1Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa.
1Vargas tau, naikintojau, kurio niekas nenaikina. Tu apgaulingai elgiesi, o tavęs niekas neapgaudinėja. Kai baigsi naikinti, pats būsi sunaikintas, ir kai baigsi apgaudinėti, tave apgaus.
2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.
2Viešpatie, būk mums maloningas, mes laukiame Tavęs. Būk mūsų ranka kas rytą, išgelbėk nelaimės metu.
3Buuqa gurdanka ayaa dadyowgii ka carareen, oo sarajoogsigaaga ayay quruumihii la kala firdheen.
3Tautos bėga nuo triukšmo; kai Tu pakyliišsisklaido giminės.
4Oo boolidiinna waxaa loo soo urursan doonaa sida diirtu wax u urursato oo kale, oo waxaa loogu boodi doonaa sida ayaxu ugu boodboodo oo kale.
4Jų grobis sunyks lyg skėrių sunaikintas derlius.
5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.
5Viešpats yra išaukštintas, nes Jis gyvena aukštybėje. Jis pripildė Sioną teisingumu ir teisumu.
6Oo wakhtigaaguna wuxuu ahaan doonaa ammaan, iyo badbaado, iyo xigmad, iyo aqoon miidhan, oo cabsida Rabbiguna waxay tahay khasnaddiisa.
6Jis duos laikus, saugius išgelbėjimo jėga, išmintimi, pažinimu. Viešpaties baimė bus jų turtas.
7Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan.
7Štai karžygiai rauda lauke, taikos pasiuntiniai graudžiai verkia.
8Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo.
8Keliai ištuštėjo, keliautojai išnyko. Jis sulaužė sandorą, miestus sunaikino, žmonėmis nesirūpina.
9Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan.
9Kraštas liūdi ir nyksta: Libanas apleistas ir sunykęs, Saronas pavirto dykuma, Bašano ir Karmelio lapai nukrito.
10Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.
10Viešpats sako: “Dabar Aš kelsiuos ir būsiu išaukštintas.
11Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.
11Jūs pastojote šienu ir pagimdysite šiaudus. Jūsų kvapas sunaikins jus kaip ugnis.
12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.
12Tautos bus kaip išdegtos kalkės, kaip nupjauti erškėčiai bus sudegintos ugnimi.
13Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.
13Išgirskite toli esantys, ką Aš padariau, arti esantys supraskite mano galią”.
14Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?
14Siono nusidėjėliai išsigandę, veidmainiai dreba: “Kas gali gyventi prie viską ryjančios ugnies? Kas gali gyventi prie amžino karščio?”
15Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,
15Kas vaikšto teisiai ir kalba tiesą, kas paniekina priespaudos pelną, kas neima kyšių, kas užsikemša ausis ir nesiklauso kraują praliejančių, kas užmerkia akis ir nesigėri piktybėmis,
16kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.
16tas gyvens aukštumose; jo apsaugos pilis bus aukštose uolose, jis turės duonos ir jo vanduo neišseks.
17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.
17Tavo akys matys karalių jo grožybėje, jos matys tolimą šalį.
18Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray?
18Tu prisiminsi siaubo laikus: “Kur dingo mokesčių skaičiuotojas ir svėrėjas? Kur yra skaičiavęs bokštus?”
19Mar dambe ma aad arki doontid dadka cadhada kulul, ee uusan hadalkoodu kuu dhicin, oo leh af qalaad oo aadan innaba garan karin.
19Tu nebematysi žiaurios tautos, tautos, kurios kalbos nesupranti, mikčiojančio liežuvio, kuris tau svetimas.
20Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.
20Žvelk į Sioną, mūsų iškilmių miestą. Tavo akys tesidžiaugia Jeruzale: tvirtais pastatais, nesugriaunama palapine, kurios stulpai nepašalinami ir virvės nesutraukomos.
21Laakiinse Rabbiga haybadda badanu wuxuu halkaas inoogu noqon doonaa meel webiyo ballaadhan iyo durdurro leh, oo ayan huuriyo seeb lahu mari doonin, oo aan doonniyaha waaweynuna dhaafi doonin.
21Šlovingas Viešpats yra mūsų gyrius ir plačių srovių versmė. Čia nepasirodys irkluotojų valtis ir neplauks išdidus laivas.
22Waayo, Rabbigu waa xaakinkeenna, oo Rabbigu waa taliyaheenna, oo Rabbigu waa boqorkeenna wuuna ina badbaadin doonaa.
22Viešpats yra mūsų teisėjas, Viešpatsmūsų valdovas, Viešpats mūsų karalius; Jis išgelbės mus.
23Xadhkihii way dabceen, oo salka daqalkiina lama xoojin karin, shiraaqiina lama kala fidin karin, markaasaa waxaa la qaybsaday booli badan, oo curyaankuna wixii la dhacay buu qaatay.Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.
23Tavo virvės atsileidusios; jos tvirtai nebelaiko stiebo savo vietoje nei išpūstų burių. Tada bus dalinamas didelis grobis, net raišieji gaus dalį.
24Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.
24Nė vienas iš gyventojų nesakys: “Aš sergu”. Žmonėms, kurie čia gyvens, bus atleistos kaltės.