1Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.
1“Klausykite, Jokūbo namai, vadinami Izraelio vardu ir kilę iš Judo šaltinio, kurie prisiekiate Viešpaties vardu ir kalbate apie Izraelio Dievą, bet ne tiesoje ir teisume.
2Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada.
2Jie vadinasi šventojo miesto vardu ir remiasi Izraelio Dievu. Jo vardaskareivijų Viešpats.
3Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.
3Aš praeities įvykius paskelbiau seniai. Jie išėjo iš mano lūpų ir juos Aš atvėriau. Staiga Aš tai padariau, ir jie įpyko.
4Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,
4Kadangi Aš žinojau, kad tu kietasprandis, tavo sprandas geležinis ir tavo kakta varinė,
5sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay.
5Aš pranešiau tai tau iš anksto, pirma, negu įvyko, kad nesakytum: ‘Mano stabas tai įvykdė, mano drožti ir lieti atvaizdai taip įsakė’.
6Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon.
6Tu girdėjai ir matei visa tai, ar nenori to pripažinti? Dabar skelbiu tai, ko dar nežinaitai nauji ir paslėpti dalykai.
7Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin.
7Tai padaryta dabar, ne pradžioje. Pirmiau apie tai negirdėjai ir negali sakyti: ‘Aš žinojau’.
8Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.
8Tu to negirdėjai ir nežinojai, tai nepasiekė tavo ausų. Bet Aš žinojau, kad būsi neištikimas ir nusikalsi, ir vadinau tave neklaužada nuo pat gimimo dienos.
9Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.
9Dėl savo vardo Aš sulaikysiu savo rūstybę ir dėl savo šlovės susivaldysiu, kad tavęs nesunaikinčiau.
10Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.
10Aš apvaliau tave ugnimi, bet ne kaip sidabrą, Aš išbandžiau tave vargų krosnyje.
11Anigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo!
11Dėl savęs, dėl savęs Aš tai darysiu, kad mano vardas nebūtų suterštas. Savo šlovės Aš neduosiu kitam.
12Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.
12Klausyk manęs, Jokūbai ir Izraeli, kurį pašaukiau. Aš, Aš esu pirmasis ir paskutinysis.
13Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.
13Aš sukūriau žemę ir ištiesiau dangus. Aš juos pašaukiau, ir jie stovi čia.
14Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.
14Susirinkite visi ir pasiklausykite. Kas iš jų tai paskelbė? Tas, kurį Viešpats myli, įvykdys Jo sprendimą Babilonui ir chaldėjams.
15Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.
15Aš, Aš tai kalbėjau, pašaukiau jį, atvedžiau ir jam seksis.
16Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.
16Priartėkite prie manęs ir išgirskite; nuo pat pradžios Aš nekalbėjau slaptai, Aš buvau anksčiau, negu tai įvyko. Dabar Viešpats Dievas ir Jo Dvasia siuntė mane”.
17Rabbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen.
17Taip sako Viešpats, tavo atpirkėjas, Izraelio Šventasis: “Aš, Viešpats, tavo Dievas, mokau tave, kas naudinga, ir vedu keliu, kuriuo turėtum eiti.
18Haddaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale,
18Jei būtum klausęs mano įsakymų, tai tavo ramybė būtų kaip upė ir tavo teisumas kaip jūros bangos.
19oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.
19Tavo palikuonys būtų buvę kaip smiltys ir tavo ainiai kaip smėlio grūdeliai. Jų vardas nebūtų išnykęs ir nebūtų žuvęs mano akyse”.
20Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub.
20Išeikite iš Babilono, bėkite nuo chaldėjų! Džiūgaudami skelbkite tą žinią! Teskamba tai iki žemės pakraščių! Sakykite: “Viešpats atpirko savo tarną Jokūbą”.
21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
21Jie netroško dykumoje, kai Jis juos vedė; Jis perskėlė uolą, ir vanduo išsiveržė.
22Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
22Viešpats sako: “Nedorėlis neturi ramybės”.