1Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah ina Aamoos u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid.
1Tomis dienomis Ezekijas mirtinai susirgo. Pas jį atėjo pranašas Izaijas, Amoco sūnus, ir jam tarė: “Taip sako Viešpats: ‘Sutvarkyk savo namus, nes tu nebepasveiksi, bet mirsi’ ”.
2Markaasaa Xisqiyaah wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay oo yidhi,
2Ezekijas nusigręžė į sieną ir meldėsi:
3Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
3“Viešpatie, meldžiu Tave, atsimink, kad aš teisingai ir tobula širdimi vaikščiojau prieš Tave ir dariau gera Tavo akyse”. Ir Ezekijas graudžiai verkė.
4Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi,
4Viešpaties žodis buvo suteiktas Izaijui:
5Tag, oo waxaad Xisqiyaah ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood.
5“Eik ir sakyk Ezekijui: ‘Taip sako Viešpats, tavo tėvo Dovydo Dievas: ‘Aš girdėjau tavo maldą ir mačiau tavo ašaras. Aš pridėsiu tau dar penkiolika metų
6Oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo magaaladanna waan daafici doonaa.
6ir išgelbėsiu tave ir šitą miestą iš Asirijos karaliaus rankų.
7Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan:
7Tau bus šis Viešpaties ženklas, kad Viešpats įvykdys, ką pažadėjo.
8bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.
8Aš pastumsiu Ahazo saulės laikrodžio šešėlį atgal dešimčia laipsnių’ ”. Saulė sugrįžo dešimčia laipsnių atgal, kuriuos buvo nuėjusi.
9Kanu waa qorniinkii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo uu qoray markuu bukay, oo uu haddana cudurkiisii ka bogsaday.
9Ezekijas, Judo karalius, pagijęs iš savo ligos, parašė:
10Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.
10“Aš maniau, jog, įpusėjus mano amžiui, turėsiu eiti į mirusiųjų buveinę. Aš pasigendu savo likusių metų.
11Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga, Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan.
11Aš tariau: ‘Nebematysiu Viešpaties gyvųjų žemėje, nebepamatysiu daugiau pasaulio gyventojų’.
12Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
12Mano metai praėjo ir pašalinti nuo manęs kaip piemenų palapinė; mano gyvenimas kaip audėjo rietimas suriestas ir iš staklių išimtas. Dieną ir naktį Tu vedi mane į pabaigą.
13Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
13Aš laukiau iki ryto. Jis kaip liūtas sutrupino visus mano kaulus pirmiau, negu diena pasibaigė ir atėjo naktis.
14Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
14Aš čirškiu kaip kregždė, burkuoju kaip balandis. Mano akys nusilpo, bežiūrėdamos aukštyn. Viešpatie, aš prislėgtas, padėk man.
15Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.
15Ką aš galiu bekalbėti ir besakyti? Jis davė man pažadą ir jį įvykdė. Aš tyliai gyvensiu visus likusius savo metus savo sielos apkartime.
16Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay, Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan. Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.
16Viešpatie, tuo žmogus yra gyvas ir tai yra mano dvasios gyvybė. Tu išgydysi mane ir suteiksi man gyvenimą.
17Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay, Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yaamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay, Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.
17Štai apkartimas man pavirto ramybe. Tu išgelbėjai mano gyvybę nuo duobės ir sunaikinimo, visas mano nuodėmes numetei sau už nugaros.
18Waayo, She'ool kuguma mahad naqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto, Oo kuwa yaamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan.
18Mirusiųjų pasaulis Tau nedėkoja ir mirtis nešlovina Tavęs. Kurie žengia į duobę, nebesitiki Tavo ištikimybės.
19Kan nool, kan nool oo keliya ayaa kugu mahad naqi doona sidaan aniguba maanta yeelayo. Aabbuhu wuxuu runtaada ogeysiin doonaa carruurtiisa.
19Gyvieji giria Tave, kaip ir aš šiandien. Tėvas pasakoja vaikams apie Tavo ištikimybę.
20Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo, Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.
20Viešpatie, gelbėk mane, tuomet aš visą savo gyvenimą Viešpaties šventykloje giedosiu ir skambinsiu”.
21Nebi Ishacyaah wuxuu yidhi, Ha la qaado fud berde ah, oo kasoobaxa ha la saaro, oo isna wuu bogsan doonaa.Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?
21Izaijas liepė uždėti gabalėlį figos ant voties, kad karalius pasveiktų.
22Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?
22Ezekijas klausė: “Koks yra ženklas, kad įeisiu į Viešpaties namus?”