1Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla.
1“Klausyk, Jokūbai, mano tarne, ir Izraeli, kurį išsirinkau.
2Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina.
2Taip sako Viešpats, kuris tave padarė ir sukūrė tave dar įsčiose: ‘Nebijok, mano tarne Jokūbai ir Ješurūnai, kurį išsirinkau.
3Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.
3Aš išliesiu vandens sroves ant išdžiūvusios žemės ir ant dykumų; išliesiu savo dvasios ant tavo palikuonių ir savo palaiminimą ant tavo vaikų,
4Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
4jie žels kaip žolė prie vandens, kaip gluosniai prie tekančio upelio.
5Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.
5Vienas sakys: ‘Aš esu Viešpaties’, kitas vadinsis Jokūbo vardu, trečiasis rašys savo ranka: ‘Viešpaties’ ir pasivadins Izraeliu’ ”.
6Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
6Bet Viešpats, Izraelio karalius, jo atpirkėjas, kareivijų Viešpats, sako: “Aš esu pirmasis ir paskutinysis, be manęs nėra kito dievo.
7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.
7Kas yra toks, kaip Aš? Tegul jis pasirodo, praneša, paskelbia ir išdėsto, kas buvo praeityje ir kas įvyks.
8Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.
8Nebijokite ir nenusigąskite! Aš jums jau seniai sakiau ir pranešiau: jūs esate mano liudytojai. Be manęs nėra kito dievo, Aš nežinau jokio”.
9Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.
9Visi stabų dirbėjai yra niekas, jų darbas jiems nenaudingas. Jie patys sau yra liudytojai, jie nieko nesupranta ir nemato, todėl jie bus sugėdinti.
10Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?
10Padarytas dievas ir nulietas atvaizdas nieko nevertas.
11Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan.
11Visiems jų dirbėjams bus gėda. Visi stabų dirbėjai yra žmonės. Jie visi susirinkę išsigąs ir gėdysis savo darbo.
12Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa.
12Kalvis savo stipriomis rankomis dirba stabą: anglių karštyje įkaitinęs geležį, jį daro, kūjais lygina. Jis dirbdamas alksta, trokšta ir pavargsta.
13Nijaarku xadhig wax lagu qiyaaso buu fidiyaa, oo wax cas buu ku calaamadeeyaa, oo faaraduu ku simaa, oo goobeeyena wuu ku qiyaasaa, oo wuxuu u ekaysiiyaa binu-aadmiga ekaantiis iyo si waafaqsan dadka quruxdiisa inuu guriga joogo.
13Dailidė dirbdamas naudoja virvę, pieštuką, kampainį, oblių; jais matuoja, nustato formas ir padaro gražaus žmogaus pavidalo stabą, tinkantį gyventi namuose.
14Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa.
14Jam pagaminti jis nusikerta kedrą, uosį, ąžuolą ar pušį, užaugusius miške tarp medžių.
15Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa.
15Jie tinka žmonėms kurui: jais šildosi ir ant jų gamina maistą. Iš likusio medžio padirbęs dievą, parpuolęs prieš savo drožinį, garbina jį.
16Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay.
16Dalį jis sudegino: išsikepė mėsos, išsivirė viralo. Pasisotinęs ir sušilęs džiaugiasi: “Man šilta!”
17Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga.
17Iš likusios dalies pasidirbo stabą ir, atsiklaupęs prieš jį, garbino jį ir maldavo: “Išlaisvink mane, nes tu esi mano dievas”.
18Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan.
18Jie nežino ir nesupranta, nes jie apakę ir širdimi nesuvokia.
19Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis?
19Nė vienas nepagalvoja, kad pusę sudegino, ant anglių išsikepė duonos, išsivirė mėsos ir pavalgė. Iš likusio medžio pasidirbę stabą, parpuola prieš medžio gabalą.
20Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
20Jis maitinasi pelenais, jo protas aptemęs, jo širdis klaidina, jis nepajėgia išsilaisvinti ir pasakyti: “Ar aš neapgaudinėju pats savęs?”
21Reer Yacquubow, waxyaalahan xusuusta, waayo, reer Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda. Anigaa idin abuuray, oo waxaad tihiin addoommadayda. Israa'iilow, idin illoobi maayo.
21“Atsimink tai, Jokūbai ir Izraeli, tu esi mano tarnas! Aš tave padariau, Izraeli. Aš neužmiršiu tavęs!
22Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.
22Aš pašalinau tavo nusikaltimus kaip debesį ir tavo nuodėmes kaip miglą. Grįžk pas mane, nes Aš atpirkau tave”.
23Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.
23Džiaukitės, dangūs, nes Viešpats tai įvykdė! Šūkaukite, žemės gelmės, linksmai giedokite, miškai ir visi medžiai! Viešpats atpirko Jokūbą ir Izraelyje apsireikš Jo šlovė.
24Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.
24Taip sako Viešpats, tavo atpirkėjas, kuris sukūrė tave: “Aš esu Viešpats, kuris visa darau; Aš vienas ištiesiau dangus ir sutvirtinau žemę savo jėga”.
25Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga,
25Jis išniekina žynių ženklus ir burtininkus padaro kvailiais; Jis pašalina išminčius, o jų išmintį padaro kvailyste.
26kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa.
26Jis patvirtina savo tarno žodį ir įvykdo savo pasiuntinio pranešimą. Jis sako Jeruzalei: “Tu būsi apgyvendinta”, ir Judo miestams: “Jūs būsite atstatyti”.
27Waxaan ahay kan moolka ku yidhaahda, Engeg noqo, oo anna webiyaashaada waan qallajin doonaa,kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.
27Jis sako gelmei: “Išsek! Aš išdžiovinsiu tavo upes!”
28kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.
28Viešpats kalba apie Kyrą: “Jis yra mano tarnas ir įvykdys mano valią!” Jis sako Jeruzalei: “Tu būsi atstatyta”, o šventyklai: “Tavo pamatai bus padėti”.