1Cidlada iyo dhulka engeganuba way farxi doonaan, oo lamadegaankuna wuu rayrayn doonaa, oo wuxuu u magooli doonaa sida ubaxnarjiska.
1Tyrai ir dykumos džiūgaus, stepės pražys pievų gėlėmis;
2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.
2ji žydės, bus linksma, džiaugsis ir giedos. Jai teks Libano šlovė, Karmelio ir Sarono grožis. Taip, jie matys Viešpaties šlovę ir Dievo didybę.
3Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya.
3Sustiprinkite suglebusias rankas ir klumpančius kelius.
4Kuwa qalbigoodu cabsanayo waxaad ku tidhaahdaan, Xoog yeesha oo ha cabsanina, waayo, Ilaahiinnu wuxuu la iman doonaa aarsasho iyo abaalmarintii Ilaah, wuu iman doonaa, wuuna idin badbaadin doonaa.
4Sakykite išsigandusioms širdims: “Būkite drąsūs ir nebijokite. Štai jūsų Dievas atkeršys ir atlygins. Jis ateis ir išgelbės jus”.
5Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa.
5Tada aklųjų akys atsimerks ir kurčiųjų ausys atsivers.
6Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.
6Tada raišas šokinės kaip briedis ir nebylys giedos. Vanduo trykš dykumoje ir upeliai tekės stepėse.
7Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.
7Sausoje žemėje ežerai, išdžiūvusiojevandens šaltiniai. Kur šakalai gyveno, augs nendrės ir meldai.
8Oo waxaa halkaas jiri doona jid weyn, oo waxaa jidka loo bixin doonaa Jidkii Quduusnimada, kuwa aan daahirsanaynuna ma mari doonaan, laakiinse waxaa leh kuwa isaga jidka la socda, oo xataa nacasyaduna kuma qaldami doonaan.
8Ten eis kelias, vadinamas Šventu keliu, kuriuo nevaikščios niekas nešvarus.
9Oo halkaas libaax ma jiri doono, oo bahal dugaag ahuna ma mari doono, oo innaba iyaga halkaas lagama heli doono, laakiinse waxaa jidkaas mari doona kuwa la soo furtay.Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.
9Čia nesimaišys liūtas, ir joks plėšrus žvėris nevaikštinės juo; išpirktieji keliaus juo.
10Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.
10Viešpaties išlaisvintieji sugrįš ir eis į Sioną giedodami; amžina linksmybė vainikuos jų galvas. Jie džiaugsis ir linksminsis, vaitojimo ir dūsavimo nebebus.