1Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.
1Štai karalius karaliaus teisume ir kunigaikščiai valdys teisingai.
2Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.
2Kiekvienas iš jų bus kaip prieglauda nuo vėjo ar apsauga audroje: kaip vandens upeliai dykumoje ir kaip didelės uolos šešėlis tyruose.
3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.
3Reginčiųjų akys matys ir girdinčiųjų ausys atidžiai klausysis.
4Oo kuwa wax walba ku degdega qalbigoodu aqoontuu garan doonaa, oo kuwa gangada leh carrabkooduna wuxuu diyaar u ahaan doonaa inuu bayaan u hadlo.
4Lengvabūdžiai supras pažinimą ir mikčiojančiųjų kalba bus aiški.
5Oo mar dambe lama odhan doono, Nacasku waa gob, oo lama odhan doono, Xoolocirdoonku waa deeqsi.
5Kvailio nebevadins kilniu, apgavikogarbingu.
6Waayo, nacasku nacasnimuu ku hadli doonaa, oo qalbigiisuna xumaan buu samayn doonaa si uu cibaadala'aan ugu isticmaalo oo uu wax been ah Rabbiga ka sheego, inuu nafta gaajaysan sii madhiyo oo uu kii oomman cabniinkiisa gooyo.
6Kvailys kalba kvailystes, jo širdis siekia neteisybės. Jis veidmainiauja ir kalba neteisingai apie Viešpatį. Jis nepavalgydina alkano ir nepagirdo ištroškusio.
7Oo xoolocirdoonka hubkiisuna waa shar miidhan, oo wuxuu hindisaa hindisayaal shar ah si uu masaakiinta erayo been ah ugu baabbi'iyo, xataa haddii saboolku si qumman u hadlo.
7Apgaviko sumanymai yra pikti, jis galvoja pakenkti vargšui teisme savo melais, nors beturtis ir kalba teisybę.
8Laakiinse deeqsigu wuxuu hindisaa waxyaalo deeqsinimo ah, oo wuxuu ku sii adkaan doonaa waxyaalo deeqsinimo ah.
8Kilnus galvoja kilniai ir gina teisingumą.
9Naagaha istareexsanow, kaca, oo codkayga maqla, gabdhaha aan digtoonaynow, Erayga dhegta u dhiga.
9Jūs, nerūpestingos moterys, klausykite mano balso; jūs, savimi pasitikinčios dukros, išgirskite mano kalbą.
10Naagaha aan digtoonaynow, sannad iyo dhawr maalmood ayaad dhibtoon doontaan, waayo, canabguriddu ma jiri doonto oo midho-urursiguna ma iman doono.
10Metams praėjus, jūs, savimi pasitikinčios, išsigąsite, nes niekas vynuogių neberinks ir sodų vaisių nebeskins.
11Naagaha istareexsanow, gariira, oo kuwiinna aan digtoonaynow, dhibtooda. Ismudhxiya, oo isqaawiya, oo dhar joonyad ah dhexda ku xidha.
11Išsigąskite ir drebėkite. Nusirenkite ir apsisiauskite ašutinėmis.
12Beerihii wanaagsanaa iyo canabkii midhaha badnaa ee la waayay aawadood ayay naasahooda u garaaci doonaan.
12Muškitės į krūtinę ir dejuokite, apgailėdamos gražius laukus ir derlingus vynuogynus.
13Oo dalka dadkayga iyo xataa guryaha farxadda oo magaalooyinka faraxsan ku yaal oo dhan waxaa ka soo bixi doona qodxan iyo yamaarug,
13Mano tautos derlingoje dirvoje ir gyvybės pilno miesto namų vietoje žels erškėčiai ir augs usnys.
14maxaa yeelay, daarta boqornimada waa laga tegi doonaa, oo magaalada dadka badanna waa laga kici doonaa, oo buurta iyo munaaradduna waxay weligood ahaan doonaan godad dugaag, iyo farxad dameer banjoog ah, iyo daaqsin idaad,
14Rūmai ištuštės, miesto triukšmas nutils, kalva ir stebėjimo bokštas virs lauku, kuriuo džiaugsis laukiniai asilai ir ganysis bandos.
15ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.
15Taip pasiliks, iki dvasia iš aukšto bus išlieta. Tada dykumos taps derlingais laukais ir miškais;
16Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan.
16teisingumas gyvens dykumoje ir teisumas pasiliks derlinguose laukuose.
17Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni.
17Teisumo darbas bus taika, jo pasekmėramybė ir pasitikėjimas.
18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.
18Mano tauta gyvens ramioje vietoje ir saugiuose namuose,
19Laakiinse roobdhagaxyaale ahu wuxuu ku soo degi doonaa duudda, oo magaaladana hoos baa loo soo dejin doonaa.Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.
19kai kruša kris ant miško ir miestas nusileis į žemumą.
20Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.
20Palaiminti jūs sėsite prie vandenų, laisvai ten ganysis asilai ir jaučiai.