1Waxaa iska hoogay taajka kibirka oo sakhraamiinta reer Efrayim, iyo ubaxa engegay ee quruxdooda weyn oo ku yaal madaxa dooxada barwaaqaysan ee kuwa khamrigu ka adkaaday.
1Vargas puikybės vainikui, Efraimo girtuokliams, vystančiai šlovingo grožio gėlei derlingame vyno įveiktųjų slėnyje.
2Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.
2Štai Viešpaties stiprusis ir galingasis kaip smarki kruša, kaip laužantis viesulas, kaip baisus lietus, kaip plūstantis vanduo užtvindys žemę.
3Oo taajka kibirka ee sakhraamiinta reer Efrayim ayaa cagaha lagula tuman doonaa,
3Jis sunaikins Efraimo girtuoklių puikybę,
4oo ubaxa engegay oo quruxdooda weyn oo ku yaal madaxa dooxada barwaaqaysanna wuxuu noqon doonaa sida berdaha beergoosadka hortiis bislaada, oo ku alla kii fiiriyaaba markuu arko iska cuno intuu gacantiisa ku jiro.
4šlovingo grožio vystančiai gėlei viduryje derlingo slėnio bus kaip ankstyvam figos vaisiui: kas jį pamato, nuskina ir suvalgo.
5Oo wakhtigaas Rabbiga ciidammadu wuxuu kuwa dadkiisa ka hadhay u ahaan doonaa taaj sharaf ah, iyo cigaal quruxsan,
5Tą dieną kareivijų Viešpats bus šlovės karūna ir gražus vainikas savo tautos likučiui;
6oo kan garsoorid u fadhiyana wuxuu u ahaan doonaa caddaalad, oo kuwa dagaalka iridda ka celiyana wuxuu u ahaan doonaa xoog.
6teisingumo dvasia teisėjui ir stiprybė kariams nugalėti priešą.
7Laakiinse kuwaasuba khamri bay ku ambadeen, oo waxay la dhacdheceen wax lagu sakhraamo. Oo wadaadkii iyo nebigiiba waxay ku ambadeen wax lagu sakhraamo, oo waxay aad ugu qasmeen khamri, oo waxay u habaabeen wax lagu sakhraamo. Riyada way ku ambadaan, oo garsooriddana way ku turunturoodaan.
7Tačiau šie apsvaigo nuo vyno, svyruoja nuo girtuokliavimo. Kunigas ir pranašas, apsvaigę nuo girtuokliavimo, nežino, ką darą. Jie klysta regėjimuose, suklumpa sprendimuose.
8Waayo, miisaskii oo dhan waxaa ka buuxsamay mantag iyo wasakh, oo xataa meel keliya oo nadiifsan lama arko.
8Visi jų stalai apvemti, nėra švarios vietos.
9Bal yuu aqoon bari doonaa? Bal yuuse warka garansiin doonaa? Ma kuwa caanihii laga gudhiyey oo naasaha laga duway baa?
9Ką Jis pamokys ir kam paaiškins girdėtą pranešimą? Ką tik nujunkytiems kūdikiams?
10Waayo, amarba amar, amarba amar baa lagu daraa, oo qaynuunba qaynuun, qaynuunba qaynuun baa lagu daraa, halkan in yar, halkaasna in yar.
10Taisyklė po taisyklės, taisyklė po taisyklės, eilutė po eilutės, eilutė po eilutės, čia truputį ir ten truputį.
11Laakiinse bushimo dad qalaad iyo af kale ayuu kula hadli doonaa dadkan
11Viešpats kalbės mikčiojančiomis lūpomis ir svetima kalba šitai tautai,
12uu markii hore ku yidhi, Tanu waa nasasho, ee kuwa daallan ku nasiya, oo tanuna waa isqabowjintii. Laakiinse inay maqlaan way diideen.
12kuriai sakė: “Tai poilsis, kur gali pailsėti pavargę, tai atgaiva”. Bet jie neklausė.
13Sidaas daraaddeed erayga Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa amar amar lagu daray, iyo amar amar lagu daray, qaynuun qaynuun lagu daray, iyo qaynuun qaynuun lagu daray, halkan in yar, halkaasna in yar, si ay intay tagaan dib ugu dhacaan, oo ay u jajabaan, oo ay dabin ugu dhacaan, oo ay u noqdaan kuwa la qabtay.
13Jiems buvo Viešpaties žodis: “Taisyklė po taisyklės, taisyklė po taisyklės, eilutė po eilutės, eilutė po eilutės, čia truputį ir ten truputį”, kad jie eitų, svyrinėtų, sukluptų, įsipainiotų ir patektų į nelaisvę.
14Haddaba sidaas daraaddeed kuwiinna wax quudhsada oo dadkan Yeruusaalem deggan u taliyow erayga Rabbiga maqla.
14Išgirskite Viešpaties žodį, jūs pasityčiotojai, kurie viešpataujate mano tautai Jeruzalėje.
15Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,
15Jūs sakote: “Mes padarėme sandorą su mirtimi ir susitarimą su mirusiųjų buveine. Atūžiantis tvanas nelies mūsų, nes melas yra mūsų priebėga ir apgaulė mus dengia”.
16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.
16Todėl taip sako Viešpats Dievas: “Štai Aš dedu Sione pamatui ištirtą akmenį, brangų pamato kertinį akmenį. Kas tiki, nesielgs skubotai.
17Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada.
17Teisingumas bus mano virvė, teisumasmano svambalas. Kruša sunaikins melo priebėgą, ir vanduo užlies slėptuvę.
18Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa.
18Tada jūsų sandora su mirtimi bus panaikinta ir susitarimas su mirusiųjų buveine nustos galioti. Atūžiantis tvanas parblokš jus.
19Oo markay dhacaysoba way idin kaxaysan doontaa, waayo, waxay dhici doontaa subax ka subax, iyo habeen iyo maalinba, oo in warka la garto waxay noqon doontaa cabsi uun.
19Kai jis praeis, nusineš jus. Jis užeis kas rytą ir kas dieną, ir kas naktį. Tai bus siaubinga žinia”.
20Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo.
20Guolis per trumpas išsitiesti, ir antklodė per siaura įsivynioti.
21Waayo, Rabbigu wuxuu u soo kici doonaa siduu Buur Feraasiim ugu kacay, oo wuxuu u cadhoon doonaa siduu dooxada Gibecoon ugu cadhooday, inuu sameeyo shuqulkiisa, waana shuqulkiisa yaabka leh, iyo inuu falintiisa falo, waana falintiisa aan la fillayn.
21Viešpats pakils kaip Peracimų kalne, kaip Gibeono slėnyje. Jis padarys darbą, savo bauginantį darbą, kaip yra nusprendęs.
22Haddaba sidaas daraaddeed ha noqonina kuwa wax quudhsada yaan waxa laydinku xidhay idinku sii adkaynine, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammada waxaan ka maqlay xukunkii baabbi'inta ee uu dhulka oo dhan la damacsan yahay.
22Nebesityčiokite, kad jūsų pančiai nebūtų stipriau suveržti! Iš Viešpaties, kareivijų Dievo, aš girdėjau apie numatytą sunaikinimą visoje žemėje.
23Dhegta ii dhiga, oo codkayga maqla, dhegaysta oo hadalkayga maqla.
23Išgirskite mano balsą, klausykite ir supraskite mano kalbą.
24Kan beerta jeexa miyuu had iyo goorba beerta u jeexaa inuu wax abuuro aawadeed? Oo miyuu had iyo goorba beertiisa sii qodaa oo sii jeexaa?
24Argi artojas kas dieną aria ir akėja, ruošdamas dirvą sėjai?
25Markuuse beerta ciiddeeda oo dhan wada simo miyuusan ku firdhin kabsarmadowda, oo miyuusan khamuunta firdhin, oo sarreenkana miyuusan safsaf u beerin, iyo shaciirkana meeshiisii, iyo heeddana xagga darafka?
25Argi, sulyginęs žemės paviršių, jis nesėja krapų, kmynų, miežių ir rugių?
26Waayo, caqligaas Ilaahiisaa ku tacliimiya, oo isaga bara.
26Dievas pamokė jį, kad išmanytų.
27Waayo, kabsarmadowda wax af leh laguma tumo, oo giringirta gaadhiguna khamuunta kuma kor wareegto, laakiinse kabsarmadowda siiqaa lagu garaacaa, oo khamuuntana ul baa lagu tumaa.
27Juk krapų ir kmynų niekas nekulia velenais. Krapus iškulia lazda ir kmynus lazdele.
28Hadhuudhka kibista waa la tumaa, laakiinse had iyo goorba siima uu tumi doono, oo ma uu burburiyo in kastoo giringirta gaadhigiisa iyo fardihiisuba ay ku tuntaan.Oo taasuna waxay ka timaadaa Rabbiga ciidammada, kaasoo xagga talada yaab miidhan ah, oo xagga xigmaddana aad ugu weyn.
28Javus duonai reikia sumalti, todėl ant jų nevažinėja velenais visą laiką ir nemindo gyvulių kanopomis.
29Oo taasuna waxay ka timaadaa Rabbiga ciidammada, kaasoo xagga talada yaab miidhan ah, oo xagga xigmaddana aad ugu weyn.
29Taip patvarkė kareivijų Viešpats; Jo patarimas yra nuostabus ir išmintis didinga.