Somali

Lithuanian

Isaiah

47

1Gabadha bikradda ah ee Baabuloon ahay, soo deg, oo ciidda ku fadhiiso, magaalada reer Kaldayiinay, carshila'aan dhulka ku fadhiiso, waayo, mar dambe adiga laguuguma yeedhi doono mid dhaylo ah oo jilcisan.
1“Nuženk ir sėskis dulkėse, mergele, Babilono dukra! Čia nėra sosto, todėl sėskis ant žemės, chaldėjų dukra! Tavęs nebevadins švelnia ar gražuole.
2Dhagaxshiidyada qaad oo wax shiid, masarka madaxa ka qaad, oo lugaha qaawi, tan iyo bowdada tafaxaydo, oo webiyaasha ka gudub.
2Stok prie girnų ir malk! Nusiimk šydą, nusisiausk apsiaustą, atidengusi blauzdas brisk per upę!
3Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono.
3Tu būsi apnuoginta ir tavo gėda bus matoma. Aš išliesiu savo kerštą ir niekas jo nesustabdys”.
4Bixiyahayaga magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
4Mūsų atpirkėjas­kareivijų Viešpats, Izraelio Šventasis yra Jo vardas.
5Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka.
5“Chaldėjų dukra, sėdėk tylėdama ir eik į tamsybę, nes tu nebebūsi vadinama karalysčių valdove.
6Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.
6Aš buvau įpykęs ant savo tautos, suteršiau savo paveldą, padaviau juos į tavo ranką. Tu neparodei jiems gailestingumo, net žilagalviams uždėjai labai sunkų jungą.
7Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.
7Tu sakei: ‘Aš išliksiu per amžius, būsiu valdovė visados’. Tu neėmei to į širdį ir nepagalvojai apie savo galą.
8Haddaba bal waxyaalahan maqal, taada iska raaxaysata oo istareexa ku joogtoy. Waxaad qalbiga iska tidhaahdaa, Anigaa ah oo aniga mooyaane cid kale ma jirto, anigu innaba carmal ma noqon doono, oo ma gablami doono.
8Dabar išgirsk, mėgstanti prabangiai ir nerūpestingai gyventi. Tu galvoji: ‘Aš esu ir šalia manęs nėra kitos. Aš nesėdėsiu kaip našlė ir mano vaikai nebus iš manęs atimti’.
9Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay.
9Ūmai, vieną dieną, tau šie du dalykai atsitiks: tapsi našlė ir bevaikė. Taip įvyks, nepaisant tavo burtų ir daugybės kerų.
10Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.
10Tu pasitikėjai savo nedorybe ir sakei: ‘Manęs niekas nemato’. Tavo išmintis ir supratimas tave suvedžiojo. Tu galvojai: ‘Aš esu ir kitos nėra šalia manęs’.
11Haddaba sidaas daraaddeed masiibo baa kugu soo degi doonta, mana aad garan doontid si ay kuugu iman doonto, belaayaa kugu dhici doonta, oo mana aad kari doontid inaad iska fogaysid, oo baabbi'id baa si kedis ah kuugu soo degi doonta, taasoo aadan aqoon.
11Tave užklups nelaimė ir nežinosi, iš kur ji; užguls priespauda, iš kurios neišsipirksi; staiga ateis sunaikinimas, kurio nenujauti.
12Haddaad ku faa'iidi karaysid iyo haddaad ku adkaan karaysid, bal haatan la soo istaag falfalkaaga iyo saaxirnimadaada faraha badan oo aad tan iyo yaraantaadii ku soo hawshoonaysay.
12Pakilk su savo burtais bei daugybe kerų, kuriais vadovavaisi nuo pat savo jaunystės. Gal jie bus tau naudingi ir tu nugalėsi.
13Waxaad ku daashay talooyinkaagii tirada badnaa, haddaba xiddigayaqaannada, iyo xiddigasheegyada, iyo xilliyasheegyaduba ha sara joogsadeen, oo ha kaa badbaadiyeen waxyaalaha kugu soo degi doona.
13Tu esi bejėgė dėl savo daugybės patarėjų. Tegu astrologai, žvaigždžių stebėtojai, dangaus ženklų tyrinėtojai atsistoja ir išgelbsti tave nuo to, kas tave užgrius.
14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.
14Jie yra kaip ražienos, ugnis sudegins juos. Jie negali išgelbėti savo gyvybės iš liepsnos, kuri nėra žarijos pasišildyti ar židinys, prie kurio galima sėdėti.
15Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.
15Tokie yra tavo burtininkai, su kuriais prekiavai nuo pat jaunystės. Jie nuklys kiekvienas į savo pusę, nė vienas negelbės tavęs”.