1Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.
1“Salos, nutilkite prieš mane. Tautos teįgauna naujų jėgų, tepriartėja ir tekalba; eikime kartu į teismą.
2Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale.
2Kas pašaukė teisųjį iš rytų, liepė jam sekti paskui save? Jis atidavė tautas jam, pavergė karalius, atidavė juos kardui kaip dulkes, lankuikaip vėjo nešiojamus šiaudus.
3Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin.
3Jis vejasi juos, saugiai pereina keliu, kuriuo prieš tai nebuvo ėjęs.
4Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.
4Kas tai nuveikė ir padarė? Kas pašaukė kartas pradžioje? Aš, Viešpats, pirmasis ir paskutinysis.
5Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.
5Salos tai matė ir išsigando, drebėdami iš baimės atėjo žemės pakraščiai.
6Midkood waluba wuxuu caawiyey deriskiisii, oo midkood waluba wuxuu walaalkiis ku yidhi, Dhiirranow.
6Jie vienas kitam padėjo ir vienas kitą drąsino.
7Markaasuu nijaarkii dahabtumihii dhiirrigeliyey, oo kii dubbaha wax ku simi jirayna birtumihii buu dhiirrigeliyey, isagoo leh, Laxaamaddu way wanaagsan tahay. Markaasuu masaamiir ku sii adkeeyey si ayan u dhaqdhaqaaqin.
7Amatininkas padrąsina auksakalį, kuris su plaktuku dirba, giria ant priekalo kalantį: ‘Taip, gerai!’ Jie prikala vinimis stabą, kad nejudėtų.
8Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow,
8Bet tu, Izraeli, mano tarne Jokūbai, kurį išsirinkau, mano draugo Abraomo palikuoni.
9waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.
9Aš pašaukiau tave iš žemės pakraščių, susivadinau iš tolimiausių kampų ir tau sakiau: ‘Tu esi mano tarnas, Aš tave išsirinkau ir neatmesiu tavęs.
10Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.
10Nebijok, nes Aš esu su tavimi; nepasiduok baimei, nes Aš esu tavo Dievas. Aš sustiprinsiu tave ir padėsiu tau, Aš palaikysiu tave savo teisumo dešine’.
11Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharaf jabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan.
11Visi, kurie tau priešinasi, bus sugėdinti ir raudonuos; kurie kovoja prieš tave, sunyks ir žus.
12Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah.
12Tu ieškosi ir nerasi tų, kurie sukyla prieš tave; tie, kurie kovoja prieš tave, bus kaip niekas, kaip tuščia vieta.
13Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.
13Nes Aš, Viešpats, tavo Dievas, laikysiu tavo dešinę ranką ir sakysiu: ‘Nebijok, Aš tau padėsiu!’
14Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
14Nebijok, tu kirmėle Jokūbai, jūs Izraelio žmonės! Aš padėsiu tau”,sako Viešpats, tavo atpirkėjas, Izraelio Šventasis.
15Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale.
15“Aš padarysiu tave lyg naują kuliamąjį veleną su aštriais krumpliais. Tu kulsi ir sutriuškinsi kalnus, kalvas sutrinsi kaip pelus.
16Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
16Tu vėtysi juos, vėjas nuneš ir viesulas išblaškys juos, o tu džiaugsies Viešpačiu ir didžiuosies Izraelio Šventuoju.
17Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.
17Kai vargšai ir beturčiai ieškos vandens, bet jo neras ir jų liežuvis sudžius iš troškulio, Aš, Viešpats, Izraelio Dievas, išklausysiu juos, nepaliksiu jų.
18Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.
18Aš atidarysiu upelius ant kalvų ir šaltinius slėniuose; dykumą paversiu ežerais ir išdžiūvusią žemęvandens versmėmis.
19Waxaan cidlada ku soo beeri doonaa geedaha la yidhaahdo kedar, iyo qudhac, iyo hadaas, iyo geedsaliid, oo lamadegaankana waxaan ka soo bixin doonaa geedaha ah beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuur,
19Dykumoje pasodinsiu kedrų ir akacijų, mirtų ir alyvmedžių; kartu augs pušys, kiparisai ir jovarai,
20in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.
20kad jie matytų ir suprastų, apsvarstytų ir žinotų, jog Viešpaties ranka tai padarė, Izraelio Šventasis tai sukūrė.
21Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara.
21Ateikite, ginkite savo bylą, pateikite įrodymus,sako Viešpats, Jokūbo karalius.
22Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa.
22Priartėkite ir praneškite, kas įvyks. Pasakykite, kas seniau buvo, kad apsvarstytume ir suprastume, kas įvyks toliau.
23Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno.
23Praneškite, kas ateityje įvyks, kad žinotume, jog jūs esate dievai. Darykite gera ar bloga, nustebinkite ar išgąsdinkite.
24Bal eega, idinku waxaad tihiin sida waxaan jirin oo kale, oo shuqulkiinnuna waa baabba', oo kii idin doortaana waa karaahiyo.
24Jūs esate niekas ir jūsų darbas yra niekas. Pasibjaurėjimas, kas jus pasirenka.
25Mid baan xagga woqooyi ka soo kiciyey, wuuna yimid, kaasoo tan iyo marka qorraxdu soo baxdo magacayga ku baryootama, oo wuxuu amiirro ugu dul tuman doonaa sida dhoobada malaasta ah loogu tunto oo kale, iyo sida dheryasameeyuhu dhoobada ugu tunto oo kale.
25Aš pažadinau jį iš šiaurės, ir jis ateis. Iš rytų ateis tas, kuris šauksis manęs. Jis valdovus sumins kaip kalkių skiedinį, kaip puodžius mina molį.
26Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.
26Kas paskelbė nuo pat pradžios, kad žinotume, ir iš senovės, kad sakytume: ‘Jis teisus’. Nė vienas nepranešė ir nepaskelbė, nė vienas neišgirdo jūsų žodžių.
27Anaa ah Kan ugu horreeya oo Siyoon ku yidhi, Bal eega, bal eega iyaga, oo waxaan Yeruusaalem siin doonaa mid war wanaagsan u keena.
27Aš pirmasis pranešiau Sionui ir Jeruzalei, pasiunčiau tą, kuris skelbia gerą žinią.
28Oo markaan eego, ninna ma jiro, oo markaan wax weyddiiyana taliye eray iigu jawaabi kara dhexdooda laguma arag.Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.
28Aš apsidairiau, bet nebuvo nė vieno, kuris patartų ar paklaustas atsakytų.
29Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.
29Jie yra tuštybė, jų darbainiekas, jų lieti atvaizdaivėjas ir niekai”.