1Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
1Keturioliktais karaliaus Ezekijo metais Asirijos karalius Sanheribas puolė visus sustiprintus Judo miestus ir juos paėmė.
2Oo boqorkii Ashuurna wuxuu Laakiish ka diray Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo wuxuu is ag taagay biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
2Asirijos karalius siuntė Rabšakę iš Lachišo į Jeruzalę pas karalių Ezekiją su didele kariuomene. Jis sustojo prie aukštutinio vandentiekio tvenkinio, vėlėjo lauke.
3Oo markaasaa waxaa u soo baxay Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraaniga ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
3Pas jį išėjo Hilkijo sūnus Eljakimas, rūmų viršininkas, raštininkas Šebna ir metraštininkas Joachas, Asafo sūnus.
4Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
4Rabšakė jiems tarė: “Taip sakykite Ezekijui: ‘Taip sako didysis karalius, Asirijos karalius: ‘Kuo remiasi tavo pasitikėjimas?
5Waxaan kugu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Dagaal waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiin afka uun baad ku tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
5Tu kalbi tuščius žodžius, o karui reikalingas patarimas ir jėga. Kuo pasitiki, kad maištauji prieš mane?
6Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
6Ar ketini atsiremti į Egiptą, šitą sulūžusią nendrę? Kas į ją atsiremia, tam ji įsminga į ranką ir perduria ją. Toks yra faraonas, Egipto karalius, visiems, kurie juo pasitiki.
7Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
7Jei tu sakysi: ‘Mes pasitikime Viešpačiu, savo Dievu’, tai ar ne Jo aukštumas ir aukurus Ezekijas pašalino ir įsakė Judui ir Jeruzalei: ‘Jūs garbinkite prie šito aukuro’.
8Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
8Taigi dabar lenktyniauk su mano valdovu, Asirijos karaliumi; aš tau duosiu du tūkstančius žirgų, jei tu surinksi tiek raitelių ant jų joti.
9Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
9Ar gali pasipriešinti silpniausiam mano valdovo tarnų būriui, nors ir pasitiki Egipto kovos vežimais ir raiteliais?
10Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
10Argi aš be Viešpaties atėjau į šį kraštą jo sunaikinti? Viešpats man įsakė: ‘Eik ir sunaikink tą kraštą’ ”.
11Markaasaa Elyaaqiim iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, waayo, isagaannu garanaynaa, oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
11Tada Eljakimas, Šebna ir Joachas sakė Rabšakei: “Kalbėk su savo tarnais aramėjiškai, mes suprantame; nekalbėk su mumis žydiškai, girdint žmonėms ant sienų”.
12Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka erayadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay xaarkooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
12Rabšakė atsakė: “Ar mano valdovas siuntė mane tik pas tavo valdovą ir tave kalbėti šiuos žodžius? Ar ne pas tuos vyrus, kurie sėdi ant sienos, kad valgytų su jumis savo pačių išmatas bei gertų savo šlapimą?”
13Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
13Tada Rabšakė atsistojo ir garsiai šaukė žydiškai: “Klausykite didžiojo karaliaus, Asirijos karaliaus žodžių!
14Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo.
14Taip sako karalius: ‘Nesiduokite Ezekijo suvedžiojami, nes jis neišgelbės jūsų.
15Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
15Teneįtikina Ezekijas jūsų pasitikėti Viešpačiu, sakydamas: ‘Viešpats tikrai išgelbės mus ir šito miesto neatiduos į Asirijos karaliaus rankas’.
16Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
16Neklausykite Ezekijo, nes taip sako Asirijos karalius: ‘Padarykite su manimi sutartį ir išeikite pas mane, tuomet kiekvienas valgysite nuo savo vynmedžio ir nuo savo figmedžio bei gersite vandenį iš savo šulinio,
17intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal kibis iyo beerocanab leh.
17kol aš ateisiu ir išvesiu jus į kraštą, panašų į jūsų, pilną javų ir vyno, duonos ir vynuogių.
18Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
18Nesiduokite Ezekijo suklaidinami, kai jis kalba: ‘Viešpats išgelbės mus’. Argi kuris nors iš tautų dievų išgelbėjo savo kraštą iš Asirijos karaliaus rankos?
19Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
19Kur yra Hamato ir Arpado dievai? Kur Sefarvaimų dievai? Argi jie išgelbėjo Samariją iš mano rankos?
20Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
20Kuris visų šitų kraštų dievas išgelbėjo savo kraštą iš mano rankos, kad Viešpats išgelbėtų Jeruzalę?’ ”
21Laakiinse way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
21Jie visi tylėjo ir neatsakė nė žodžio, nes karalius buvo įsakęs: “Neatsakykite jam”.
22Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
22Eljakimas, Hilkijo sūnus, rūmų viršininkas, raštininkas Šebna ir Joachas, Asafo sūnus, metraštininkas, atėjo pas Ezekiją su perplėštais rūbais ir perdavė jam Rabšakės žodžius.