Somali

Lithuanian

Isaiah

53

1Bal yaa warkayagii rumaystay? Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
1Kas patikėjo mūsų skelbimu? Ir kam buvo apreikšta Viešpaties ranka?
2Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko.
2Jis išaugs Jo akivaizdoje kaip gležnas augalas, kaip šaknis iš sausos žemės. Neturi jis nei išvaizdos, nei patrauklumo, kai žiūrime į jį, nėra jokio grožio, kuris mus prie jo trauktų.
3Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn.
3Jis paniekintas ir žmonių atmestas, skausmų vyras, negalią pažinęs; mes slėpėme nuo jo savo veidus, jis buvo paniekintas, ir mes jį nieku laikėme.
4Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan.
4Tikrai jis nešė mūsų negalias ir sau pasiėmė mūsų skausmus. O mes laikėme jį nubaustu, Dievo ištiktu ir pažemintu.
5Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay.
5Jis buvo sužeistas už mūsų kaltes ir sumuštas už mūsų nuodėmes. Bausmė dėl mūsų ramybės krito ant jo; jo žaizdomis esame išgydyti.
6Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.
6Mes visi buvome paklydę kaip avys, kiekvienas ėjome savo keliu. Bet Viešpats uždėjo ant jo visus mūsų nusikaltimus.
7Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin.
7Jis buvo kankinamas ir žeminamas, bet neatvėrė savo burnos. Kaip avinėlis, vedamas pjauti, ir kaip avis, kuri tyli prieš kirpėjus, jis neatvėrė savo burnos.
8Isaga dulmi iyo xukun baa lagu sii qaaday. Haddaba bal yaa qarnigiisii ka mid ahaa oo u maleeyey in isaga laga gooyay dalkii kuwa nool? Xadgudubka dadkayga daraaddiis ayaa isaga loo garaacay.
8Jis buvo paimtas iš kalėjimo ir teismo. Kas paskelbs jo giminę? Nes jis buvo atskirtas nuo gyvųjų šalies ir varginamas dėl mano tautos nusikaltimų.
9Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin.
9Jam paruošė kapą su nedorėliais, su turtingais po jo mirties, nors jis nepadarė nieko blogo ir jo lūpose nebuvo melo.
10Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa.
10Bet Viešpats panorėjo jį sumušti, Jis atidavė jį skausmui. Kai Tu padarysi jo sielą auka už nuodėmę, jis matys savo palikuonis, jo dienos bus prailgintos ir jo rankomis Viešpaties valia bus įvykdyta.
11Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda.Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
11Jis matys savo sielos vargą ir bus patenkintas. Per savo pažinimą mano teisusis tarnas nuteisins daugelį, nes jis neš jų nusikaltimus.
12Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
12Todėl Aš duosiu jam dalį su didžiaisiais, ir jis dalinsis grobį su stipriaisiais, kadangi jis atidavė savo sielą mirčiai ir buvo priskirtas prie nusikaltėlių. Jis nešė daugelio nuodėmes ir užtarė nusidėjėlius.