1Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka.
1“Štai mano tarnas, kurį palaikau, mano išrinktasis, kurį pamėgau. Aš suteikiau jam savo dvasią, jis įgyvendins teisingumą pagonyse.
2Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo.
2Jis nešūkaus ir nepakels balso; jo balso nesigirdės gatvėse.
3Cawsduur nabar leh ma jebin doono, dubaalad qiiqaysana ma demin doono, xukunkuu runta ku soo saari doonaa.
3Jis nenulauš įlūžusios nendrės ir neužgesins gruzdančio dagčio; Jis įvykdys teisingumą iki galo.
4Isagu ma uu taag darnaan doono, mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
4Jis nepails ir nenusivils, kol įgyvendins teisingumą žemėje, ir visi kraštai lauks jo įstatymo”.
5Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya.
5Taip sako Viešpats Dievas, kuris sutvėrė dangus ir juos ištiesė, sutvirtino žemę ir kas ant jos auga, kuris duoda gyvybę ir dvasią tautoms, gyvenančioms žemėje:
6Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa,
6“Aš, Viešpats, pašaukiau tave tiesoje. Aš laikysiu tave už rankos ir padarysiu tave sandora tautai, šviesa pagonims,
7inaad kuwa indhaha la' indhaha u furtid, iyo inaad maxaabiista xabsiga ka soo bixisid, iyo inaad kuwa gudcurka fadhiya ka soo bixisid guriga xabsiga.
7kad atvertum akis akliems, išvestum iš kalėjimo belaisvius, sėdinčius tamsiuose kalėjimuose.
8Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono, oo ammaantaydana sanamyo xardhan innaba ma siin doono.
8Aš esu Viešpatstai mano vardas. Aš neduosiu savo garbės kitam ir savo šlovės stabams.
9Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.
9Ankstesnieji dalykai įvyko, skelbiu jums dabar naujus, pranešu anksčiau, negu tai įvyks”.
10Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada.
10Giedokite Viešpačiui naują giesmę, gyrius Jam teskamba iki žemės pakraščių! Girkite Jį, plaukiantys jūra ir visa, kas joje, salos ir jų gyventojai!
11Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.
11Tedžiūgauja dykuma ir jos miestai, kaimai, kedariečių apgyventi; uolų gyventojai linksmai šūkaukite nuo kalnų viršūnių.
12Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.
12Atiduokite Viešpačiui šlovę ir skelbkite Jo garbę salose!
13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.
13Viešpats išeis kaip karžygys, kaip karo vyras pažadins savo įniršį. Jis šauks, šauks garsiai, Jis nugalės savo priešus.
14Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.
14“Aš ilgai tylėjau, buvau tylus ir kantrus. Dabar šauksiu kaip gimdyvė, iš karto viską sugriausiu ir sunaikinsiu.
15Waxaan baabbi'in doonaa buuro iyo kuro, oo geedaha yaryar oo dhanna waan wada qallajin doonaa, oo durdurradana waxaan ka dhigi doonaa gasiirado, oo balliyadana waan engejin doonaa.
15Aš ištuštinsiu kalnus ir kalvas, upes padarysiu salomis, išdžiovinsiu tvenkinius ir žolę.
16Oo kuwa indhaha la'na waxaan soo marsiin doonaa jid ayan mar hore aqoon, oo waxaan ku hagi doonaa dhabbayaal ayan aqoon, oo gudcurkana waxaan hortooda kaga dhigi doonaa iftiin, oo meelaha qalloocanna waan u toosin doonaa. Waxyaalahaas baan samayn doonaa, oo innaba iyaga ma dayrin doono.
16Aš vesiu akluosius jiems nežinomais keliais, nepažįstamais takais; pakeisiu jiems tamsą šviesa, kreivus takustiesiais. Aš tai įvykdysiu ir jų nepaliksiu.
17Kuwa sanamyada xardhan isku halleeya, oo sanamyada la shubay ku yidhaahda, Idinku ilaahyadayada baad tihiin, dib baa loo sii jeedin doonaa, oo aad loo ceebayn doonaa.
17Trauksis atgal ir bus visai sugėdinti tie, kurie pasitiki drožtais atvaizdais ir sako nulietiems stabams: ‘Jūs esate mūsų dievai’.
18Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.
18Kurtieji, klausykite; aklieji, žiūrėkite ir matykite.
19Bal yaa indha la' addoonkayga mooyaane? Yaase dhega la' sida wargeeyahayga aan soo diray? Yaase indha la' sida kan ila nabdoon, iyo sida addoonka Rabbiga?
19Kas toks aklas kaip mano tarnas ir kurčias kaip mano pasiuntinys, kurį siunčiu? Kas toks aklas kaip ištikimasis, kaip Viešpaties tarnas?
20Waxyaalo badan baad aragtaa, laakiinse uma fiirsatid, dhegaha waa la furay, laakiinse waxba lama maqlo.
20Jis žiūri, bet nepastebi. Jo ausys atviros, bet jis negirdi”.
21Rabbigu wuxuu aad ugu farxay xaqnimadiisa aawadeed inuu sharciga weyneeyo oo aad u sharfo.
21Viešpats panorėjo dėl savo teisumo išaukštinti ir išgarsinti įstatymą.
22Laakiinse kuwanu waa dad la dhacay oo la boobay, oo kulligoodna waxaa lagu dabay godad, oo waxaa lagu qariyey guryo xabbiseed, iyagu waa wax la ugaadhsado, oo ninna ma samatabbixiyo, waa wax la boobo oo ciduna ma tidhaahdo, soo celiya.
22Tauta yra apiplėšta ir apvogta, visi klasta suimti ir sugrūsti kalėjimuose. Jie tapo grobiu, ir nėra gelbėtojo. Niekas nereikalauja paleisti aukos.
23Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?
23Kas iš jūsų atkreipia dėmesį į tai ir rūpinasi tuo, kas bus ateityje?
24Bal yaa reer Yacquub ka dhigay in la boobo, yaase reer binu Israa'iil tuugagga u gacangeliyey? Sow ma aha Rabbiga, kan aynu ku dembaabnay oo ay diideen inay jidadkiisa ku socdaan, oo ay sharcigiisana addeeci waayeen?Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.
24Kas leido Jokūbą apiplėšti ir Izraelį apvogti? Ar ne Viešpats, kuriam mes nusikaltome? Jie nenorėjo vaikščioti Jo keliais ir paklusti įstatymui.
25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.
25Jis išliejo ant Izraelio savo degančią rūstybę ir užleido karo baisumą. Visur siautė ugnis, bet jis nesuprato, ji degino jį, bet jis neėmė to į širdį.