1Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin:
1Taip sako Viešpats savo pateptajam Kyrui, kurį Jis pasirinko, kad atiduotų jam tautas ir nuginkluotų karalius, atidarytų duris ir vartų niekas jam neuždarytų:
2Anigu waan ku hor socon doonaa, oo meelaha sarsarena waan simi doonaa, waanan kala burburin doonaa albaabbada naxaasta ah, oo qataarrada birta ahna waan kala googooyn doonaa,
2“Aš eisiu pirma tavęs, sulyginsiu kalnus, sutrupinsiu varines duris ir sulaužysiu geležinius užkaiščius.
3oo waxaan ku siin doonaa khasnadaha gudcurka iyo maal qarsoon oo meelo sir ah ku jira, inaad ogaatid inaan ahay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo magacaa kuugu yeedha.
3Aš duosiu tau tamsos lobius ir paslėptus turtus, kad žinotum, jog Aš esu Viešpats, Izraelio Dievas, kuris šaukiu tave vardu.
4Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon.
4Dėl mano tarno Jokūbo ir mano išrinktojo Izraelio pašaukiau tave vardu ir suteikiau tau vardą, nors manęs nepažinai.
5Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,
5Aš esu Viešpats ir kito nėra; nėra kito dievo šalia manęs. Aš sujuosiau tave, nors nepažinai manęs,
6in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.
6kad žmonės visame pasaulyje žinotų, jog kito nėra šalia manęs. Aš esu Viešpats ir niekas kitas.
7Iftiinka anigaa sameeya, oo masiibadana anigaa abuura. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxyaalahan oo dhan sameeya.
7Aš darau šviesą ir sukuriu tamsą, duodu ramybę ir sukuriu pikta. Aš, Viešpats, visa tai darau.
8Samooyinkow, xagga sare ka soo tiftifqa, oo daruuruhuna xaqnimo ha soo shubeen, dhulkuna ha furmo, oo badbaadada iyo xaqnimaduna ha isla soo wada baxaan. Aniga Rabbiga ah ayaa uumay.
8Terasoja dangūs iš aukštybių, telieja debesys teisumą! Žemė teželdina išgelbėjimą ir teišsprogsta teisumas! Aš, Viešpats, tai sukūriau.
9Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh?
9Vargas tam, kuris vaidijasi su savo Kūrėju, molio šukė su puodžiumi. Ar sako molis puodžiui: ‘Ką darai?’ arba dirbinys savo dirbėjui: ‘Tu esi neišmanėlis!’?
10Waxaa iska hoogay kii aabbe ku yidhaahda, War maxaad dhalaysaa? Amase naag ku yidhaahda, Na maxaad ku foolanaysaa?
10Vargas tam, kuris sako savo tėvui: ‘Kodėl mane pagimdei?’ arba moteriai: ‘Kodėl gimdai?’ ”
11Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?
11Taip sako Viešpats, Izraelio Šventasis, jo Kūrėjas: “Ar norite klausti apie ateitį, apie mano vaikus ir mano darbus?
12Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.
12Aš sukūriau žemę ir ant jos sutvėriau žmogų; mano rankos ištiesė dangus ir Aš tvarkau visą jų kareiviją.
13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.
13Aš pašaukiau jį teisybei ir nukreipsiu jo kelius. Jis atstatys mano miestą ir paleis belaisvius ne už pinigus ir ne už atlygį.
14Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
14Egipto turtai ir Etiopijos pelnas tau atiteks, ir sebiečiai, aukšto ūgio vyrai, tau pasiduos. Jie seks tave grandinėse, parpuolę maldaus, sakydami: ‘Tik pas tave yra Dievas, niekur kitur Dievo nėra’ ”.
15Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya.
15Tikrai Tu esi Dievas, kuris slepiesi, Izraelio Dieve, gelbėtojau.
16Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharaf jabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan.
16Jie visi bus sugėdinti, visi stabų darytojai sumiš.
17Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharaf jabi doontaan.
17Izraelį Viešpats išgelbės amžinu išgelbėjimu, jūs nerausite per amžius ir nesigėdysite.
18Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.
18Nes taip pasakė Viešpats, dangaus Kūrėjas, Dievas, kuris sutvėrė žemę ir nepaliko jos tuščios, bet padarė ją tinkamą gyventi: “Aš esu Viešpats, nėra kito šalia manęs.
19Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman.
19Aš nekalbėjau slaptai nei tamsoje. Nesakiau Jokūbo palikuonims, kad veltui manęs ieškotų. Aš, Viešpats, kalbu tiesą ir skelbiu, kas teisinga.
20Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh.
20Susirinkite, ateikite ir priartėkite, tautų išlikusieji! Neišmanėliai nešiojasi medinius stabus ir meldžiasi dievams, kurie negali išgelbėti.
21Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
21Skubėkite, ateikite ir tarkitės! Kas apie tai pranešė pirmiau ir paskelbė iš anksto? Ar ne Aš, Viešpats? Šalia manęs nėra kito. Aš teisus Dievas ir gelbėtojas.
22Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
22Pažiūrėkite į mane ir būkite išgelbėti, visi žemės kraštai,Aš esu Dievas ir nėra kito.
23Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa.
23Aš savimi prisiekiau, mano žodis yra tiesa ir tas žodis pasiliks. Prieš mane suklups kiekvienas kelis ir kiekvienas liežuvis man prisieks.
24Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.
24Bus sakoma: ‘Viešpatyje aš turiu teisumą ir jėgą’. Visi, kurie Jam priešinasi, ateis pas Jį susigėdę.
25Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.
25Visi Izraelio palikuonys bus išteisinti Viešpatyje ir džiūgaus”.