Somali

Lithuanian

Isaiah

37

1Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
1Tai išgirdęs, karalius Ezekijas perplėšė savo rūbus, apsirengė ašutine ir nuėjo į Viešpaties namus.
2Markaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
2Jis nusiuntė rūmų viršininką Eljakimą, raštininką Šebną ir vyresniuosius kunigus, apsirengusius ašutinėmis, pas pranašą Izaiją, Amoco sūnų.
3Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.
3Jie kalbėjo jam: “Taip sako Ezekijas: ‘Šita diena yra bausmės, pažeminimo ir gėdos diena. Atėjo laikas gimdyti, bet nėra jėgų.
4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.
4Gal Viešpats, tavo Dievas, išgirs žodžius Rabšakės, kurį Asirijos karalius siuntė niekinti gyvąjį Dievą, ir sudraus už žodžius, kuriuos Viešpats, tavo Dievas, girdėjo. Melskis už tuos, kurie yra likę’ ”.
5Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.
5Karaliaus Ezekijo tarnai atėjo pas Izaiją.
6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.
6Ir Izaijas kalbėjo jiems: “Sakykite savo valdovui: ‘Taip sako Viešpats: ‘Neišsigąsk girdėtų žodžių, kuriais Asirijos karaliaus tarnai man piktžodžiavo.
7Bal ogow, jinni baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
7Štai Aš pasiųsiu jam dvasią, ir jis, išgirdęs žinią, grįš į savo šalį ir ten bus nužudytas’ ”.
8Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.
8Rabšakė sugrįžęs rado Asirijos karalių kariaujantį prieš Libną, nes jis girdėjo, kad šis pasitraukė nuo Lachišo.
9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,
9Jis išgirdo sakant apie Etiopijos karalių Tirhaką: “Jis ateina kovoti prieš tave”. Tai išgirdęs, jis siuntė pasiuntinius pas Ezekiją ir įsakė:
10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
10“Taip sakykite Ezekijui, Judo karaliui: ‘Teneapgauna tavęs tavo Dievas, kuriuo pasitiki, sakydamas: ‘Jeruzalė nebus atiduota į Asirijos karaliaus rankas’.
11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?
11Tu girdėjai, ką Asirijos karaliai padarė visose šalyse, jas visai sunaikindami. Nejaugi tu būsi išgelbėtas?
12Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
12Argi tų tautų, kurias mano tėvai sunaikino, dievai išgelbėjo Gozaną, Charaną, Recefą ir Edeno vaikus, gyvenusius Telasare?
13Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah?
13Kur yra Hamato, Arpado, Sefarvaimų, Henos ir Ivos miestų karaliai?’ ”
14Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
14Ezekijas paėmė laišką iš pasiuntinių ir perskaitė jį. Po to, nuėjęs į Viešpaties namus, išskleidė jį Viešpaties akivaizdoje.
15Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,
15Ezekijas meldėsi, sakydamas:
16Rabbiyow, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iil, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
16“Kareivijų Viešpatie, Izraelio Dieve, kuris gyveni tarp cherubų. Tu vienas esi visų žemės karalysčių Dievas, Tu sukūrei dangų ir žemę.
17Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.
17Palenk, Viešpatie, savo ausį ir išgirsk. Atverk, Viešpatie, savo akis ir pamatyk. Išgirsk visus Sanheribo žodžius, kuriais jis niekino gyvąjį Dievą.
18Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,
18Tai tiesa, Viešpatie, kad Asirijos karaliai išnaikino tautas ir jų šalis.
19oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
19Jie sudegino jų dievus, nes jie nebuvo dievai, tik žmonių rankų darbas­medis ir akmuo,­todėl jie juos sunaikino.
20Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay.
20Dabar, Viešpatie, mūsų Dieve, išgelbėk mus iš jo rankų, kad visos žemės karalystės žinotų, jog Tu vienas esi Viešpats”.
21Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,
21Tada Izaijas, Amoco sūnus, pasiuntė pas Ezekiją, sakydamas: “Taip sako Viešpats, Izraelio Dievas, apie Sanheribą, Asirijos karalių.
22taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
22Štai Viešpaties žodis, kurį Jis kalbėjo apie jį: ‘Mergelė, Siono dukra, paniekino tave ir pasityčiojo iš tavęs. Jeruzalės dukra kraipo galvą dėl tavęs.
23Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
23Ką tu niekinai ir prieš ką piktžodžiavai? Prieš ką išdidžiai pakėlei balsą ir savo akis? Prieš Izraelio Šventąjį!
24Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
24Per savo tarnus tu niekinai Viešpatį ir sakei: ‘Su daugybe kovos vežimų aš pasikėliau į kalnų aukštumas, Libano aukščiausias vietas. Aš iškirsiu jo aukštuosius kedrus, gražiausius kiparisus. Aš pasieksiu pačią aukštumą, Karmelio mišką.
25Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
25Aš kasiau šulinius ir gėriau vandenį; savo kojų padais išdžiovinau upes apsiausties vietose’.
26War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.
26Argi negirdėjai? Jau seniai Aš tai padariau, labai seniai tai paruošiau, tik dabar įvykdžiau, kad tu galėtum sustiprintus miestus paversti griuvėsių krūvomis.
27Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
27Todėl jų gyventojai bejėgiai, jie nusigando ir susigėdo, jie tapo kaip lauko žolė, kaip gležna žolė ant stogų, kuri nudžiūna neužaugusi.
28Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.
28Aš žinau, kaip tu gyveni, kaip tu įeini ir išeini, kaip tu siautėji prieš mane.
29Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
29Kadangi tavo siautėjimas prieš mane ir tavo pasipūtimas pasiekė mano ausis, Aš įversiu savo grandį į tavo šnerves ir tave pažabosiu, ir vesiu tave atgal keliu, kuriuo atėjai’.
30Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
30Tau bus toks ženklas: šiais metais valgyk, ką randi, kitais metais maitinkis tuo, kas užaugs savaime; o trečiais metais sėkite ir pjaukite, sodinkite vynuogynus ir valgykite jų vaisus.
31Markaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
31Judo namų likutis vėl leis šaknis apačioje ir neš vaisių viršuje.
32Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.
32Iš Jeruzalės išeis išlikusieji, iš Siono kalno išgelbėtieji. Tai darys kareivijų Viešpaties uolumas.
33Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
33Todėl taip sako Viešpats apie Asirijos karalių: ‘Jis neįeis į šį miestą ir nepaleis į jį nė vienos strėlės, neateis prieš jį su skydais ir nesupils pylimo aplink jį.
34Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.
34Jis sugrįš tuo pačiu keliu, kuriuo atėjo, ir į miestą neįsiverš,­ sako Viešpats.­
35Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
35Aš apginsiu šitą miestą ir išgelbėsiu jį dėl savęs ir dėl mano tarno Dovydo’ ”.
36Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
36Viešpaties angelas išėjo ir išžudė asirų stovykloje šimtą aštuoniasdešimt penkis tūkstančius. Kai jie atsikėlė anksti rytą, visur buvo pilna lavonų.
37Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
37Asirijos karalius Sanheribas pasitraukė ir grįžo į Ninevę.
38Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
38Kai jis garbino savo dievo Nisrocho namuose, jo sūnūs Adramelechas ir Sareceras nužudė jį kardu ir pabėgo į Armėnijos kraštą. Jo sūnus Asarhadonas karaliavo jo vietoje.