Somali

Lithuanian

Isaiah

52

1Siyoonay, toos oo toos, oo xooggaaga xidho. Yeruusaalemay, magaalada quduuska ahay, dharkaaga quruxda badan xidho, waayo, hadda ka dib kuwa buuryoqab ah iyo kuwa nijaas ah toona kuma ay soo geli doonaan.
1Pabusk, pabusk, apsirenk stiprybe, Sione! Jeruzale, šventasis mieste, apsirenk savo gražius drabužius! Į tave nebeįeis nei neapipjaustytas, nei nešvarus.
2Yeruusaalemay, boodhka iska jaf oo ka kac, oo fadhiiso, magaalada Siyoon oo maxbuusad ahayday, iska fur waxa qoorta lagaaga xidhay.
2Jeruzale, kelkis, nusikratyk dulkes, atsirišk nuo kaklo pančius, belaisve Siono dukra!
3Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa.
3Taip sako Viešpats: “Jūs pardavėte save už nieką ir būsite išpirkti be pinigų”.
4Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygii waa horay Masar ku dhaadheceen inay halkaas joogaan, oo kii reer Ashuurna sababla'aan buu u dulmay.
4Štai ką sako Viešpats Dievas: “Pradžioje mano tauta nuėjo į Egiptą viešėti, ir Asirija ją pavergė be priežasties”.
5Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaa halkan ii jira marka dadkayga waxaan waxba ahayn lagu kaxaystay? Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa iyaga u taliyaa way qayliyaan, oo magacaygana had iyo goor maalin kastaba waa la caayaa.
5Viešpats sako: “Ką Aš dabar turiu, kai mano tauta yra veltui išvesta. Jos pavergėjai kankina juos,­sako Viešpats,­ir nuolatos piktžodžiauja mano vardui.
6Sidaas daraaddeed dadkaygu magacaygay aqoonsan doonaan, oo sidaas daraaddeed waxay maalintaas garan doonaan inaan anigu ahay kan hadla, bal eega, waa i kane.
6Todėl mano tauta pažins mano vardą. Todėl pažins tą dieną, kad Aš esu Tas, kuris sako: ‘Aš esu’ ”.
7Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta.
7Kokios gražios kalnuose kojos to, kuris atneša gerą žinią ir skelbia ramybę, kuris atneša linksmą naujieną, skelbia išgelbėjimą ir sako Sionui: “Tavo Dievas viešpatauja”.
8Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo.
8Sargyba šauks, ir visi drauge džiūgaus, nes aiškiai matys savo akimis, kaip Viešpats sugrąžina Sioną.
9Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.
9Džiaukitės, Jeruzalės griuvėsiai! Viešpats paguodė savo tautą ir išlaisvino Jeruzalę.
10Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.
10Viešpats apnuogino savo šventą ranką visų tautų akivaizdoje. Visi žemės pakraščiai matys mūsų Dievo išgelbėjimą.
11Kuwiinna weelasha Rabbiga sidow, taga, oo taga, oo halkaas ka soo baxa, ha taabanina wax aan daahir ahayn, oo iyada ka dhex baxa, oo daahir ahaada.
11Traukitės, traukitės! Išeikite iš ten! Nelieskite nieko sutepto. Išeikite iš jų būrio, apsivalykite, Viešpaties indų nešėjai!
12Waayo, degdeg kuma bixi doontaan oo qixidna kuma carari doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idin hor kici doona, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa idin daba socon doona.
12Jūs išeisite neskubėdami ir nebėgsite. Viešpats eis pirma jūsų, Izraelio Dievas bus jūsų apsauga.
13Bal eega, addoonkaygu caqli buu yeelan doonaa, oo waa la sarraysiin doonaa, oo kor baa loo kicin doonaa, wuxuuna noqon doonaa mid aad u sarreeya.
13Štai mano tarnas elgsis išmintingai, jis bus išaukštintas, išgirtas ir labai kilnus.
14Waxaa jaahiisii loo xumeeyey si ka daran sida nin kale loo xumeeyo, suuraddiisiina waxaa loo xumeeyey si ka daran sida binu-aadmiga loo xumeeyo oo kale, haddaba sidii kuwa badanu ula yaabi jireen oo kale,ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.
14Kaip daugelis baisėjosi tavimi, taip jo veidas buvo nežmoniškai sudarkytas, jis buvo nebepanašus į žmogų.
15ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.
15Jis daugelį tautų nustebins, karaliai jo akivaizdoje užsičiaups: apie ką jiems niekada nebuvo pasakota, jie matys ir, ko jie niekad negirdėjo, jie supras.