasigirs didysis trimitas, paliktieji Asirijos krašte bei išsklaidytieji Egipto šalyje sugrįš ir pagarbins Viešpatį šventajame Jeruzalės kalne.