Somali

Lithuanian

Isaiah

49

1Gasiiradahow, bal i maqla, dadkiinna fogow, bal i dhegaysta, Rabbigu wuxuu iiga yeedhay maxalka, oo uurkii hooyaday ayuu iga soo magacaabay.
1Klausykitės, salos, stebėkite, toli esančios tautos! Viešpats pašaukė mane dar man negimus, Jis minėjo mano vardą, kai tebebuvau motinos įsčiose.
2Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.
2Jis padarė mano žodžius lyg aštrų kardą ir pridengė mane savo rankos šešėliu; Jis padarė mane tinkama strėle ir paslėpė savo strėlinėje.
3Oo wuxuu igu yidhi, Israa'iilow, waxaad tahay addoonkaygii oo waan kugu ammaanmi doonaa.
3Jis sakė: “Tu, Izraeli, esi mano tarnas, per tave būsiu pašlovintas”.
4Markaasaan idhi, Wax aan waxba ahayn ayaan u hawshooday, oo xooggaygiina waxaan ku dhammeeyey baabba' iyo wax aan waxba ahayn, laakiinse gartaydu waxay la jirtaa Rabbiga oo abaalgudkayguna wuxuu la jiraa Ilaahayga.
4Aš sakiau: “Veltui dirbau, be reikalo ir tuščiai eikvojau savo jėgas; bet pas Viešpatį yra mano teisingumas, pas Dievą mano atlyginimas”.
5Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal)
5Dabar kalba Viešpats, kuris nuo gimimo padarė mane savo tarnu, kad sugrąžinčiau Jam Jokūbą ir surinkčiau Izraelį. Aš būsiu šlovingas Viešpaties akyse, Dievas yra mano stiprybė.
6Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
6Jis sako: “Negana to, kad tu būsi mano tarnu Jokūbo giminėms sugrąžinti ir Izraelio likučiui surinkti. Aš tave padarysiu šviesa pagonims, kad tu būtum mano išgelbėjimas iki žemės pakraščių”.
7Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.
7Taip sako Viešpats, Izraelio atpirkėjas, jo Šventasis, valdovų vergui, kurį žmonės paniekino ir tautos bjaurisi: “Karaliai pamatys ir atsistos, kunigaikščiai pagarbins dėl Viešpaties, kuris ištikimas, ir Izraelio Šventojo, kuris tave išsirinko”.
8Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,
8Taip sako Viešpats: “Tinkamu metu išklausiau tave ir išgelbėjimo dieną padėjau tau; padarysiu tave sandora tautai, kad atkurtum šalį ir apgyvendintum apleistą nuosavybę.
9iyo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.
9Kad sakytum belaisviams: ‘Išeikite’, ir tamsoje esantiems: ‘Pasirodykite’. Jie ganysis pakelėse, aukštumos bus jų ganykla.
10Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.
10Jie nealks ir netrokš, jų neištiks saulė nė karštis; Tas, kuris jų pasigailėjo, ves juos prie tyro vandens šaltinių.
11Oo buurahayga oo dhan waxaan ka dhigi doonaa waddo, oo jidadkayga weynna kor baa loo wada qaadi doonaa.
11Aš pravesiu kelius kalnuose ir vieškelius aukštumose.
12Bal eega, kuwanu waxay ka iman doonaan meel fog, oo bal ogaada, kuwanu waxay ka iman doonaan xagga woqooyi iyo xagga galbeed, oo kuwanuna waxay ka iman doonaan dalka reer Siiniim.
12Štai šitie ateis iš toli, tie­iš šiaurės ir vakarų, o anie­iš Sinimo krašto”.
13Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.
13Giedokite, dangūs! Džiūgauk, žeme! Kalnai, linksmai giedokite! Nes Viešpats paguodė savo tautą, pasigailėjo savo prispaustųjų!
14Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.
14Bet Sionas sakė: “Viešpats paliko mane, Viešpats užmiršo mane”.
15Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.
15“Ar gali moteris užmiršti savo kūdikį, nepasigailėti savo sūnaus? Jei ji ir užmirštų, tačiau Aš neužmiršiu tavęs.
16Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin.
16Aš įrašiau tave į savo rankos delną, tavo sienos visada yra mano akyse.
17Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan.
17Tavo sūnūs atskuba, o tavo ardytojai ir naikintojai pasitraukia.
18Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale.
18Pakelk akis ir apsidairyk aplinkui: jie visi renkasi prie tavęs. Kaip Aš gyvas,­sako Viešpats,­tu juos priimsi kaip papuošalus ir jais pasidabinsi lyg sužadėtinė.
19Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan.
19Tavo griuvėsiuose, ištuštėjusiose vietose ir sunaikintoje šalyje bus ankšta gyventojams, o tie, kurie tave naikino, bus toli.
20Carruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee.
20Tavo vaikai, gimę priespaudoje, sakys: ‘Mums ankšta, padaryk daugiau vietos gyventi’.
21Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen?
21Tu galvosi: ‘Kada man gimė šitie? Juk aš buvau nevaisinga ir bevaikė, tremtinė ir belaisvė. Kas juos užaugino? Aš buvau viena palikta. Iš kur šitie?’ ”
22Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan.
22Taip sako Viešpats Dievas: “Aš ištiesiu savo ranką į tautas ir duosiu ženklą pagonims; jie atneš tavo sūnus glėbyje ir tavo dukteris ant pečių.
23Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
23Karaliai bus tavo sargai ir karalienės­auklės. Jie puls prieš tave veidu į žemę ir laižys dulkes nuo tavo kojų. Tuomet suprasi, kad Aš esu Viešpats; nebus sugėdinti, kurie laukia manęs.
24Mid xoog badanu wuxuu qabsado miyaa laga qaadaa? Miyaase la samatabbixiyaa maxaabbiistii kan xaqa ah?
24Argi iš galingojo galima atimti grobį? Ar belaisvius galima išgelbėti iš galiūno?
25Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Xataa kii xoog badan maxaabbiistiisa waa laga qaadi doonaa, oo kan laga cabsado wuxuu qabsadona waa laga samatabbixin doonaa, waayo, kii kula dirira waan la diriri doonaa, oo carruurtaadana waan badbaadin doonaa.Oo kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
25Bet taip sako Viešpats: ‘Belaisviai bus atimti iš galiūno ir grobis išplėštas iš galingojo. Aš kovosiu su tais, kurie kovojo prieš tave, ir tavo vaikus išgelbėsiu.
26Oo kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
26Aš maitinsiu tavo prispaudėjus jų pačių kūnu, ir jie gers savo kraują kaip vyną. Tada kiekvienas kūnas žinos, kad Aš esu Viešpats, tavo gelbėtojas ir atpirkėjas, Jokūbo Galingasis’ ”.