1Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay.
1Taip sako Viešpats: “Kur yra jūsų motinos skyrybų raštas, kuriuo Aš ją atleidau? Kur yra skolintojas, kuriam už skolą jus atidaviau? Dėl savo nusikaltimų jūs pardavėte save, dėl jūsų neištikimybės jūsų motina atleista.
2Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.
2Kodėl atėjęs Aš neradau žmogaus? Aš šaukiau ir niekas neatsiliepė. Argi mano ranka sutrumpėjo gelbėti? Argi neturiu jėgos išlaisvinti? Savo sudraudimu išdžiovinu jūrą, upes paverčiu dykuma. Žuvys trokšta ir gaišta, nes nebėra vandens.
3Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.
3Aš aptemdau dangų, apsupu jį ašutine”.
4Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.
4Viešpats Dievas davė man miklų liežuvį paguosti nuvargusį. Kiekvieną rytą Jis žadina mane, kad klausyčiau Jo mokymo;
5Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.
5Viešpats Dievas atvėrė man ausis, aš nesipriešinau ir nesitraukiau.
6Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.
6Aš leidausi mušamas ir tąsomas, neslėpiau veido nuo mane plūstančių ir į mane spjaudančių.
7Waayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharaf jabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin.
7Viešpats Dievas padės man, todėl aš nebūsiu sugėdintas. Aš padariau savo veidą kietą kaip titnagas ir žinau, kad nebūsiu pažemintas.
8Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.
8Arti yra Tas, kuris mane išteisina, kas dabar su manimi ginčysis? Stokite čia. Kas nori su manimi bylinėtis, teateina.
9Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.
9Viešpats Dievas padės man. Kas drįs mane pasmerkti? Jie visi pasens kaip drabužis, kandys juos suės.
10Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.
10Kas iš jūsų bijo Viešpaties, teklauso Jo tarno balso. Kas vaikščioja tamsoje, tepasitiki Viešpačiu, savo Dievu.
11Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.
11Jūs visi, kurie įžiebiate ugnį ir apsupate save žiežirbomis, vaikščiokite savo ugnies šviesoje ir tarp savo žiežirbų. Tai padarys mano ranka, jūs atsigulsite skausmuose.