1Laakiinse haatan, reer Yacquubow, Rabbigii idin uumay wuxuu leeyahay, oo reer binu Israa'iilow, kii idin sameeyey wuxuu leeyahay, Ha cabsanina, waayo, anigaa idin soo furtay, oo magiciinna idiin bixiyey, oo kuwayga baad tihiin.
1Taip sako Viešpats, kuris sutvėrė tave, Jokūbai, ir padarė tave, Izraeli: “Nebijok! Aš atpirkau tave ir pašaukiau tave vardu; tu esi mano.
2Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono.
2Kai eisi per vandenį, Aš būsiu su tavimi ir upės nepaskandins tavęs. Kai eisi per ugnį, nesudegsi ir liepsna nesunaikins tavęs.
3Waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil iyo Badbaadiyihiinna. Masar baan furashadiinnii u bixiyey, oo Itoobiya iyo Sebaana beddelkiinnii.
3Aš esu Viešpats, tavo Dievas, Izraelio Šventasis, tavo gelbėtojas. Už tave atidaviau Egiptą, Etiopiją ir Sebą kaip išpirką.
4Indhahayga hortooda waxaad ku ahaydeen kuwa qaali ah, oo sharaf badan, waanan idin jeclaaday, oo sidaas daraaddeed niman baan idinku doorsan doonaa, oo dad badan baan naftiinna ku soo beddelan doonaa.
4Kadangi tu esi brangus mano akyse, Aš vertinu ir myliu tave. Aš atiduosiu žmones už tave ir tautas už tavo gyvybę.
5Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, oo farcankiinnana xagga bari baan ka keeni doonaa, oo xagga galbeed baan idinka soo ururin doonaa,
5Nebijok, nes Aš esu su tavimi, Aš parvesiu tavo palikuonis iš rytų ir surinksiu tavuosius iš vakarų.
6oo waxaan woqooyi ku odhan doonaa, Soo daa, oo koonfurna waxaan ku odhan doonaa, Ha celin, wiilashayda meel fog ka soo kexee, oo gabdhahaygana dhulka darafkiisa ka soo kexee,
6Aš įsakysiu šiaurei: ‘Atiduok’ ir pietums: ‘Nesulaikyk’. Atvesk mano sūnus iš tolimų šalių ir mano dukteris nuo žemės pakraščių.
7waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.
7Kiekvieną, kuris vadinasi mano vardu, Aš sukūriau savo šlovei, Aš sutvėriau ir padariau jį.
8Waxaad soo bixisaan dadka indhaha la' oo indho leh, iyo kuwa dhegaha la' oo dhego leh.
8Išvesk aklą tautą, turinčią akis, ir kurčią tautą, turinčią ausis.
9Quruumaha oo dhammu ha isu soo wada urureen, oo dadyowguna ha soo wada shireen. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxan sheegi kara oo waxyaalihii hore noo sheegi kara? Markhaatiyaashoodii ha keenteen si ay xaq ku noqdaan aawadeed, amase ha maqleen oo ha yidhaahdeen, Taasu waa run.
9Tesusirenka visos tautos ir giminės. Kas iš jų gali pranešti ir paskelbti praeities įvykius? Tepastato liudytojus ir tepasiteisina, kad visi matytų ir girdėtų, jog tai tiesa”.
10Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka iyo addoonkaygii aan doortayba markhaatiyaashaydii baad tihiin inaad ogaataan oo aad i rumaysataan, oo aad garataan inaan anigu isagii ahay. Aniga hortay Ilaah lama samayn, dabadayna innaba ma jiri doono.
10Viešpats sako: “Jūs esate mano liudytojai ir mano tarnas, kurį pasirinkau, kad žinotumėte, tikėtumėte ir suprastumėte, kad Aš Tas, kuris esu. Pirma manęs nebuvo jokio dievo ir po manęs nebus.
11Aniga, aniga qudhayda ayaa Rabbiga ah, oo aniga mooyaane Badbaadiye kale ma jiro.
11Aš esu Viešpats, ir be manęs nėra kito gelbėtojo.
12Anigu waan naadiyey, oo waan badbaadiyey, oo waan muujiyey, oo ilaah qalaad dhexdiinna kuma uu jirin, haddaba sidaas daraaddeed idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii, ayaa Rabbigu leeyahay. Aniguna Ilaah baan ahay.
12Aš paskelbiau, išgelbėjau ir pranešiau, kai tarp jūsų nebuvo kito dievo. Jūs esate mano liudytojai, sako Viešpats,kad Aš esu Dievas.
13Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?
13Aš esu nuo laikų pradžios; nėra nė vieno, kuris jus iš mano rankos išplėštų. Aš darau, kas tai sulaikys?”
14Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka aawadiin ayaan Baabuloon ugu cid diray, oo kuweedii cararay oo dhanna, kuwaasoo ahaa reer Kaldayiin, waxaan ku keeni doonaa doonniyaha ay ku faani jireen.
14Taip sako Viešpats, jūsų atpirkėjas, Izraelio Šventasis: “Dėl jūsų sulaužiau Babilono skląsčius, chaldėjų džiaugsmą paverčiau vaitojimu.
15Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Kiinna Quduuska ah, iyo Abuuraha reer binu Israa'iil, iyo Boqorkiinna.
15Aš esu Viešpats, jūsų Šventasis, Izraelio Kūrėjas, jūsų karalius”.
16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,
16Taip sako Viešpats, kuris padarė kelią jūroje ir taką giliuose vandenyse,
17kan gaadhifaraska iyo faraska, iyo ciidanka iyo ninka xoogga badan soo bixiya, iyagu dhammaantood way wada jiifsadaan, oo mana ay kici doonaan, way bakhtiyeen, oo waxay u dameen sidii dubaalad oo kale.
17kuris išvedė kovos vežimą ir žirgą, kariuomenę ir karžygį, ir jie nebeatsikėlė, užgeso kaip dagtis:
18Waxyaalihii hore ha xusuusanina, waxyaalihii qadiimka ahaana ha ka fikirina.
18“Nebegalvokite apie buvusius dalykus, nekreipkite dėmesio į praeitį.
19Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa.
19Štai Aš darau naujajau pasirodo, ar nepastebite? Aš padarysiu kelią tyruose, upės tekės dykumose.
20Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
20Laukiniai žvėrys, šakalai ir stručiai gerbs mane. Aš duosiu vandens tyruose ir dykumose gerti mano išrinktajai tautai.
21oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.
21Tauta, kurią sutvėriau, skelbs mano šlovę.
22Laakiinse reer Yacquubow, ima aydaan baryin, reer Israa'iilow, waad iga daasheen.
22Jokūbai, tu nesišaukei manęs, Aš nusibodau tau, Izraeli.
23Adhigiinnii qurbaannadiinna la gubo iiguma aydaan keenin, oo allabaryadiinniina iguma aydaan sharfin. Anigu idinkuma aanan dhibin inaad qurbaanno ii bixisaan, oo idinkumana aanan daalin inaad foox ii shiddaan.
23Tu neaukojai man avių, deginamosios aukos, ir nepagerbei manęs aukomis. Aš nereikalavau iš tavęs duonos aukų nė smilkalų.
24Qasab macaan lacag iiguma aydaan soo iibin, oo baruurtii allabaryadiinnana igama aydaan dherjin, laakiinse waxaad aad iigu dhibteen dembiyadiinnii, oo waxaad igu daaliseen xumaatooyinkiinnii.
24Tu nepirkai man už sidabrą kvepiančių sakų ir nedžiuginai manęs aukų taukais. Bet tu varginai mane savo nuodėmėmis ir nusikaltimais.
25Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
25Aš panaikinu tavo neteisybes dėl savęs ir neatsiminsiu tavo nusikaltimų.
26Bal wax i soo xusuusiya, aynu isla muddacnee, dacwadiinna soo caddeeya, si aad xaq ku noqotaan.
26Primink man, bylinėkimės drauge. Kalbėk, kad galėtum pasiteisinti.
27Awowgiinnii hore wuu dembaabay, oo macallimiintiiniina way igu xadgudbeen.Haddaba sidaas daraaddeed waxaan amiirradii meesha quduuska ah ka dhigi doonaa wax nijaas ah, reer Yacquubna habaar baan u dayn doonaa, oo dadka Israa'iilna cay baan u dayn doonaa.
27Tavo protėvis nusidėjo, tavo mokytojai nusikalto,
28Haddaba sidaas daraaddeed waxaan amiirradii meesha quduuska ah ka dhigi doonaa wax nijaas ah, reer Yacquubna habaar baan u dayn doonaa, oo dadka Israa'iilna cay baan u dayn doonaa.
28todėl suteršiau tavo šventyklos kunigaikščius ir atidaviau Jokūbą prakeikimui, Izraelįpaniekai”.