1Waxaa iska hoogtay Arii'eel, Arii'eel oo ah magaaladii Daa'uud degay. Sannad ba sannad ku dara, oo ciiduhuna sidooda ha u soo wareegeen.
1Vargas Arieliui, miestui, kuriame gyveno Dovydas. Kasmet švęskite šventes, pjaukite aukas.
2Markaasaan Arii'eel dhibi doonaa, oo waxaa jiri doona baroor iyo oohin, oo waxay ii noqon doontaa sida Arii'eel oo kale.
2Aš užleisiu priespaudą Arieliui. Jame bus verksmas ir vaitojimas; jis bus tikras Arielis.
3Oo aniguna waan ku hareerayn doonaa, oo qalcad baan kugu weerari doonaa, oo waxaan kugu kicin doonaa tuulmooyin.
3Apgulsiu tave, apkasiu grioviais, apstatysiu apsiausties bokštais.
4Oo hoos baa laguu soo dejin doonaa, oo dhulkaad ka dhex hadli doontaa, oo hadalkaaguna isagoo gaaban ayuu ciidda ka yeedhi doonaa, oo codkaaguna wuxuu ahaan doonaa sida mid ruuxaan leh oo dhulka ka yeedhaya, oo hadalkaaguna ciidduu ka shuqshuqlayn doonaa.
4Tu būsi labai pažemintas ir iš dulkių prislopintu balsu kalbėsi. Tavo balsas bus girdimas kaip mirusiųjų dvasių iššaukėjo balsas, kaip šnabždesys iš po žemių.
5Laakiinse shisheeyahaaga badanu waxay noqon doonaan sida boodh, oo kuwa laga cabsado oo tirada badanuna waxay noqon doonaan sida buunsho sii bidaya, oo taasuna si kedis ah ayay dhaqso ugu noqon doontaa.
5Tavo priešų bus daugybė kaip dulkių ir tavo prispaudėjų gausukaip vėjo nešamų pelų. Tai įvyks visai nelauktai ir ūmai.
6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.
6Kareivijų Viešpats aplankys tave griausmu, žemės drebėjimu, audros viesulu ir ryjančia ugnies liepsna.
7Oo quruumaha badan oo Arii'eel la diriraya oo dhan, kuwaasoo iyada iyo qalcaddeeda la diriraya oo iyada dhibaba waxay noqon doonaan sida riyo ah wax habeennimo la arko.
7Kaip sapnas, kaip nakties regėjimas bus gausybė tautų, kariaujančių prieš Arielį, jį apgulusių grioviais ir bokštais.
8Oo waxay noqon doontaa sida nin gaajaysan oo ku riyooday isagoo wax cunaya, laakiinse markuu toosay arkay isagoo calooshiisu madhan tahay, amase sida nin oomman oo ku riyooday isagoo biyo cabbaya laakiinse markuu soo toosay arkay isagoo itaaldaran oo aan weli oonbeelin, oo quruumaha Buur Siyoon la diriraya oo dhammuna sidaas oo kalay wada noqon doonaan.
8Alkanas sapnuoja, kad jis valgo, bet pabudęs tebėra alkanas; arba ištroškęs sapnuoja, kad geria, o pabudęs tebėra ištroškęs. Taip bus tautoms, kurios kariaus prieš Siono kalną.
9Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.
9Nusistebėkite, pasibaisėkite ir šaukite! Jie girti, bet ne nuo vyno; svyruoja, bet ne nuo stipraus gėrimo.
10Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.
10Viešpats siuntė jums kieto miego dvasią, užmerkė jūsų akispranašus, uždengė jūsų galvasregėtojus.
11Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.
11Visi regėjimai bus jums kaip užantspauduota knyga. Jei kas paduotų ją mokančiam skaityti ir sakytų: “Paskaityk!”, tas atsakytų: “Negaliu, nes ji užantspauduota”.
12Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.
12Jei knygą paduotų nemokančiam skaityti ir jam sakytų: “Skaityk!”, jis atsakytų: “Aš nemoku skaityti”.
13Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,
13Viešpats tarė: “Kadangi ši tauta artinasi prie manęs savo burna ir pagerbia mane savo lūpomis, bet jų širdis yra toli nuo manęs ir jie mokosi bijoti manęs, klausydami žmonių priesakų,
14sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.
14tai Aš nustebinsiu šią tautą savo nuostabiu darbu. Jų išminčių išmintis pranyks, gudriųjų sumanumas pražus”.
15Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?
15Vargas tiems, kurie savo planus slepia nuo Viešpaties ir darbus daro tamsoje, galvodami: “Kas mus mato ir kas mus žino?”
16Waa sidee qalloocnaantiinnu! Dheryasameeyaha ma in lagu tiriyaa dhoobada, si wixii la sameeyey, uu kii sameeyey ka yidhaahdo, Isagu ima uu samayn, wixii la suubbiyeyna uu kii suubbiyey ka yidhaahdo, Isagu waxba garan maayo?
16Jūs iškreipiate dalykus! Argi puodžius gali būti laikomas lygiu moliui? Ar kūrinys sako apie savo kūrėją: “Jis nesukūrė manęs”? Ar daiktas kalba apie tą, kuris jį padarė: “Jis nieko nesupranta”?
17Sow in yaru kama hadhin intay Lubnaan beer midho badan u rogman doonto, oo beerta midhaha badanna duud oo kale lagu tirin doono?
17Netrukus ir Libanas taps ariama dirva, o dirvamišku.
18Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.
18Tą dieną kurtieji išgirs knygos žodžius ir aklųjų akys praregės.
19Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
19Romieji dar labiau džiaugsis Viešpačiu ir beturčiaiIzraelio Šventuoju.
20Waayo, kii wax dulmi jiray siima jiri doono, oo kii wax quudhsan jirayna wuu dhammaan doonaa, oo kuwa xumaanta suga oo dhanna way baabbi'i doonaan,
20Prispaudėjai dings ir pasityčiotojai žus; bus sunaikinti, kurie elgiasi neteisingai,
21kuwaasoo ah kuwa nin hadal aawadiis xumaanfale kaga dhiga, oo dabinka u dhiga kan iridda ku garnaqa oo kan xaqa ahna ku leexiya wax aan waxba ahayn.
21kurie apšmeižia žmogų, kurie vartuose kaltintojui spendžia spąstus ir teisųjį laiko nieku.
22Haddaba Rabbigii Ibraahim soo furtay wuxuu reer Yacquub ka leeyahay, Reer Yacquub haatan ceeboobi maayo, oo wejigiisuna mar dambe cabsi la caddaan maayo.
22Todėl Viešpats, kuris išgelbėjo Abraomą, taip sako Jokūbo namams: “Jokūbas nebebus pažemintas, jo veidas nebeišblykš.
23Laakiinse carruurtiisu markay dhexdooda ku arkaan shuqulka gacmahayga ayay magacayga quduus ka dhigi doonaan, oo waxay quduus ka dhigi doonaan kan Quduuska ah ee reer Yacquub, oo waxay ka cabsan doonaan Ilaaha reer binu Israa'iil.Oo weliba kuwa xagga ruuxa ka qaldamaa garaad bay yeelan doonaan, oo kuwa iska gunuunacaana cilmi bay baran doonaan.
23Jis matys savo vaikus, mano rankų darbą, tarp savųjų; jie pripažins šventu mano vardą ir Jokūbo Šventąjį ir bijos Izraelio Dievo.
24Oo weliba kuwa xagga ruuxa ka qaldamaa garaad bay yeelan doonaan, oo kuwa iska gunuunacaana cilmi bay baran doonaan.
24Kurie klydo dvasioje, susipras, kurie buvo nepatenkinti, priims pamokymą”.