1Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday.
1Klausykite manęs, kurie sekate teisumą ir ieškote Viešpaties. Pažvelkite į uolą, iš kurios jūs iškirsti, ir į duobę, iš kurios jūs iškasti.
2Bal eega aabbihiin Ibraahim, iyo Saarahdii idin dhashay, waayo, markuu mid qudha ahaa ayaan u yeedhay, waanan barakeeyey, oo tarmiyey.
2Pažvelkite į savo tėvą Abraomą ir į Sarą, kuri jus pagimdė. Aš pašaukiau jį vieną, palaiminau ir padauginau.
3Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
3Viešpats paguos Sioną ir atgaivins visus jo griuvėsius, Jis padarys jo tyrus kaip Edeną, dykumas kaip Viešpaties sodą. Linksmybė ir džiaugsmas bus ten, padėkos giesmės skambės.
4Dadkaygow, i maqla, oo quruuntaydoy, dhegta ii dhiga, waayo, sharci baa iga soo bixi doona, oo caddaaladdaydana waxaan ka dhigi doonaa inay dadyowga iftiin u noqoto.
4Mano tauta, klausyk manęs, mano giminės, išgirskite mane. Įstatymas išeis iš manęs; mano teisingumas bus šviesa tautoms.
5Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.
5Mano teisumas arti ir išgelbėjimas greitai ateis. Aš teisiu tautas. Salos lauks manęs, jos pasitikės manimi.
6Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.
6Pakelkite savo akis į dangų, pažvelkite į žemę! Dangūs praeis kaip dūmai, žemė susidėvės kaip drabužis, jos gyventojai taip pat išmirs. Bet mano išgelbėjimas liks amžinai, mano teisumas nesibaigs.
7Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.
7Klausykite manęs, kurie pažįstate teisumą, tauta, kurios širdyje yra mano įstatymas. Nebijokite žmonių pajuokos, neišsigąskite jų plūdimo.
8Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.
8Kaip vilnonį drabužį juos sugrauš kandys; bet mano teisumas liks amžinai, mano išgelbėjimas kartų kartoms.
9Gacanta Rabbigoy, toos oo toos, oo xoog yeelo, oo u toos sidii waayihii hore, iyo sidii qarniyadii hore. Miyaadan ahayn tii Rahab googooysay oo bahalbadeeddii mudday?
9Gelbėk, Viešpatie, prašau, padėk, kaip anomis dienomis senosioms kartoms! Ar ne Tu sukapojai Rahabą ir perdūrei slibiną?
10Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?
10Ar ne Tu išdžiovinai jūrą ir jos gelmėse padarei kelią pereiti išpirktiesiems?
11Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan.
11Viešpaties išpirktieji sugrįš, ateis į Sioną džiūgaudami, amžinas džiaugsmas lydės juos. Džiaugsmas ir linksmybė sugrįš, o skausmai ir vaitojimai išnyks.
12Aniga qudhayda weeye kan ku qalbi qaboojiya. Maxaad tahay waadiga nin dhimanaya iyo binu-aadmi sida caws oo kale u baabba'aya ka cabsanayee?
12“Aš, Aš guodžiu tave. Kas gi tu, kad bijotum mirtingo žmogaus, žmogaus sūnaus, kuris yra lyg žolė?
13Ma waxaad illooday Rabbiga ku sameeyey oo samooyinka kala bixiyey, oo dhulka aasaaskiisa dhigay, oo ma waxaad had iyo goor maalin kasta ka cabsanaysaa kan wax dulma cadhadiisa, sidii isagoo diyaar u ah inuu wax baabbi'iyo? Haddaba bal meeday kan wax dulma cadhadiisu?
13Tu užmiršai Viešpatį, savo Kūrėją, kuris ištiesė dangus ir sukūrė žemę. Tu nuolatos drebėjai dėl prispaudėjo žiaurumo, kuris siekė tave sunaikinti! Kur dingo prispaudėjo žiaurumas?
14Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yaamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono.
14Prispaustasis bus greitai išlaisvintas; jis nemirs, nežengs į duobę ir nebadaus.
15Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah oo badda isku walaaqa si ay mawjadaheedu u guuxaan. Magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada.
15Aš esu Viešpats, tavo Dievas, kuris perskyrė šėlstančios jūros bangas. Kareivijų Viešpats yra mano vardas.
16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.
16Aš sukūriau dangų ir žemę, pridengiau tave savo ranka, įdėjau savo žodžius į tavo lūpas ir sakiau Sionui: ‘Tumano tauta’ ”.
17Yeruusaalemay tii gacanta Rabbiga koobkii cadhadiisa ka cabtayay, toos oo toos, oo sara joogso. Waxaad cabtay koobka lagu dhacdhaco, waadna heensatay.
17Pabusk, pabusk, kelkis, Jeruzale! Tu gėrei iš Viešpaties rankos Jo rūstybės taurę; svaiginančią rūstybę išgėrei iki pat dugno.
18Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta.
18Nė vienas iš Jeruzalės sūnų nepakėlė jos ir nepadėjo jai.
19Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?
19Tave ištiko sunaikinimas ir sugriovimas, badas ir kardas, bet kas liūdi tavęs, kas paguos tave?
20Wiilashaadii aad bay u daaleen, waxayna dhinac yaalliin jidadka oo dhan sida biciid dabin ku dhacay. Waxay ka wabxeen cadhadii Rabbiga iyo canaantii Ilaahaaga.
20Tavo vaikai neteko jėgų ir gulėjo pakelėse kaip pagautas gyvulys tinkle. Jie pilni Viešpaties rūstybės, tavo Dievo pabarimo.
21Haddaba taada dhibaataysan oo ku sakhraantay wax aan khamri ahaynay, bal waxan maqal:
21Tad išgirskite, jūs, suvargusieji ir girti, bet ne nuo vyno.
22Sayidkaaga Rabbiga ah oo ah Ilaahaaga dacwada dadkiisa u muddaca wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan gacantaada ka bixiyey koobka lagu dhacdhaco, kaasoo ah koobka cadhadayda. Adigu mar dambe innaba ma aad cabbi doontid.Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.
22Taip sako Viešpats, tavo valdovas, tavo Dievas, kuris gina savo tautą: “Aš paėmiau iš tavo rankos apsvaigimo taurę; tu nebegersi daugiau mano rūstybės.
23Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.
23Aš ją paduosiu į rankas tavo kankintojų, kurie sakė tau: ‘Pasilenk, kad liptume per tave!’ Taip, tavo nugara buvo padaryta lyg žemė, lyg kelias, kuriuo jie ėjo”.