Somali

Lithuanian

Isaiah

34

1Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen.
1Priartėkite, tautos, klausykitės, pagonys, teišgirsta žemė ir visa, kas joje, pasaulis ir visa, kas iš jo kyla.
2Waayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo.
2Viešpats rūstauja ant tautų, grasina jų kariuomenėms. Jis pasmerkė jas, paskyrė jas sunaikinti.
3Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona.
3Užmuštieji bus išmesti, jų lavonai dvoks, kalnai mirks jų kraujyje.
4Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo.
4Dangaus kareivijos sutirps, dangus bus suvyniotas kaip knyga. Lyg vynmedžio ir figmedžio suvytę lapai krinta jo pulkai.
5Waayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto.
5Mano kardas bus nuplautas danguje, jis nusileis Idumėjos teismui, ant mano prakeiktos tautos.
6Waayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn.
6Viešpaties kardas suteptas krauju, aptekęs taukais. Jis suteptas avinėlių ir ožių krauju, aptekęs avinų inkstų taukais. Viešpaties auka Bocroje, didelės skerdynės Idumėjoje.
7Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa.
7Čia krinta stumbrai drauge su jaučiais ir buliais. Žemė yra permirkus krauju, dirva pilna taukų.
8Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.
8Tai Viešpaties keršto diena, atlyginimo metai už Siono skriaudą.
9Oo durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya.
9Upeliai pavirs derva, žemė­siera, kraštas degs kaip derva.
10Oo habeen iyo maalinba lama demin doono, oo qiiqiisuna weligiisba kor buu u bixi doonaa, oo tan iyo ab ka abna cidla ayuu ahaan doonaa, oo weligiis iyo weligiisba ciduna ma dhex mari doonto.
10Dieną ir naktį ji degs, dūmai rūks amžinai. Kartų kartoms kraštas liks tyrlaukiu, niekas juo nekeliaus.
11Laakiinse waxaa iska hantiyi doona cantalyaaga iyo caanaqubta, oo waxaa dhexdiisa degganaan doona guumays iyo tuke, oo isna wuxuu korkiisa ku fidin doonaa xadhigga qiyaaseed ee qasnaanta, iyo xadhigga miisaanka leh ee baabbi'inta.
11Ten gyvens vanagas ir ežys, įsikurs pelėda ir varnas. Viešpats išties sumaišties virvę ir ištuštėjimo svambalą.
12Raggiisa gobta ah waxaa loogu yeedhi doonaa boqortooyada, laakiinse midkoodna halkaas ma joogi doono, oo amiirradiisa oo dhammuna waxba ma ay ahaan doonaan.
12Nebeliks kilmingųjų, kurie galėtų karaliauti, visi kunigaikščiai taps niekas.
13Oo daarihiisa waaweynna waxaa ka soo bixi doona qodxan, oo qalcadihiisana waxaa ka soo bixi doona maraboob iyo yamaarug, oo waxay noqon doonaan dawacooyin rugtood, iyo barxad gorayo daaqdo.
13Rūmuose augs erškėčiai, tvirtovėse­dilgėlės ir usnys. Čia gyvens šakalai ir stručiai.
14Oo xayawaanka lamadegaankuna waxay halkaas kula kulmi doonaan yeyda, bahalka dhogorta dheer lehna wuxuu u qaylin doonaa wadaygiis, oo guumaysuhuna halkaasay degi doonaan, oo waxay nafsaddooda u heli doonaan meel ay ku nastaan.
14Ten susitiks vilkai su hienomis, satyrai šauks vienas kitam. Nakties šmėklos ten susiras sau poilsio vietą.
15Oo abeesaduna halkaasay buul ka samaysan doontaa, oo ukunteeda ku dhali doontaa, oo ku dillaacin doontaa, oo waxay ku soo ururin doontaa hooskeeda, oo gorgoraduna halkaasay ku soo ururi doonaan, oo mid kastaaba waxay la jiri doontaa ka qaba.
15Gyvatės turės ten lizdus ir saugos savo vaikus; ten rinksis ir būriuosis maitvanagiai.
16Bal doondoona kitaabka Rabbiga oo akhriya. Waxyaalahaas miduna kama baaqan doonto, oo midunaba ka qaba ma waayi doonto, waayo, Rabbiga afkiisaa amray oo waxaa iyaga soo ururiyey Ruuxiisa.Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.
16Skaitykite ir tyrinėkite Viešpaties raštus­visi susirinks, kaip pasakyta. Viešpats taip pasakė, ir Jo dvasia juos surinks.
17Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.
17Jis metė burtą, matavimo virve padalino jiems kraštą. Jie paveldės jį amžiams ir per kartų kartas gyvens tame krašte.