Somali

Lithuanian

Isaiah

39

1Waagaas Merodag Baladaan oo ahaa ina Baladaan, oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay inuu bukay oo haddana bogsaday.
1Tuo metu Merodach Baladanas, Baladano sūnus, Babilono karalius, atsiuntė pasiuntinius su laišku ir dovanomis Ezekijui, nes jis girdėjo, kad tas sirgo ir pasveiko.
2Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
2Ezekijas džiaugėsi ir parodė jiems visus savo namų turtus: sidabrą, auksą, kvepalus, brangius aliejus, ginklus ir visa, kas buvo sandėliuose. Nebuvo nieko jo namuose, ko Ezekijas nebūtų jiems parodęs.
3Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
3Pranašas Izaijas atėjo pas karalių Ezekiją ir klausė: “Ką sakė tie vyrai? Iš kur jie atėjo?” Ezekijas atsakė: “Jie atėjo iš tolimo krašto, iš Babilono”.
4Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
4Jis klausė: “Ką jie matė tavo namuose?” Ezekijas atsakė: “Jie matė viską, kas yra mano namuose; nėra nieko, ko nebūčiau jiems parodęs”.
5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.
5Tada pranašas Izaijas tarė: “Klausykis kareivijų Viešpaties žodžio:
6Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
6‘Ateis dienos, kai visa, kas yra tavo namuose, ką tavo tėvai sukrovė iki šios dienos, bus išgabenta į Babiloną. Nieko nebus palikta,­sako Viešpats.­
7Wiilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.
7Net kai kuriuos iš tavo sūnų paims, išsives ir jie bus eunuchais Babilono karaliaus rūmuose’ ”.
8Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.
8Ezekijas atsakė Izaijui: “Viešpaties žodis, kurį tu kalbėjai, yra geras”. Ir jis pridūrė: “Kad tik mano dienomis būtų taika ir saugumas”.